SLT SPORTS: Ganaaxa UEFA Oo suarez ka Hor Isaatagaya Inuu Qaato Abaalmarinta kabta Dahabka Hadaba Yaa U Guumaya Tolow, Iyo Qodobo Kale

(SLT-Zurich)-Weerar yahanka xulka qaranka Uruguay iyo kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa tababarihiisii hore ee Liverpool Kenny Dalglish ka codsaday inuu ududoomo abaal marinta kabta dahabka ah ee Yurub.

suarez-285x212

Luis Suarez iyo Cristiano Ronaldo ayaa xili ciyaareedkii hore kuwada guulaystay abaal marinta kabta dahabka ah ee qaarada yurub taas oo lagu helo marka aad dhaliso goolasha ugu badan horyaalada Yurub oo dhan. Suarez iyo Ronaldo ayaa dhaliyay min 31 gool taas oo keentay inay baal marintan ku wada guulaystaan.

Haddaba Luis Suarez ayaa xasuustay tababarihii keenay kooxda Liverpool ee Dalgish kaas oo liverpool ku soo daray sanadki 2011.Suarez iyo Dalgish ayaa dib u midoobi doona marka uu Suarez gudoomayo abaal marintan.

Suarez ayaa doonayay inay xafladan yimaadaan tababare Dalgish iyo waliba kabtanka Liverpool ee Steven Gerrard oo uu xidhiidh fiicani ka dhexeeyay Suarez,laakiin Gerrard ayaan xafladan ka qayb gali doonin halka Dalgish uu u duuli doono Spain subaxnimda Arbacada ah si uu u matalo Suarez.

Suarez iyo Dalglish ayuu xidhiidh qoto dheeri u dhexeeyaa isagoo Dalgish taageero wayn u muujiyay markii Suarez lagu helay inuu Patrice Evra kula kacay erayo cunsuriyad ah. Suarez ayaa sidoo kale doonaya inuu abaal marintan dhex geeyo garoonkii uu ugu guulaystay abaal marintan ee Anfield basle waxaa taas u diidaysa iyadoo ganaaxii FIFA ay uga hadhay 15 maalmood.
Halyaygii Hore Ee Arsenal Ee Thierry Henry Oo Laga Yaabo Inuu PSG Ama Monaco Ku Soo Laabto

Halyaygii hore ee kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto wadankiisa Faransiiska kadib markii la sheegay inay doonayaan kooxaha PSG iyo Monaco.

Mustaqbalka Henry ayuu mugdi ku jiraa iyadoo uu heshiiskiisa waqtigiisu dhamaanayo dabayaaqada sanadkan. Henry ayaa taniyo sanadkii 2010 la joogay kooxda New York Red Bulls, haddii uusan heshiis cusub u saxiixin kooxdiisa waxaa la rajaynayaa inuu bisha January dib ugu soo laaban doono wadamada yurub gaar ahaan wadankiisa France.

Warar ayaa sheegaya in laga yaabo in 37 jirkani ciyaaraha ka fadhiisto balse wuxuu u dhawyahay inuu ku laabto mid ka mid ah kooxaha ree France.

Tabarihii hore ee Liverpool Gerard Houllier oo hadda ah tababaraha kooxda New York Red Bulls ayaa arintan dabka ku sii shiday kadib markii uu sheegay inuu wali Henry ka ciyaari karo kooxaha ugu sareeya horyaalka Lique 1 ka France.

Houllier ayaa yidhi: “ Haddii uu leeyahay heerkii uu kaga sii ciyaari kari lahaa Lique 1, haa wax dhib ahi ma jiraan, laakiin ilaa hadda wax go’aan ah lama gaadhin. Henry wali muu go’aansan inuu soo gabagabeeyo waayihiisa ciyaareed. Anagu waxaanu jecel nahay inaanu sii haysano laakiin isaga ayay ku xidhan tahay”.
Yaa Buuxin Doona Booska Uu Ka Dhaawacmay Mesut Ozil Ee Arsenal?

1328792-28569405-2560-1440

Arsenal waxaa soo wajahay dhaawac xun isbuucaan, ka dib markii Mesut Ozil uu ku dhaawacmay isagoo ku maqan xulkiisa Jarmalka.

Kubadsameeyahan ayaa maqnaan doona ugu yaraan muddo seddex bilood ah, iyadoo jeex uu ka galay seedka jilibka bidix xilli uu ku biiray xulkiisa Jarmalka.

Waxa uu haatan maqnaan doonaa ilaa iyo bilowga 2015, taasoo la micno ah in Arsenal ay raadin doonto cid u bedesha hal abuurkiisa.

Ozil ayaa qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan uu ahaa mid aan deganeyn, laakiin waxa uu abuuray fursado (14) ka badan inta ay abuureen ciyaartoyda kale ee Arsenal, waxaana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guushii 3-0 ee ay kaga badiyeen Aston Villa isagoo dhaliyay goolkii furitaanka ka hor inta uusan abuurin goolka labaad daqiiqado ka dib.

Inta uu maqan yahay, Arsenal waxa ay No 10 u isticmaali doontaa ciyaaryahan kale oo caawiya Danny Welbeck, islamarkaana isku xira khadka dhexe iyo weerarka.

Ninka ugu macquulsan ee u sharaxan jagadaas waa kubadsameeyaha Isbaanishka Santi Cazorla.
Blackett Oo Mushaharkiisa Haatan Ee Man Utd Ee 2 Kun Ginni Loogu Bedelayo 50 Kun Ginni Isbuucii.

1412767245195_wps_6_5th_October_2014_Barclays

Manchester United ayaa diyaar u ah inay Tyler Blackett siiso qandaraas cusub.

20 jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa haatan isbuucii waxa uu mushahar ahaan u qaataa 2 kun ginni.

Blackett ayaa ka garab ciyaarayay ciyaartoyda sida Wayne Rooney iyo Angel di Maria xilli ciyaareedkan, kuwaasoo isbuucii lacagta ay qaataan ay seddex jibaar ka badan tahay inta uu qaato isaga SANNADKA oo dhan.

Laakiin macalinka United Louis van Gaal ayaa u soo jeediyay madaxda kooxda in da’ yarkaan lagu abaalmariyo sida uu uga soo baxay akadeemiga islamarkaana uga dhex muuqday kooxda koowaad.

Waxaana ay tani la micno tahay in Blackett uu mushaharkiisa noqon doono isbuucii 50 kun ginni marka uu saxiixo qandaraaska cusub.

Dhaawacyada soo wajahay Man United ayaa keentay in Blackett uu fursad helo, iyadoo van Gaal uu aaminsan yahay inuu mustaqbal ku leeyahay Old Trafford.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday