SLT SPORTS: Ander Herrera “Weeararyahanada Manchester Waa Weeraryahanada Ugu Fiican Aduunka” Iyo Qodobo Kale.

(SLT-Manchester)-Laacibka qadka dhexe ee kooxda Man United Ander Herrera ayaa sheegay in kooxdiisu ay haysato weerar yahanada ugu fiican aduunka waqtigaan la joogo.

Herrera ayaa dhaawac uga maqan kooxdiisa kadib markii uu ka jabay feeraha kulankii ay 2-1 uga adkaadeen kooxda West Ham United wuxuuna yiri isagoo u waramaya Daily Express:

Rooney-Van-Persie-Falcao-285x189

“Marwalba waxaan doonayaa inaan goolal dhaliyo, waa muhiim in laacibka qadka dhexe uu kooxda ka caawiyo dhanka gool dhalinta”.

“Waxaan jeclahay inaan caawiyo weerarka waliba anakoo haysana weerarka ugu fiican aduunka kuwaas oo kala ah Rooney, Van Persie iyo Falcao”.

“Horyaalka ingiriisku waa mid ka ugu adag aduunka, waxaa ka jira tartan joogto ah oo United kala dhexeeya kooxaha Chelsea, Arsenal, City, Liverpool, Tottenham iyo Everton”.
Toni Kroos SOo haraxaad Kabixiyay Sida Ay Isku Fahmaan Isaga Iyo Tababare Ancelotti.

Toni Kroos ayaa ku soo biiray kooxda Real Madrid suuqii kala iibsiga ee xaggaaga isagoo ka soo dhaqaaqay kooxda Bayern Munich ee dalka jarmalka.

Kroos

Kroos ayaa dhibaato ku qaba inuu fahmo luuqada Spanish-ka tan iyo ku soo biiridiisa Real Madrid wuxuuna sharaxaad ka bixiyay qaabka ay isku fahmaan isaga iyo ciyaartoyda kooxda iyo waliba tababare Carlo Ancelotti.

“Shaki la,aan luuqada Spainsh-ka aad ayaan ugu dhibanahay, ma ahan wax fudud in aadan fahmayn hadalada ay asxaabtada is waydaarsanayaan inta ay ciyaarta socoto, taasina waxay igu cadaadin toontaa inaan si deg deg ah ku barto luuqada”Kroos ayaa sidaas u sheegay AS.

“Waxaa si wayn ii caawiya joogitaanka laacibiin si wanaagsan ugu hadla luuqada ingiriiska taas oo waxbadan ii fududaysay”.

“Nasiib wanaag xitaa tababare Carlo Ancelotti wuxuu wax iigu sheegaa luuqa ingiriiska”.
David Silva: Chelsea Si Sahlan Kuma Heyn Doonto Hogaanka Horyaalka Waan Soo Qaban Doonaa.

David Silva: Chelsea Si Sahlan Kuma Heyn Doonto Hogaanka Horyaalka Waan Soo Qaban Doonaa.

Xiddiga Manchester City David Silva ayaa sheegay inuusan wax walaac ah ka qabin hogaanka ay Chelsea u heyso horyaalka Premier League.

David Silva ayaa aaminsan in kooxdiisa Manchester City ay fursad u heysato inay difaacato horyaalka madaama Premier League uu yahay horyaal aan la sii saadaalin karin.

Kooxda reer London ayaa haatan shan dhibcood oo nadiif ah ka sareysa City, laakiin Silva ayaa aaminsan in Chelsea ay si sahlan ku socon doonin xilli ciyaareedka oo dhan.

“Chelsea waxa ay sameeyeen saxiixyo waa weyn, waxa ay heystaa ciyaartoyda waa weyn iyo koox weyn” ayuu yidhi Silva.

“Laakiin taasi lama micno ahan in wax walba ay u fududaanayaan, gaar ahaan marka la joogo England.”
Silvio Berlusconi oo Shaaca Ka Qaaday In CIyaartoydii Ay Xagaaga La Soo Wareegeen Uu Carlo Ancelotti U Ansixiyay


Mulkiilaha kooxda isla markaana ah Madax waynaha kooxda AC Milan ee Silvio Berlusconi ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti uu u ansixiyay ciyaartoydii ay AC Milan xagaagan la soo wareegtay.

Berlusconi ayaa sidan ku sheegay waraysi ay la yeelatay Gazzetta dello Sport, wuxuuna sigaar ah madax waynaha Milan u sheegay inay kala tashadeen iibka ciyaartoyda kala ah Alex, Jeremy Menez iyo Diego Lopez.

Lopez ayaa Real Madrid kaga soo biiray Milan wuxuuna ka yimid kooxda uu Ancelotti macalinka u yahay. Berlusconi ayaa yidhi: “Ancelotti wuxuu xidhiidh dhaw la leeyahay Adriano Galliani, wuxuuna noo ansixiyay iibka ciyaartoyda kala ah Alex, Lopez and Menez”.

Tababaraha Real Madrid ee Ancelotti ayaa hore Milan tababare ugu soo noqday muddo 8 sano ah halka uu shan sano ku soo qaatay isagoo ciyaartoy ah, wuxuuna kula guulaystay laba koob oo Champions leaqueg ah. Milan ayaa xili ciyaareedka ku bilabatay qaab fiican balse waxaad moodaa inay kulamadii ugu danbeeyay uu hoos ku sii dhacaayay.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday