SLT SPORT: Guardiola Oo Ku Hamiyaya Inuu Mar Tababare U Noqdo Manchester United, Balse Iska Diiday..

(SLT-Berlin)-Pep Guardiola ayaa doonaya inuu tababare u noqdo Manchester United waqti ka mid ah mustaqbalka sida lagu sheegay buug cusub oo laga qoray xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Bayern Munich.

Buugaan ayaa waxaa qoray Guardiola saaxiibkiisa Marti Perarnau, waxaana macalinka reer Spain uu shaaca ka qaaday inuu la dhacay kooxda Sir Alex Ferguson ee United ee sannadkii 2011 isagoo yidhi: “Waan jeclahay jawigaan. Waxaan isku arkaa inaan maalin tababare ka noqon doono halkaan.”

 

tt

Guardiola ayaa mudada dheer lala xiriirinayay Man United laakiin waxa uu ogolaaday inuu macalin u noqdo Bayern Munich bishii December 2012 ka hor inta uusan Sir Alex Ferguson ka fariisan ciyaaraha.

Macalinkii hore ee Barcelona ayaa qandaraas kula jira kooxda Bundesliga ilaa iyo 2016, laakiin sida lagu cadeeyay buugaan ugu yaraan Man United ayaa ka warqabi doonta xiisaha Guardiola uu u hayo iyaga.

Buuga ayaa sidoo kale lagu sheegay in Chelsea iyo Manchester City ay doonayeen Guardiola ka hor inta uusan heshiis la gaarin Bayern Munich oo soo gabagabeynin fasaxii sannadka ahaa ee uu ku joogay Mareykanka.

“Waqtigiisii uu fasaxa kaga maqnaa kubada cagta, shaqooyin badan ayaa loo soo bandhigay. Ninkii ay hore u wada shaqeeyeen Txiki Begiristain oo agaasime ka ah Manchester City ayaa si weyn u doonayay. Waxa uu sidoo kale Paris kula kulmay Roman Abramovich, kaasoo diyaar u ahaa inuu wax walba u sameeyo sidii uu Pep ugu soo jiidi lahaa Chelsea…. bilow yar gudaheedna waxa uu doortay Bayern.” ayaa lagu qoray buuga.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com