Siyaasiyiin Ka Mid Ah Xisbiga KULMIYE Oo Wasiirrada Xukuumadda Ku Xidhiidhiyey Warar Madow Lagu Galiyey Musharaxnimada Madaxwaynaha

(SLT-Hargeysa) – Shan ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, ayaa shir jaaa’id oo ay shalay ku qabteen Magaalada Hargeysa waxay kaga hadleen warar dhawaan saxaafaddu baahisay, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa in Madaxwaynaha Somaliland ka tanaasulay tartanka doorashada Madaxtooyada ee sanadka dambe.
Siyaasiyiintan, oo kala ahaa Cabdi Saleebaan Mingiste, Ibraahim Ducaale Saleebaan, Dr. Axmed Aw Daahir Ibraahim, Axmed Kayse iyo Mr. Filfil, ayaa sidoo ka hadlay eedaymaha xisbiyada Mucaaradka ahi u jeediyaan xukuumadda talada haysa, waxayna kula taliyeen in dhaliisha ka hor ay ummada u soo bandhigaan barnaamijyo siyaasadeed.

20141014_094619a-1024x523

Cabdi Saleebaan Mingiste, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Labada xisbi maaha kuwo weli shacabka u soo bandhigay wax barnaamij siyaasadeed ah, mana jiro barnaamij qoran oo ay ummadan ugu talo-galeen, barnaamijyada ku jira (Website-yadoodana) waxa qaarkood la qoray 2002-dii, taasina waxay kuu caddeynaysaa in aanu jirin barnaamij siyaasadeed, laakiin labada xisbi waxa uu barnaamijkoodii noqday cay iyo aflagaado loo geysto qarankan iyo Madaxda sare ee qaranka, barnaamijkooduna wuxuu noqday qabyaalad, waxaana habeen walba lagala socdaa iyaga oo leh reer Hebel-baa nagu soo biirey, waana erayo aad iyo aad u fool xun, dhibaato iyo cunfina ku ah ummadan ay doonayaan inay hoggaamiyaan”
Mr. Mingiste, waxa uu sheegay in xisbiyada Mucaaradka ahi jabiyeen shuruucda dalka “Wax kasta oo ummadan loo qabto waxay doonayaan inay khalkhaliyaan, waxaana tusaale aan u soo qaadanayaa in Madaxda xisbiyada Mucaaradku ay warbaahinta la soo fadhiisteen, iyaga oo taageero siinaya saxaafad ahayd cadowga Somaliland, sida Universal”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “14-ka bishii hore waxa uu afhayeenka Waddani uu ku dhawaaqay inaan ciidamada qaranku ka amar qaadan xukuumadda hadda jirta, waxaan u arkaa taasi inay ahayd dambi qaran, ahaydna in looga yeedho hay’adaha garsoorka oo su’aalo la waydiiyo…”
Ibraahim Ducaale Saleebaan, ayaa isaguna sheegay in dad u gaajoonaya awood siyaasadeed ay suuqa galiyeen inaan Madaxwaynuhu isa sharaxaynin “Arrintii maalintii dhawayd saxaafadda ku qornayd ee ahayd in Madaxwaynuhu doorashada ka tanaasulay, waxaan qabaa in dad u gaajoonaya inay awood siyaasadeed yeeshaan oo xubno ka ah xukuumadda maanta jirta inay warkaasi fidiyeen. Waxaan leeyahay xubnahaasi haka daayaan Madaxwaynaha Borobagaandaha, waayo isagaa Musharaxa ah, hoggaanka xisbiga KULMIYE-na wuu caddeeyay”ayuu yidhi.
Dr. Axmed Aw Daahir Ibraahim, oo ka mid ah siyaasiyiinta shirka jaraa’id qabtay ayaa isagu farta ku fiiqey cidda ay filayaan inay faafisay wararka muhmalka galinaya Musharaxnimada Madaxwayne Siilaanyo “Waxa layaab leh oo la is waydiinayaa cidda marka Madaxweynuhu baxo dalka ka dhalinaysa qalalaasaha siyaasadeed, waxaynu ognahay in aanay ahayn xisbiyada Mucaaradka ah, xisbiga KULMIYE-na hangool laba faraarood leh ay iskaga durkiyeen arrinkaasi, oo ay yidhaahdeen meel arrinkaa Madaxweynuhu ku sheegay ma ogin”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Ninbaa habeen qudcur ah farta taagey, markaasaa loo bixiyey Far-taag, markaa bulshada reer Somaliland maanta way dareensan tahay cidda Far-taaggaasi yahay (Cidda leh Madaxweynuhu Musharax maaha). Far-taag waxa laga hoos eegayaa dadkii Madaxweynuhu wax ka dhigay ee uu xilka u dhiibay ee isaga hoos joogay, halkaas ayayna dadweynuhu ku dareensan yihiin, markaa waa cid xil weyn haysa oo Madaxweynaha hoos joogta”
Shirka jaraa’id waxa iyaguna ka hadlay labada siyaasi ee kala ah Axmed Kayse iyo Abiib Xasan Filfil, waxayna

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday