Muniir Axmed Cigaal Oo Shacabka Deegaamada Gaatama, Beer, Dhakool Iyo Unuunlay U Qadimay Halka Horumar La’aanta Ay Ka Dhaxleen Iyo Rajada Xisbiga Uu U Waddo

(SLT-Burco)- Kaaliyaha Warfaafinta Ee Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo ka tirsan xisbiga Waddani oo si diiran ay u soo dhaweeyeen dadka deegaamada Beer, Unuunlay, Dhakool iyo Gaatama oo ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa xusuusiyey shacabka deegaamadani waxtar la’aanta ay ka dhaxleen xukuumada Kulmiye, balse xisbiga Waddani ee maanta ay Wadaan inuu yahay xisbigii Bulshada oo ka duulaya wax ka qabashada arimaha Bulshada.


Siyaasi Muniir Axmed Cigaal waxa uu duray Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaamadan oo hagraday wixii bulshadani ka filaysay, maantana mar kale usoo xaydan doona.
Deegaamada ay isku kala bixiyeen Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo ka mid ahaa Siyaasi Muniir Axmed Cigaal ayaa khudbad uu u jeediyey Shucuubta deegaanka Gaatama ayaa waxa uu ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa xisbigaa magaca Waddaniga ah sita ee Waddani ee aanu wadno waa xisbigii Bulshada hadii uu xisbigii bulshada yahayna waxa uu ka duulayaa waa arimaha bulshada ee ay kow ka yihiin kuwaa idin taabanaya idinka iyo deegaamada kale ee Somaliland.

Dalkeena waxyaabaha halkaa dhigay waxa kow ka ah oo ugu weyn oon la dafiri karin in horumarka ay hortaagnaayeen shakhsiyaad wax gaar ah la siiyo ama wax gaar ah iyagu ku qaba, horaa looga maahmaahayoo xalay ayuu sheegayey hoggaamiyaha Waddani, ninkii Muuse Yuusuf la odhan jiray horaa looga maahmaahayoo wuxuu yidhi ‘Saami nin reer ma doojo’, wax qof la siiyaa dad ma gaadhaan.

Waxaan ka marag kacayaa dad deegaankan magacooda ku abtirsanayey oo runtii siyaasadii iyo sayladii xoolaha kala garan waayey oo kurtiina iyo madixiina dilaali jiray waan ka marag kacayaa oo waan ogahay, Illaahayna waxaan ugu mahad naqayaa in aad fahanteen ood yaqiinsateen.

Anagu waxaanu wadnaa, beena idiin sheegi mayno oo xisbigayagu beenta ma sheego oo murashaxayagu waligii cid uu wax la galay kagamuu bixin oo waa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo dadka yaqaanana waad soo weydiin kartaan, hoggaamiyaha xisbiguna waa Xirsi Cali Xaaji Xasanoo intuu xafiiska fadhiyey waligii been ma sheegin, saraakiisha kale ee nala socotaana waligood ma sheegin.

Horta anagu waxqabad waanu la soconaa, xisbi mucaarid ah baanu nahay oo hanashada dalka ayaanu ku soconaa oo halkii bulshada arimaha caafimaadka iyo waxbarashada looga shaqaynayey ayaanu ku soconaa, iyadoo taasi taa tahay ayaa hadana aanu idinla hor nimid in arimahaa idin haysta Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘ooda dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa’, taana waad fahmaysaan oo kuwa idiinku daran in anaga oo mucaarid ah aanu ku dhiirano ayaanu idinla hor nimid waananu bilaabaynaa. Illaahayna waxaan ka rajaynayaa in guusha uu Waddani Raaciyoo oo aad aragtaan intaasoo aad ka cabanaysaan oo halkaa laga wada dhisay, waana maragoo markii koowaad ayaanu idinla hor nimidoo, markhaatigeedana markay dhamaadaan ayaad nala sugi doontaan idinkuna codkaad siin doontaane taa ku bushaaraysta.” Ayuu yidhi Kaaliyaha Warfaafinta ee Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Siyaasi Muniir Axmed Cigaal.

Hoos ka DAAWO muqaalka Hadalkii Muniir Axmed Cigaal .

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office