Siyaasi kicinta ( agitation ) iyo abaabulka ( organization ) waxaa udhexeeya badwayn ee haysku qaldin

Dalka iyo dadka Somaliland waxay soo mareen marxalado kala gadisan , oo midwalba ay leedahay hogaankeeda waxaa hada lasoo gaadhay dalku inuu yeesho diwaangalin madaniya oo sugaysa codbixiyayaasha doorashooyinka madaxtooyada , golaha shacbiga iyo degaanada .

Diwaan galinta waa cadaynta cida xaq uleh inay bixiso codka doorashada oo ay wax doorato lana doorto taasoo muhiim u ah cod sugan inay katimaado doorasho sugan oo xal iyo xaq ah, waxaynu ku jirnaa hawshaa diwaan galinta madaniga oo leh ahmiyadeeda oo ah albaabka looga gudbaayo codbixiyayaasha iyo doorashada .baryahan danbe waxaa laga arkaa tv yada xisbiyada mucaaradka qaarkood oo qabanaaya xaflado lagu sheego in laga soo diga rogtay xisbi kale , taa soo ubahan inaan lagu jaha wareerin sababtu waxa weeyi xubnaha xisbigu waxay leeyihiin shuruud sida hoos ku qoran :

1-    Xisbinimadu waxay leedahay rukuno iyo tiirar aasaasiya oo kawada dhexeeya axsaabta oo dhan waxayna ku kala duwan yihiin xeerka iyo barnaamujka iyo nooca hogaaminta

2-    Diga rogoshadu waxay ubaahantahay cadaymo rasmi ah oo caynahay xubin nimada iyo xilka uu ahayay hadii kale waa arbush badaw waana lugooyo

3-    Dalalka Africa waxaa lagu soo arkay xisbi magac ahaan , barnaamuj ahaan iyo xeer ahaan qoraal ku haysta lakin xisbigu u egyahay sidii shirkad gaar loo leeyahay , oo ninka madaxda ka ahi iskagu uu bixiyo xarashaadka , markaasna xaq uyeesho in loogu shaqeeyo sidaa isagu doonayaayo loona yidhaahdo waxa isagu uu rabo.

xasahn

4-    Xisbiyadaas qaarkood waxaa si dadban uugu xidhanyahay dawlad shisheeye oo dana kaleh , oo ay dhici karto gacan siin dhaqaale iyo scholarship oo isagu uu awood uleeyahay cidii uudoone siiyo oo waliba aad ugu badan qabiilkiisa

Siyaasi waxaa haboon marka hore murashaxa doorashda madaxtooyada waa inuu leeyahay damac balaadhan oo ka fog halaka uu kasoo jeedo , taasoo hadii xisbiyada qaranku ee mucaaradka ahi ay ka dhigtaa cudud ninkastaba halkuu kasoo jeedo , waxay taasi wiiqaysaa kalsoonidii uu ka helilahaa shacbi waynaha Somaliland laga bilaabo saylac ilaa lasqoray oo ah cudud muhiim ah

Mudo kordhin .

Xisbiga wadani wuxuu ka hadlaa kordhin majirto wuxuuna ilawsanyahay in gudoomiyahoogu iyo xubnaha golaha shacbiga ee xisbigoodu ay ku fadhiyaa kuraasta mudo kordhin ku sii socota shan sano .

Hadii ay dhacdo duruuf ama waayo lamadid ah tii shalay loogu kordhiyay mudada waxay noqonaysaa taasi xalaal sidii ay shalaytoole unoqotay taasi xalaal iyo xaq cidii diidaa waxay noqonayaan in ay kasoo horjeedaan wixii dantu noqoto , dantuna way ka wayntahay damac shakhsi , inkasta oo aan aaminsanahay xisbiga kulmiye oo shalayto helay 52% ee codbixyayaasha kadib burburkii xisbi xaakimkii hore ee Udub uu xisbiga kulmiye helidoono 60-70% marka la eego go’aamada gobalada dalka sida saadaashu ay sheegayso .

Ugu danbayntii waxaa baryahay laysla dhexmarayaa, madaxwaynahaa tanaasulay lakin ninka haystaa isaga iyo xisbigiisu in kabada 60% rabitaanka shacbiga cidna utanaasuli maayo.

Madaxda xisbiyada mucaaradka ahi haka hadlaaan diwaangalinta madani gaha oo ay shacbiga ku dhiiri galiyaad taageerayaashooda iyo shacbiga guud ahaan in ay qaataan kaadhadhka hadii ay taasi dhiciwaydo, waxaa imankara shaki ah in ay katanaasuleen doorashda.

(( diwaan madani diid waa doorasho diid ))

Xasan suudi xirsi

Siyaasi madaxbanaan

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..