Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo M/Weyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Wasiirradii Hore Kasoo Celiyo Hantida Umadda Ee Malaayiinka Doollar Gaadhaysa?

(SLT-Hargaysa)- Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ka mida Siyaasiyiinta waaweyn ee reer Somaliland ahna Siyaasi Madaxbanaan oo aan saddexda Xisbi qaran midna ka tirsaneyn inta bandanna ka hadla danaha qaranka iyo danta umaddu hadba meesha ay ku jirto Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi kula dardaarmay in uu noqdo hogaamiye ilaaliya hantida umadda lana xisaabtama raggii xilalka wasiirnimo ka ahaa xukuumadda KULMIYE ee dhawaan xilku ka dhammaaday oo uu ugu baaqay in uu umadda uga soo celiyo malaayiin dollar oo kaga maqan sida Siyaasigu sheegay isaga oo dhinaca kalena ka hadlay xukuumadda cusub ee soo dhisay Madaxweyne Biixi isaga oo u diray fariin iyo talooyin muhiim ah oo uu u soo jeediyey.


Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ah Siyaasi lagu naanayso (Madaxweynaha Mustaqbalka), ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumaddiisa cusub talooyin dhaxal gal ah u soo jeediyey, waxaanu ku taliyey in talaabada lagu diwaangelinaayo hantidda raga xilalka qaran loo dhiibayaa ay tahay mid muhiim ah balse loo baahan yahay in hadhaw marka ay xilka ka tagaan ama laga qaado hantida ay haystaana la xisaabiyo oo la ogaado.

Siyaasi Obsiiye waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumadda cusub ee uu imika soo dhisay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland md Muuse Biixi Cabdi, waxaan marka hore u soo jeedinayaa Hambalyo, waayo horta markiiba la ma mucaarido waxay u baahan tahay in marka hore la eego qofku wuxu qabanaayo oo laga dhur sugo oo waxay la timaado la la baxnaaniyo, marka waxaan ku bogaadinayaa xukuumadda iyo madaxweynha 2-ba qodob kana mid ahayd arimihii aan soo jeedinay kuwaas oo kala ah inay golaha wasiiradda cusubi keenaan hantidda ay leeyihiin inta aanay shaqadda qaranka bilaabin in la qoro hore ayaan u soo jeedinay waanay ku mahadsan yihiin arinta ina fuliyaan oo ay qaateen , waana ta ugu muhiimsan waxa ina dilayna waxa weeyaan , wasiir isaga oo Xayraan ah Suuqa looga yeedhay oo hadhaw marka xilka laga qaado isaga oo Milyaneera xilkii ka tegaaya , waxaanu leenahay talooyinkan horena waa ugu soo jeedinay imikana waa ugu celinaynaa xukuumadda cusub oo ku sii adkaynaynaa , mudane madaxweyne maadama oo aad go’aankan in qof kasta oo xil dawladda aad u dhiibayso aad bilawdeen in hantiddiisa la diwaangeliyo waa arin fiican ee waa in lagu daraa in qofku marka uu xilka ka tegaayo in la xisaabiyo hantidda uu haysto”.

Md Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa uu isaga oo talooyin u soo jeedinaayey Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi uu yidhi “Runtii qodobka aan inta ku daraayo ee aan doonaayo in aan ka hadlo waxa weeye Xukuumaddii hore in aan la ilaawin, waayo sidaan horeba u sheegay waa waxyaabaha ina dilay ee musuq maasuqa inoogu wacan waa isla xisaabtan la’aanta weeyaan in qofkii bilaa camalka ahaa shalay to ee giddaradda taagnaa ee isaga oo Xayraan ah xilka wasiirnimadda loo dhiibay isaga oo Milyaneerana ka tegaaya , waa hantidii umadda waxan uu ku qanacsanayaa ee uu kala baxayaa meesha , waa in laga qabto meesha oo waa in la xisaabiyo ayaan leeyahay , waxa kale oo aan ugu darayaa madaxweynaha talo ahaan, in uu balaadhiyo talada dalka runtii waayo waayo taladu adiga ayaa ku nool ayaa la yidhaahda iyadu kugu ma noola, waxa loo baahan yahay cida uu la tashanaayo madaxweynuhu inay noqoto cid aqoon leh , caqli leh, cilmi leh oo diin leh inay noqoto oo ka madhan qabiil munaafaqad siyaasad danaysi ah waxyaabaha caynkaas ah ka madhan waa in uu madaxweynuhu danta qaranka kala tashadda cidaasi ayaa qaranka talo lexejeclo leh siin kartee”.

Ugu dambayn Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalku) waxa uu sheegay in waxyaabaha Somaliland qayrkeeda ka reeba ee ummadaha kale ay kaga xun yihiin ay ka mid tahay in dadka xilalka loogu dhiibaa marka ay xilka qabanayaan ay yihiin kuwo faro madhan oo aan waxba haysan marka ay xilka ka dagayaanna noqda Milyanneero hantiilayaal ah oo ka hodma hantida umadda cidina aanay xisaabin. Siyaasi Obsiiye oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxyaabaha qayrkeen innaga reebay ee aan ummadaha kaga duwannahay waa in la innoo magacaabo dad marka xilka loo dhiibayo fara madhan marka ay xilka ka degaanna milyanneero ah oo hantida umadda faraqa ka buuxsaday, taasi waa ayaan darro weyn” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office