Sixirkii ay i bareen suufiyadu! (Sheeko dhab ah)

Xaamid Aadam Muuse waa sheekh soodaani ah, oo ka tirsanaan jirey dariiqooyinka suufiyada, waxa uu ka gaadhay dariiqadiisa Tajaaniyada derajada ugu sarreysa ee ‘Qudub’; qudub waa mid ka mid ah afarta nin ee afarta jiho ka wakiilka ah. Waxa uu bannaanka soo dhigayaa Xaamid: been, sixir iyo khuraafaad badan oo ay ku shaqaystaan dadka sheegta awliyada, sheekhyada karaamada leh iyo gefefka ay ku kacaan madaxda dariiqooyinka suufiyadu, oo qaarkood ay sheegtaan in ay qaybka og yihiin. Waxa uu qaawinayaa kuwa sheegta in ay yaqaannaan ‘cilmu baaddinka’ ama kuwa sheegta in ay gaadheen derajada ‘ yaqiinta’ ama kuwa yidhaahda; ‘waa naloo tukadaa iwm.’

Xaamid Aadam -oo loo aqoon og yahay saaxirkii toobbad keenay- markii uu ka baxay suufiyada waxa uu badka soo dhigay dhacdooyin dhabanahays ku riday qof kasta oo maqlay. Waxa uu qabtay muxaadarooyin dhawr ah oo uu ku faahfaahinayo; sidii uu sixirka ku bartay, sidee ayaa dadka loo sixraa? Xirsi-xidhka ama qardhaastu waa maxay? Astaamaha lagu garto sixiroolaha, sidee ayaa ay awliyada suufiyadu ku sheegtaan in ay qaybka og yihiin? Ka qayb-galka xadrada ama fadhiga Nabiga iyo xadrada Illaahay! Iyo tusaalayaal nool oo ku tusaya qaabka ay awliyadu dadka u qaladdo ayuu Xaamid muxaadarooyinkaa ku faahfaahinaya. Halkan waxa aan ku soo gudbinayaa nuxurka muxaadarooyinka sheekh Xaamid oo Af Soomaali ah.
Xaamud waxa uu ku bilaabayaa sheekada:

Hayaankii Sixir-barashada.
———————————-

Waxa aan ka soo jeedaa anigu galbeedka Soodaan, gobolka Koonfurta Daarfuur gaar ahaan deegaanka Baraam. Aniga oo aad u yar ayaa aan u xadhko-xidhay in aan Quraanka iyo diinta barto. Hammigayga ugu weyn waxa uu ahaan in aan ka mid noqdo awliyada dhabta ah ee Ilaahay, oo aan noqdo caalim dadka bara Quraanka iyo diinta. Waxa aan u socdaalay tuulada Duwaal, oo uu joogay Sheekh la yidhaahdo Axmed al-Burdi, oo ka mid culimada ugu waaweyn deegaankaas. Sheekhaas ayaa aan xertiisa ka mid noqday, gacantiisa ayaanan wax ku bartay, aniga oo ka soo bilaabay heerka ardaynimada (muhaajir), una gudbay sheekha khalwada (malcaamad) kaddibna sheekha xalqadda. Waxa aan gaadhay heer aan aqoon ahaan la sinmay sheekhaygii -Axmed al-Burdi- markaa sheekhaygii waxa uu igu yidhi; ‘’laba sheekh oo siman deegaan ma wada joogi karaan, ee waa in uu midkeen tagaa.’’ ‘’Waxa aan kuu gudbinayaa sheekh iga aqoon badan, oo isna ku sii dalacsiiya.’’ Waxa uu ii dalacsiiyay sheekh la yidhaahdo al-Qaasim oo jooga magaalada Jinaynah, oo ku taalla xadka u dhexeeya Soodaan iyo Jaad.

Markii aan muddo la joogay sheekh al-Qaasim waa aan la sinmay aqoon ahaan, kaddibna waxa uu ii sheegay in aan Soodaan oo dhan ka baxayo, oo uu ii gudbinayo sheekh ka sii aqoon sarreeya. Waxa uu ii tilmaamay culimo joogta xadka ay wadaagaan Jaad iyo Nayjar. Waxa uu ii sheegay in halkaa ay joogaan culimo gaadhay derajada ‘Watad’ oo la macno ah tiir; ama kuwii dhulkaba hayay. Sida aynu ognahay suufiyadu waxa ay kala leeyihiin heerar dhanka aqoonta
ah sida; arday, sheekhal khalwa, sheekhal xalqa, naqiib, najiib, watad iyo qudub. Watadyadu waa ay badan yihiin, laakiin qudubyadu waa afar kaliya, oo kala maamula afarta jiho. Markii aan in badan la joogay culimadaas, waxa la ii gudbiyay sheekh derajada watad ah. Waxa la I faray in aan si indho-la’aana oo damqasho la’aan ah aan ugu adeego watadka, waxa halhays la iiga dhigay odhaahda ah: ‘’Wax ha diidin oo ha doodin, yaan lagu dayrin ama lagu doorine.’’

Waxa la igu yidhi u adeeg sheekha, si aad u noqoto qof dhamaystiran oo wax loo faydo (mukaashifi), waxa laguu faydayaa Looxa Maxfuudka ah, oo aad wax ka daalacanaysaa, waxa aad arkaysaa Nabiga -adiga oo soo jeeda- waxa aad arkaysaa Ilaahay! Waa aad la hadlaysaa, oo waa uu kula hadlayaa, waxa aanad ka mid noqonaysaa dadka soocan ‘khawaas’. Waxa ay igu yidhaahdeen waxa aanu ku baraynaa; cilmiga siraha , cilmiga yaqiinta( xaqal-yaqiin, caynal-yaqiin) iyo cilmu al-mukaashafaat. Waxa ay ii balanqaadeen in watadku i barayo – marka aan sida addoonka ugu adeego- cilmi baaddinka ((علم اللدن, oo ka duwan cilmiga muuqda, ee dadka caamada ahi yaqaannaan.

Sheekadii Muuse (RC) iyo Khadar (RC).
—————————————————-

Sheekh Xaamid waxa uu leeyahay, si laguugu qanciyo in kasmada dahsooni (Cilmi baaddin) ay tahay wax jira oo Islaamka sal ku leh, waxa ay suufiyadu soo daliishadaan qisadii Nabi Muuse iyo Khadar dhex martay. Khadar waxa uu fahansanaa cilmu baaddinka, halka uu Nabi Muuse ku koobnaa cilmi daahirka ama waxa muuqda oo qudha.
Cilmi baadinku waa xaq, waanu ka xaqsan yahay cilmi daahirka, waxaana ay culimadayada -suufiyadu- soo daliishan jireen qisadii Khadar iyo Muuse –Alle raali haka noqdo labadoodaba e’, qisadan waxa aan u soo gudbinayaa arrimaha soo socda ayaa ah kuwo fajaciso ah, waxa aad I odhan doontaan maxa aad u rumaysatay waxa kan baadilka ah, balse marka aad qisadan dhugataan waa aad ii garaabi doontaa, beenta naloo laaqay.

Markii ay is raaceen kaddib, Muuse iyo Khadar oo ayaa arkay doon badda dhex maraysa, waxa ay ku yidhaahdeen ma idiin raacnaa deegaan heblaayo? Waxa lagu yidhi lacag ma haysataan? Waxa ay yidhaahdeen waxba ma haysanno. Kaddib bilaa lacag ayaa lagu qaaday.

Nabi Khadar ayaa Nabi Muuse ku yidhi: ‘’Cilmiga aan leeyahay adigu ma garanaysid, oo ma xamilaysid, ee ma ku sabraysaa in aanad waxba I weyddiin, illaa inta aan anigu kuu sheegayo?’’
Nabi Muuse ayaa yidhi: ‘’ Haa . Hadduu Alle idmo waan ku sabrayaa’’
Halkaa waxa ay culimada dariiqadu ka soo qaateen in aanad sheekhaaga waxba weydiin illaa uu isagu kuu sheego mooyee.
Doontii ayaa ay fuuleen Muuse iyo Khadar, Khadar ayaana dalooliyay doonidii. Muuse – oo yaabban- ayaa yidhi: ‘’ bilaash ayaa ay inagu soo qaadeen dadka doonta lihi, adna waad daloolisay, ma waxa aad doonaysaa in ay inala degto doontu? Maxaa aad waxaa u samaynaysaa?’’
Khadar ayaa yidhi: ‘’ Miyaa aanan ku odhan waxba ha I weydiin illaa aan kuu sheego anigu?’’
Muuse ayaa yidhi: ‘’Waa aan illoobay ee iga raali noqo.’’

Sidaas oo kale ayaa uu sheekhu kuu barayaa in aanad hadal ku soo celin, haddii kale waa lagu eryayaa, oo ujeedadaada cilmi ma gaadhaysid.

Mar kale waxa ay soo mareen Muuse iyo Khadar dhallaan meel ku ciyaaraya. Mid ka mid ah carruurtii ayaa uu dilay Khadar! Muuse ayaa yidhi: ‘’ Sidee ayaa aad u dishay naf aan denbi lahayn, oo weliba carruur ah?’’ Khadar ayaa yidhi: ‘’Hore ayaa aan kuugu sheegay in aanad u dulqaadan karin waxa aan samaynayo.’’ Muuse ayaa yidhi: ‘’ Haddii mar danbe aan ku wayddiiyo waa aad I eryi kartaa.’’
Waxa ay soo galeen magaalo –iyaga oo gaajaysan, dadka magaaladu waxa ay ahaayeen bakhayliin, oo cunto waa ay u diideen. Waxa ay soo ag mareen gidaar, iyaga oo hadhsanaya ayuu Khadar arkay in gidaarku janjeedho oo uu dhacayo. Waa uu toosiyay Nabi Khadar gidaarkii, oo waa uu dhisay. Muuse ayaa ku yidhi: ‘’Waa aad ogtahay dadka magaaladu in aanay waxba ina siin, maad ugu yaraan lacagta gidaarka aad ku dhistay weyddiisatid, si aan wax ugu cunno?’’
Sidaas ayaa ay Muuse iyo Khadar ku kala hadheen.

Nuxurka qisadan waxa aan uga socdaa in aydaan mardhaw I odhan maxaa aad sheekhaaga wax kasta oo uu ku amro u fulinaysay? Sida aad arkayseen Muuse waxa uu ku shaqaynayay cilmiga muuqda, halka uu Khadar ogaa cilmiga dahsoon. Dilka, daloolinta iwm marka dusha laga eego waa qalad laakiin hoos ahaan cilmi kale ayaa ku jira. Arrintani waxa ay mardhaw ina gelinaysaa dhacdooyin aad la yaabtaan; waxa aad arkaysaa sheekhaagii oo khamri cabbaya ! Adiga waa kuu khamri, laakiin, isaga waa u Bebsi-koola! Adiga waa kaa xaaraan, sheekhana waa u xalaal. Waxa aad arkaysaa sheekhaaga oo gabadh aan xilihiisa ahayn u tagaya! Adigu waxa aad u aragtaa sino, balse xagga sheekha waa ka caadi; waxa uu ku odhanayaa: ‘’Barakada ayaan gabadha raacinayaa, si ay durriyad wanaagsan u dhasho.’’ Waxa aad arkaysaa iyaga oo ay yihiin faaxisho , haddana, sheekhyadani waxa ay yaqaannaan hab kala duwan oo ay caamada u qaldaan. Waxa ay ku odhanayaan culimadu waa dad Alle toos ugu xidhan, waxa ay samaynayaan waa karaamo ay dadka dheeryihiin, ee hadal haku soo celin.

Sheekhaas watadka ah waxa aan sida addoonka ugu shaqaynayay shan sanno oo xidhiidha, gacantiisa ayaa aan wax badan ku bartay, weligiina hadal kuma aan soo celin; xataa haddii aan wax u baahanahay in aan weyddiiyo waa aan liqi jiray, waayo, waxa aan ka baqanayay in uu I eryo. Waxyaalo badan oo aan diinta shaqo ku lahayn ayaa aan u qaban jirey sheekha.

Sheekhii maalintii danbe waxa uu ii sheegay in uu ii dalacsiinayo, markan ma jiro sheekh kale oo la ii dalacsiinayaa; waxa jirtay in uu dhintay qudub ka mid ah afarta qudub, sidaa darteed waxa uu sheekhu ii sheegay – markii uu eegay culimada meesha joogta- in aanu jirin cid igaga habboon in aan buuxiyo kaalintaa bannaan ee qudubka ah.
Waxa uu igu yidhi: ‘’ Wiilkaygiyoow, waa aad ogtahay in uu dhintay qudub hebel, waxaana habboon in kaalintiisa la buuxiyo, cid adiga kaaga habboonina ma joogto. Waxa aan tusayaa jid iyo hab aan kugu dalacsiinayo, oo aan Ilaahay toos kuugu xidhayo! ‘’
Aad baa aan arrintaa uugu farxay, waayo, weligayba niyadda ayaa aan ka jeclaa in aan noqdo weli ka mid ah awliyada Ilaahay ee sooca ah ee wanaagsan.

Waxa uu igu yidhi; ‘’Waxa jira hab kaliya oo Alle lagu gaadho, hannaankaasna ma barno dadka daacadda ah mooyaane, adiguna waxa aad tahay qof daacad ah, sidaa darteed, waa aan ku gaadhsiinayaa, ee taa ku bushaarayso.’’ Aad ayaa aan ugu farxay arrintaa, waayo, waxa aan u haystay in uu qof si toosa ula xidhiidhi karo Illaahay, ama uu la fadhiisan karno Nebi Maxamed! Tani waxa ay ahayd riyo lagu soo jiidan karo, oo lagu dagi karo qofkasta oo aan diintiisa aqoon durugsan u lahayn.

Gelitaanki Khalwada (Waabka).
—————————————–

Waxa uu ii sheegay sheekhii in uu I dalacsiinayo, waxa aanu I soo hordhigay digri iyo aayado Quraan ah, waxa aanu I faray in aan kala xusho , oo aan qayb ka doorto aayadahan. Waxa aan doortay shan aayadood oo aayad kasta oo ka mid ah ay ku jiraan toban Qaaf; shantan aayadood waxa ku jirey isku darkooda konton Qaaf. Waxa uu I sheegay in aan doortay aayado culus oo weyn. Waxa uu yidhi: ‘’ Markii hore waxa aan ka baqanayay in aanad si sax ah wax u dooran, laakiin halkii ugu cuslayd ayaa aad qabsatay, tanina Ilaahay ayaa ay ku gaadhsiin doontaa. Maanka ku hay suurad iyo aayad kastaa waxa ay leedahay sir. Waxa jira Yaasiin iyo sirteeda, Waaqica iyo sirteeda, aayad kursida iyo sirteeda, suurad kasta iyo sirteeda.” Siraha uu I baray waa ay badnaayeen, illaa tobanaan hab oo aayadaha loo akhriyayo ayuu I baray, oo mid waliba sirteeda wadato, laakiin, saddex ka mid ah ayuun baa aan idiin sheegayaa:

  1. Habka isku dhex-kariska.

Waxa aad soo qaadanaysaa aayadda aad rabto, kaddibna waxa aad ku dhex daraysaa waxyaalo dheeraad ah –sida aad doonto. Haddii aynu bisinka soo qaadanno, waxa aad u dhigaysaa sidan:
Bismillaahi: Wa bi xaqi alnabiyi Muxamed SCW, wa bi xaqi Jibriil, wa bi xaqi Miikaa’iil wa Israafiil, wa bi xaqi Sahsahoobi, wa Mahmahoo, wa Dahdahoo, wa bascud babul alqadr Baabiil, Alraxmaani: Bixaqi Ciisaa, wa Muusaa, wa Ibraahiim aladdii wafaa, wa bi xaqi Jibriil, wa bi xaqi Miikaa’iil wa Israafiil, wa bi xaqi Shamhaaroosh, wa Saqackac, wa Bucbuc, wa Salaclac.
Al-raxiim: Sidii oo kale ayaa aad wax ugu daraysaa.

  1. Habka eray rogista.

Habkan erayga aayadda ama dikriga ku jira ayaa aad is-weydaarinaysaa. Bismillaahi al-Raxmaani al-Raxmiim, waxa aad u akhriyaysaa:
Al-Raxiimu al-Raxmaanu Allaahu bismi
Habkani waa dhalanrog , geddin iyo leexin aayadaha la leexinayo, bal ka warran magacaagu haddii uu yahay Maxamed Cali Axmed, ma cid baa kaa yeelaysa haddii aad tidhaahdo magacaygu waa Axmed Maxamed Cali. Bal u fiirso tuugnimadooda.Habkani waxa uu gelinayaa khalkhal, waxa aanu kugu xidhayaa dunida jinka iyo rooxaaniyiinta iyo wax aanad tamar u lahayn.

  1. Habka xaraf rogista.

Habkan xarfaha ku jira eray kasta oo aayad ama dikri ah ayaa aad rogaysaa, waa habka ugu khatarsan ee ay adeegsadaan dadka cilmi qaybka sheegtaa. Bismillaah, marka aad rogto waxa kuu soo baxaya:
Haallimsib.
Bal ka warran marka aad rogto Faatixda, al-Ikhlaas ama suuradaha kale ee Quraanka, waxa kuu soo baxaya wax aan Alleh soo dejin iyo khuraafaad la dhoodhoobay, ama waxaabay noqonayaan magacyada jinka iyo rooxaaniyiinta.
Hababkaa mid ka mid ah marka aad dooratid , ee aad ku tababarato ayaa aad gelaysaa khalwada.

Khalwadu waa in aad ictikaafto, waxa aad ku ictikaafaysaa meel gooniya oo aad Illaahay ku caabudayso –sida ay nagu yidhaahdeen, waxa aad ka dhex baxaysaa waxkasta oo ku mashquulinaya, oo adduunyada la xidhiidha. Ictikaafku waa uu ka sugan yahay Nebiga, oo tobanka danbe ee Ramadaanta ayaa uu ictikaafi jiray. Laakiin, ictikaafkayagu ma aha masjidka, waxa aad ku ictikaafaysaa meel fog oo fog, oo dadka ka fog. Haddaba sidee ayaa loo ictikaafayaa, ama sidee ayaa aan anigu u ictikaafay?

Waxa aad tagaysaa meel ka fog halka aad joogto ugu yaraan 3 KM , waxa aad dhisanaysaa mutul yar, oo aan daaqad lahayn, meel kasta oo uu iftiin ka soo galena waa aad iska xidhaysaa, markaas kaddib ayaa aad gelaysaa khalwada.
Waxa uu sheekhu I kala dooransiiyay muddada aan meesha ku jirayo , markasta oo aad muddo dheer doorato waxa aad akhriyayso ayaa yaraanaya, markasta oo ay mudadu soo koobantana waxa aad akhriyayso ayaa badanaya; waxa uu I kala dooran siiyay 41 cisho, 31, 21 iyo 11 cisho. Anigu waxa aan doortay 41 cisho. Sheekhu waxa uu igula dardaarmay in ay hawsha ictikaafku ay adagtay oo aan dhaldhalaal adduunyo iyo cuntaba aad ka go’ayo, kaliya waxa aan cunayaa labada madmadaw –timir iyo biyo.
Tiro kugu filan laguma siinayo waa laguu tirinayaa inta timir ah ee aad qaadanayso, biyahana sidoo kale. Waxa aad maalintii cunaysaa saddex xabbo oo timir ah; mid subaxdii ah, hal duhurkii ah iyo hal habeenkii ah. Anigu waxa aan doortay 41 cisho sidaa darteed waxa lay tiriyay 123 xabbo oo timir ah.
Waxa uu khalwada ii soo geliyay sijaayad iyo waraaq uu igu yidhi gadaal ayaa aad uga baahan doontaa, iyo biyo galaas ku jira.

Intii aanu iga tagin sheekhu waxa uu igu boorriyay in aan tiro ka yar 41 cisho doorto, laakiin markii aan ku adkaystay, waxa uu igu yidhi: ‘’ Waxa aad dooratay doorashadii wacnayd ee reer bani Israaiil.’’ ‘’ Anna waxa aan ugu adkaysanayay dhallinyaro ayaa aan ahaa.’’

Dardaarankii ugu danbeeyay ayaa aanu kala qaadanay sheekha. Waxa uu igu yidhi:
‘’Wiilkaygiyoow, kan aad maraysaa waa imtixaan uu Eebbaha kawnku kugu imtixaamayo, qof kasta oo uu Ilaahay jecelyahay inuu xumaanta ka daahiriyo oo uu sifeeyo si uu jannada u galo waa uu imtixaamaa, kanina waa imtixaan adag. Waxa aad galaysaa imtixaan u dhigma dagaal adag, imikaba haddii aanad awoodin in aad hawshaa ka soo baxayso ha isku gelin, ee iskaga joog. Haddaad ku dhacdo imtixaankan if iyo aakhiraba waa aad seegaysaa. Ifka waa aad waalanaysaa, aakhirana waad dhacday imtixaankii. Muddo aad karaysid dooro, 41 haddii aad dooratay maalinta 41aad subaxdeeda ayuun baa aad ka soo baxaysaa khalwada.’’
‘’ Laba imtixaan ayaa aad maraysaa inta aad khalwada ku jirto, ka koowaad waa cabsi’’

Sheekh Xaamud waxa uu leeyahay qof kasta oo inaga mid ah afar xilli ayuu shaydaanku gala jidhkiisa, waxa aanay kala yihiin: marka aad baqato (cabsato), marka aad cadhooto, marka aad hamaansato iyo marka aad cabbayso wax xaaraan ah sida khamriga. Waxa aan arrintan ku ogaaday tijaabo, waxa aan jinka la shaqaynayay 17 sanno, waxa ii shaqaynayay 286 jin ah, oo uu hogaamiyo jin la yidhaahdo Sahsahoobi; iska jira markaa cabsida, ayuu leeyahay sheekhu.

‘’Imtixaanka labaad, waxa kuu imanaya malag.’’
Waxa aan ku idhi : ‘’sidee?’’
‘’ Waxa kuu imanaya malag magaciisa kuu sheegaya, oo ka mid ah rooxaaniyiinta.’’
Waxa aan idhi: ‘’ oo rooxaaniyiintu ma malaa’igbaa?’’
Wuxu yidhi: ‘’ Haa.’’

La kulankii jinka.
———————-

‘’Imtixaanka labaad ee aad marayso, waxa kuu imanaya malag.’’
Waxa aan ku idhi : ‘’sidee?’’
‘’ Waxa kuu imanaya malag magaciisa kuu sheegaya, oo ka mid ah rooxaaniyiinta.’’
Waxa aan idhi: ‘’ oo rooxaaniyiintu ma malaa’igbaa?’’
Wuxu yidhi: ‘’ Haa.’’ “ Ma aha malaa’ig waaweyn, balse, waa malaa’ig insiga ka sarreeya, waxa loo abuuray in ay adiga kuu adeegaan.’’

Waxa uu hadda qirayaa Xaamid, in waxa uu sheekhu Malaga ugu sheegaya uu yahay jin. Waxa uu yidhi:
Waxan uu sheekhu rooxaaniga ku sheegayo Ilaahay ayaa inooga warramay. Alle waxa uu yidhi: ‘’ Maalinta la soo kulmiyo dhammaantood, ee malaa’igta lagu yidhaahdo: kuwani ma idinka ayaa ay idin caabudi jireen * Waxa ay dhaheen – malaa’igtii – Eebboow adaa xumaan ka nasahan oo iyaga nooga dhaw (weli noo ah), ee waxa ay ahaayeen – dadku – kuwo caabuda jinka, isaga ayaanay intooda badani rumaysnaayeen’’ Saba 40 -41. Rooxaaniga laguu sheegayaa waa hoggaamiye jinka ka mid ah, yaanu ku dagin mid af-ku-malable ahi, oo ku yidhaahda waxa aan la shaqeystaa jin muslin ah. Ka digtoonoow, ka sidaas ku lihi waa shaydaan insi ah, oo uu u waxyooda shaydaan jinni ahi. Illaahay ayaa Quraanka ku sheegay: ‘’ Shayaadiinta insiga iyo kuwa jinku badhba badhka kale ayuu u waxyooda hadal la qurxiyay, oo lagu dagmayo.’’ al-Ancaam.

Sheekh Xaamid waxa uu leeyahay kuwa waxan na baray -jinka iyo sixirka – waa culimo awliyo lagu sheego, oo faraha la isugu tilmaamo oo la yaqaanno. aniguna weli ayaa aan ahaa, waxa aan lahaa karaamooyin. isku soo wada xooriyoo, waxani waa waddada loo maro caalamka jinka iyo rooxaaniyiinta.

Sheekhii waxa uu I yidhi: ‘’ Wiilkaygiyoow, ha baqan. Waxa uu malagu kaa doonana waafaq, oo ha diidin.’’ Kalmadda waafaq oo ha diidin, waa mid cabsi iyo argagax leh. Shuruudaha uu rooxaanigu wato mid ka mid ah hortiisa ayaa aad ku fulinaysaa, inta kalena markii loo baahdo. Marka aad jinka la shaqaysato ee aad wax uga baahataba shuruud ayuu kugu xidhayaa, ay qasab tahay in aad fulisaa. Shuruudahaasi marka dusha laga eego waa kuwo diin ahaan xaaraan ah, se adigu waa aad ka gudubtay dunida muuqata, oo cilmi baadinka ayaa aad u gudubtay. Gabyaa reer Khartuum ah ayaa yidhi: “cilmiga dhabta ah (dedan) qofka sirtiisa faafiya maalkiisa waa la xalaashadaa dhiiggiisa kaddib, muu awoodin Muusihii -alle la hadli jiray- sabirka Khadarkii la socday, sidee buu markaa ardayna xaalkiisu noqonayaa.’’ Halkaas ayaa ay ku jirtaa sirta ah in aanad rooxaaniga waxba ku soo celin, ee aad shuruudihiisa waafaqdaa.

Isku soo xooriyo, xilli saq dhexe ah oo ay dadku seexdeen, ayaa uu sheekhii ii soo raacay khalwadii. Gudaha markii aan galay ayaa uu dusha igaga xidhay . Waxa uu hore iigu sheegay sheekhu in aan habeenka koowaad ku tukado sijaayadda laba ragcadood, aniga oo akhriyaya ragcadda hore Faatixda iyo Kaafiruun, ragcadda labaadna Faatixda iyo Ikhlaas. 41-ka cisho labadaa ragcadood ee habeenka koowaad ah oo qudha ayaan tukanayaa, weliba aniga oo qaawan. Waxa aan bilaabay dikri iyo ducooyin kabkab ah oo sheekhu ii mariyay. Waxa ka buuxay ducooyinkaa shirki iyo waxyaalo xaaraan ah, iyadda oo Quraanka meel looga dhacayay, lana kaalmaysanayo boqorada jinka iyo rooxaaniyiiinta. Waxaas oo dhan waxa aan u samaynayay aniga oo moodayay in aan noqonayo weli ka mid ah awliyada Ilaahay, kana mid ah dadka karaamada leh, wax kasta oo adagna loo jilciyo. Sidoo kale waxa aan doonayay in aan noqdo qudbi ka mid ah qudbiyada suufiyada, si aan u xaadiro kulanka Ilaahay iyo xadrada Nabiga!

Habeenkii 41aad , xilli habeenimo ah waxa ii soo muuqday rooxaani, rooxaanigan oo la yidhaahdo Sahsahoobi, waa hogaamiye jinka ka mid ah ah –sida aan gadaal ka ogaaday. Waxa uu maamulaa koox weyn oo jinka ka mid ah. Inta aanu kuu soo gelin waxa uu weydiinayaa ladhkaaga (qariinkaaga) waxa aad ka baqato. Sida Quraanka ku sugan (akhri suuradda Qaaf) qof kasta waxa ku ladhan oo la socda laba qariin –mid jin ah iyo mid malag ah. ka jinka ah ayuu Sahsahoobi la xidhiidhayaa, waxa aanu ogaanayaa dhammaan dabeecadahaaga, waxa aad ka baqato iwm. Anigu waxa aan ka baqan jiray dhiiraantaxayada. Intii aanu Sahsahoobi ii iman waxa aan arkay muuqaallo argagax leh oo hortayda ka dhacaya –khalwada dhexdeeda. Markii hore waxa aan arkay dhiiraantaxayo, kaddib dhiiraantaxayadii waxa cunay rah weyn. Mar kale waxa aan arkay duqsi cunaya jab sonkor ah. Duqsigii waxa liqay jirjiroole. Jirjiroolihii waxa cunay jiir weyn, jiirkiina waxa cunay bisad. Bisaddii waxa cunay ey weyn, eygiina waxa cunay shabeel. Shabeelkii ayuu libaax cunay. Kaddib, waxa soo muuqday maroodi aad u weyn. Maroodigu hilibka ma cuno sida la ogyahay, laakiin, kani mid nooc kale ah ayuu ahaa, libaaxiiba afka ayuu galiyay. Dhiiggii ayaa aniga igu soo duulduulay, hadda dhiig caadiya. Waa xaalad argagax leh, balse, sidii sheekhu I faray waa aan is adkeeyay, oo ma aan gargariirin. Maroodigii weynaa waxa loo soo diray rah buur leeg, rahii ayaana liqay maroodigiiba. Muqaaladaa argagaxa leh iyo kuwo kale ayaa kolba dhan la iga tusayay, ugu yaraan afar jeer.

Intaasi markii ay dhacday, kaddib, waxa ii soo muuqday Sahsahoobi oo madax dad leh, qaarka danbena faras uga eeg. Intuu xanshaashaqay ayuu igu yidhi; “Calaykum’’ salaan aan dhamaystirnayn – afar jeer. Anna waxa aan ugu jawaabay; ‘’Wa calaykum.’’ Sidii sheekhu I faray. Waxa uu ii sheegay in uu magaciisu yahay malag Sahsahoobi, oo uu Ilaahay u abuuray si uu aniga iigu adeego, waxa aanu u sidaa bushaaro xagga Rabbi ka timid oo ah; ‘’ in laguu dhaafay danbigaagii hore iyo kaaga danbeba, nimcada Ilaahayna korkaaga lagu dhamaystiray. Sidoo kale, maanta laga bilaabo waxa aad ka mid tahay awliyada Ilaahay ee wanwanaagsan; ee aanay cabsi iyo werwertoona korkooda oolin.’’ Waxa uu ii sheegay in la iga dhaafay dhammaan waajibaadkii iyo cibaadooyinkii diiniga ahaa. ‘’ Waxa aad ka gudubtay marxaladda addoon, oo waxa aad noqotay xor,’’ ayuu af buuxa iigu sheegay. Anigu waxa aan u haystay inuu yahay Malag.

Waxa uu igu yidhi: ‘’ Indhaha isku qabo.’’ Markii aan isku qabtayna waxa uu igu yidhi; ‘’cirka eeg.’’ Waxa aan arkay cirkii oo ay ku sharaxan yihiin xuruufta BTJ-aada, oo far cagaaran ku qoran. Sida jeegaanta ayuu xaraf waliba cirka ku dherernaa cidhif ka cidhif. Midig waxa xuruufta ka xigay summad (dalsam) summadaha shirkiga ka mid ah, bidixna waxa ka xigay lambar lambarada ka mid ah. Waxa uu igu yidhi rooxaanigii qor xuruufta kuu muuqda iyo lambarkaba. Waxa aan ku qoray waraaqihii aan sitay. Wuxu I faray in aan sawiro summadaha ii muuqday, anna waan sawiray.

Hadda laga bilaabo danbigaygii waa la dhaafay, waxa la I baray cilmiga baaddinka ah. Waxa la ii muujiyay waxa daboolan oo dhan. Waxa la ii balanqaaday in aan Ilaahay la hadli doono –si toosa, iyo in aan Nabiga xadro la fadhiisan doono. Hadda laga bilaabo waxa aan noqday awliyada tallaabada (khudwa). Meesha aan doono hal tallaabo ayaa aan ku tegi karaa. Waxa uu Sahsahoobi I faray in aan tago meel ii jirta 45 KM. Hal tallaabo markii aan qaaday waxa aan is arkay aniga oo jooga! Meeshaa waxa yaallay lafo waxaana ku sawirnaa summado sida; xiddigo, jadwallo iyo lambarro.

Waxa uu I soo hordhigay Sahsahoobi shuruudo farabadan, waxaana ka mid ahaa:
1- In aan diinta caayo, in aan rasuulada caayo, in aan malaa’igta caayo iyo in aan Illaahay caayo.
2- In aanan soomin, waayo, xayndaabkii waajibaadka waan ka gudbay. Sheekh Xaamid ahaan 17 gu’ Ilaahay dartii uma aan soomin, dadkana in aan soomanahay ayaa aan isaga dhigi jiray.
3- Jumacaha in aanan tukan.
4- Imaam dadka tukiya ma noqon kartid.
5- Masaajidka kuma tukanaysid.
6- Haddaan tukanayso waa inaad bilaa wayso ku tukataa. Dadka in aan waysaysanayo ayaa aan isaga dhigi jiray, aniga oo aan kaadida iska dhaqin.
7- In aanan salaadda casar tukan. Haddii nala weyddiiyana waxa aan odhan jirey Maka ayaa aan ku soo tukaday. Hadda maka kala waqti ayaanu nahay, oo saacado ayaa aanu kala horreynaa ba.
8- In aad faaxisho la samayso cid ka mid ah qaraabadaada .

Warqaddii aan haystay ayaa aan ku wada qortay xaruuftii iyo summadihii. Warqaddani gadaal ayaa ay I anfacaysaa marka aan hawl-galo. Marka uu qof xanuunsanaya ama la sixray, ama wax laga xaday ii yimaaddo, hab gaar ah ayaa aan Sahsahoobi u wacayaa. Kaddib warqaddii la soo kala bax ayuu I odhanayaa, halkaas ayaanu ugu kitaab furaynaa qofka.

Sheekh Xaamid waxa uu ku leeyahay, haddii aad aragto qof sita warqaddo ama qardhaas ay summado iyo xiddigahaasi ku sawiran yihiin; iska ogow in uu sixiroole yahay. Summadahan waxa dadka lagu siiyaa khalwooyinka dhexdeeda, waxaana loo nisbeeyaa summadahan badankooda nebiyada: kani waa shaanbaddii (khaatim) Daa’uud, kani waa shaambaddii Saleebaan, kaasi waa shaanbaddii Maxamed (SCW). Waxaasi waa shirki iyo khuraafaad.

Culimadan jinka la shaqaysata iyo sixiroolayaashu waxa ay badiyaan sadaqo bixinta, dhisidda masaajidda iyo kafaalo qaadashada aqoonta iyo carmalka. Waxaas oo dhan waxa ay u samaynayaan in ay indhaha dadka iska jeediyaan, oo dad wanaagsan loo arko.

La shaqaysiga jinka iyo ogaanshaha qaybka
——————————————————

Sheekh Xaamud waxa uu leeyahay:
Aniga karaamooyinkayga waxa ka mid ahaa in aan wax taagan dhaqaajiyo, aniga oo aan taaban. Hawshaa dadku karaamo ayaa ay moodayeen, laakiin, jin ayaa ii fulin jirey aanay arkayn.
Waxa karaamooyinkayga ka mid ahaa in aan masaajid soo galay, kaddib, waxa aan sijaayaddii u jeediyay dhan aan qibladii ahayn. Dadkii ayaa igu yidhi qibladu xaggaas maaha. Waxa aan ku idhi waa aad qaldan tihiin. Waxa aan farahayga ku garaacay hawada, waxa aanay maqleen dadkii qaw qaw! Waxa aan ku idhi shanqadhaa miyaa aad garanaysaan? Waxa ay yidhaahdeen maya. Waxa aan ku idhi waa albaabkii kabcada. Markaas ayaa ay I rumaysteen. Karaamooyinka iyo qaybka la ogaadaaba waa hawlo jinku kuu sahlayo, oo aad dadka ku qaldayso.

Haddii imika nin lacag, dahab ama gaadhi laga xado, oo uu ii yimaaddo; marka uu sidaa iigu soo galo waxa aan u sheegayaa: magaciisa, halka uu ka yimi, waxa uu doonayo, caruurtiisa magacyadooda… Iwm. Marka aan intaa u sheego waa uu yaabayaa. Kaddib, waxa aan ku odhanayaa soo lagaama xadin gaadhi cad, oo lambarkiisu intaa yahay, maalin heblaayo, meel heblaayo. Haa, ayuu odhanayaa isaga oo yaabban. Waxa aan ku odhanayaa gaadhigaagi waxa xaday dadkaas, waxa uu yaallaa goobtaas, qubuurahaas marka la dhaafo, xaafad heblaayo. Boolis kaxayso, oo soo kaxayso. Sow yaab maaha?

Xilligii Xajaaj binu Yuusuf ayaa la qabtay faaliye, waxa lagu soo eedeeyay in uu sixiroole yahay. Waxa loo keenay Xajaaj. Wuu diiday in uu qirto in uu sixiroole yahay. Waxa uu yidhi anigu sixiroole ma ihi, ee waxa aan la shaqaystaa qariinka jinka ah.
Xajaaj ayaa gacanta ku xantoobsaday quruurux dhulka yaallay. Wuxu ku yidhi: ‘’ Maxaa aan gacanta ku haya?’’ Waxa uu yidhi: ‘’ Quruurux (dhagaxaan yaryar) ’’ Wuxu ku yidhi Xajaaj: ‘’Waa imisa tiradoodu?’’ Wuxu ku yidhi: ‘’ waa 19 xabbo.’’runtiisa ayaa ay noqotay.

Xajaaj ayaa mar kale quruurux gacanta ku qabtay. Waxa uu ku yidhi: ‘’Waxa aan gacanta ku hayaa waa maxay?’’ Wuxu yidhi : ‘’ Waa quruurux” . Wuxu ku yidhi: ‘’Waa meeqa tiradoodu?’’
Wuxu yidhi : ‘’ma garanayo!”.
Xajaaj ayaa ku yidhi: ‘’ Markii hore waa aad garatay, imikana ma aad garan ee maxaa dhacay?’’
Wuxu yidhi faaliyihi: ‘’ Markii hore, waxa aan wayddiiyay tirada waswaaskayga, si uu u weyddiiyo waswaaskaaga. Waswaaskaygii ayaa weyddiiyay waswaaskaaga, wixii naftaadu ku waswaastay. Isna waswaaskayga ayuu u soo sheegay, isna wuu ii soo sheegay.’’
‘’Markii danbe, waxa aan weyddiiyay tirada quruuruxa waswaaskayga, si uu u weyddiiyo waswaaskaaga. Waswaaskaygii ayaa wayddiiyay waswaaskaaga, wixii naftaadu ku waswaastay. Naftaaduna markan waxba kuma ay waswaasin, sidaa darteed, waswaaskaagii waxba uma uu sheegin waswaaskayga.’’ Xajaaj ayaa yidhi: ‘’Waa sixiroole, ee hala dilo.’’ Waana la dilay.

Sababta aan ku ogaanayo gaadhigaaga la xaday iyo dhammaan xogtaada oo dhami waa qariinkaaga. Isaga ayaa u soo waramaya qariinka jinka ila shaqaynaya, kaddibna, Sahsahoobi ayaa aniga xogta oo dhan ii sheegaya, marka aan si gaar ah, oo sir ah ula xidhiidho. Sidaa ayaa aanu ku sheegannaa in aanu qaybka og nahay. Qof kasta waxa ku lammaan laba ladh ama qariin, oo kala ah qariinka sharka oo shayddaan ah, iyo qariinka khayrka oo malag ah. Anigu waxa aan ogaan karaa waxa aad niyadda ku hayso – hadduu xumaan ama cay yahay- waayo, qariinka sharka ayaa ii soo gudbinaya xanshaashaqaaqa cayda ah. Laakiin, haddii aad wanaag ama dikri aad qalbiga ku hayso ama ogaan karo. Waxani waa khibrad 17 sanno ah. Dhakhtar wax ha weyddiine, weyddii tijaabiye wax.

Imikaba iska ogow: sixiroolaha, faaliyaha, fooxisada, kuwa burjiyada sheega, kuwa kitaabka fura, kuwa dhulka xarxarriiqa, kuwa beedka wax ka eega, kuwa baafka (tagshi) wax ka arka….iwm waa laamaha iyo adeegayaasha shayddaanka, waana kuwa ugu halista badan.
Haddaad fooxiso u tagto ama faaliye, oo aad rumaysato –sida Nabigu yidhi: ‘’Waxa aad ka gaalowday wixii nabiga lagu soo dejiyay – ee waxyi ah.’’ Haddii aad u tagto oo aanad rumaysanna afartan cisho salaad lagaama aqbalayo.


Imtixaankii wuu ii dhamaaday. Shuruudigii rooxaanigana waa aan wada waafaqay, aniga oo hortiisa ku fuliyay shardigii ahaa in aan Eebbe, malaa’igta, rususha iyo diintaba aan caayo. Subaxdii 41aad, waxa khalwada horteeda igu sugayay dad fara badan, oo ka kala yimid dalal kala duwan. Waxa ay soo dhawaynayeen qudubka cusub ee la caleemo saarayo. Sheekhaygii ayaa iridda iga furay. Waxa uu igu yidhi indha isku qabo. Waa aan isku qabtay. Markii aan dibadda u soo baxay ayaa uu igu yidhi kala qaad indhaha. Indhaha marka aan kala qaado, waxa koowaad ee aan arko barakada ayaa ku soo dagaysa, haddii uu qof yahayna qaws ayaa uu noqonayaa. Anigu waxa aan ugu hor arkay ibriiq uu nin sitay. Maxaad aragtay ayaa laygu yidhi? Waxa aan dhahay ibriiq. Ninkii ibriiqa sitay waa uu murugooday, waayo, isaga ayaa doonayay in aan arko, si uu qaws u noqdo. Dhar cusub ayaa la ii galiyay, waxaana la ii galbiyay dhankii magaalada.

Sida dadka loo sixro.
————————–
Markii aan qudubka noqday hawlo kala duwan ayaa aan dadka deegaanka u qaban jirey. Waxa aan ahaa sheekh caan ah oo dadka daweeya, ducooyinka akhriya, siyaarooyinka qabanqaabiya. Dadku waa ay iga barakaysan jireen, meelo fog ayaana la iiga iman jirey. Waxa la iigu yeedhi jiray magacyo kala duwan sida ; qudub, fiqi, aabbo iyo sheekh. Waxa aan dadka ka dawayn jirey isha, cudurada iyo sixirka. Dhanka kale marka runta la sheego annaga ayaa dadka sixri jirnay.

Qof ayaa noo iman jirey doonaya in qof loo sixro. Qofkaasi waxa uu cadaw la yahay qof kale oo ehelkiisa ama qoyskiisa ka mid ah, ama qof kale oo ay waxuun isku maan-dhaafeen. Dadka ugu badan ee noo iman jirey waa dad isku qoys ah, oo haddana col ah. Dhibaatada ugu badani waxa ay ka jirtaa guryaha dhexdooda sida xaaska iyo gacalisooyinka oo ninka ku kacsan.

Qofku marka uu noo yimaaddo waxa aanu ka codsanaa waxyaalo cayiman. Marka koowaad waxa aanu weyddiinaa magaca qofka la sixrayo iyo magaca hooyaddii. Magaca hooyada sir badan ayaa ku duuggan. Qofka markasta waa la hubaa in ay hooyadii dhashay, balse, aabbaha lama hubo in uu isagu dhalay. Marka magaca hooyada la helo sixirku si adag ayaa uu kuu qabanayaa. Iska ogow sheekh kasta oo magaca hooyadaa ku weyddiiyaa waa sixiroole.
Marka aanu helno magaca qofka la sixrayo iyo magaca hooyadii, waxa aanu isku geynaynaa xuruufta ku jirta labada magac. Waxa aanu eegaynaa xuruufta soo noqnoqday ee ay labada magac wadaagaan. Afar qaybood ayaa aanu u qaybinaaa xuruufta, kuwaas oo kala ah:
1. Xuruuf ciidood (Turaabi)
2. Xuruuf Dabood (Naari)
3. Xuruuf Hawood (Hawaa’i)
4. Xuruuf biyood (Maa’i)

Marka la eego xarafka ugu badan ee ku soo noqnoqda magacaaga iyo magaca hooyadaa, afarta nooc ee sare midkood ayaa aad noqonaysaa. Haddii aanu weyno xaraf soo noqnoqda magacaaga iyo magaca hooyadaa, waxa aanu eeganaa maalintii aad noo timi ta ay ahayd sida; jimce , sabti …iwm. Haddii maalinta aanu ka weyno xaraf aad wadaagtaan waxa aanu eegaynaa bisha. Haddii bisha aanu ka wayno, waxa aanu eegaynaa saacadda aad noo timid sida; casar, duhur …..iwm. Intaa marka la eego meel ayuun baa aad iska soo galaysaan, ama xuruuftiinu ka midaysmayaan.

Marka aanu helno in qofka la sixrayaa uu yahay ciidood, dabood, hawood ama biyood; midkasta hab gaar ah ayaa aanu u sixirnaa. Marka aanu ogaano qofka la sixrayaa ka uu yahay hawood, ciidood, dabood ama biyood waxa aan wacayaa Sahsahoobi –hab gaar ah. Waxa aan ku odhanayaa waxa ii yimid qof noocaas ah, waxaas iyo waxaas ayuu doonayaa, qofka loo sixrayaana waa naari; maxaa aynu samaynaa?
Sahsahoobi waxa uu wacayaa jin kale oo u fara-dhuudhuuban hawsha sixirka. Jinkaasi waxa uu na soo hordhigayaa shuruudo adag oo shirki iyo xoolo gawrac isugu jira. Waxa uu odhanayaa: ‘’waxa loo baahan yahay diig madaw, wan galaalan, ri seenyo ah ….iwm waxa aanu u baahanahay dhiig in la daadiyo,’’. Marka la keenno diiggii, wankii, ri’idii ama wixii kale ee uu naga codsaday jinku, oo loo diray qofka wax loo sixrayo, waxa aan ka codsanayaa lacag aniga ii gaar ah. Dhiigga jinka ayaa leh, anigu lacagta ayaa aan leeyahay. Marka aanu lacagta ka heshiino, ayaa aan hawsha bilaabayaa.

Haddii qofka la sixrayaa uu yahay dabeed (naari), waxa aan soo qaadayaa girgire bir ah, dab ayaa aan ku shidayaa. Waxa aan soo qaadayaa warqado ay ku qoran yihiin magaca qofka la sixrayo, magaca hooyadii, ducooyin kabkab ah, aayado la rogay , dhiig, timo iyo maryo uu leeyahay qofka la sixrayaa. Waxaas oo dhan ayaa aan girgiraha ku shidayaa, aniga oo akhriyaya hadalo shirki ah. Kolba lacagta uu qofku I siiyay inta ay leegtahay ayaa aan dabkaa u shidayaa, qofka la sixrayaana sidaas ayaa uu u shidmayaa.
Haddii qofka la sixrayaa uu yahay biyood, isla walxihii hore ayaa aan soo qaadayaa, marka laga reebo dabka. Waxa aan warqadihii iyo maryihii ku xidhayaa maro adag, dhagaxna waa aan ku xidhayaa. Waxa aan wixii oo isku guntan, gunta u dhigayaa ceel biyihiisu aanay gudhin. Qofka la sixrayaana sidaas ayaa uu u quusaya, ama nolosha uga dhacayaa.

Haddii qofka la sixrayaa uu yahay hawood (hawaa’i) warqadihii iyo timihii oo isku guntan ayaa aan gorgor ama shinbir meel kaga xidhayaa, oo waa ay la duulaysaa. Sidaas ayaa qofka la sixrayna maanku uga duulayaa.
Haddii qofka la sixrayaa uu yahay ciidood (turaabi) waxa aan soo qaadayaa waraaqidhii sixirka, timihii iyo maryihii qofka la sixrayay, waxa aan guntayaa, kaddibna waxa aan ku aasayaa qubuuro laga guuray.

Dhiigga la daadinayo ama xoolaha la gawracayo ee ay dadku ducada ku sheegaan Illaahay dartii looma gawracayo , ee shaydaanka ayaa loo gawraracayaa. Dhiigga xoolaha la gawracayo waxa aanu ku darnaa casharka qofka loo dhigayo, haddii qofku sixir ka cabanayo. Waxaas oo dhami waa shirki iyo gaalnimo weyn.
Waxyaalaha muhiimka ah waxa ka mid ah, in qofka la sixrayo aanu ka helno raad uun; sida timihiisa, ciddiyihiisa ama maryihiisa hoose. Waxa ugu muhiimsan ee uu sixirku qabtaa timaha shuunka. Haddii aanu kuwaa wayno waxa aanu u baahana kuwa kilankillooyinka, kaddibna kuwa timaha ama ciddiyaha. Haddii timo la waayo, waxa aanu u dirnaa maryihiisa hoose sida nigisyada iyo garamaanta (buumo).

Dadka aanu sixirku qaban.
———————————–

Haddii qofka la sixrayo aanu ka wayno wax raad ah sida timaha, maryaha iyo sharabaadada; waxa aanu u yeedhnaa qofka wax loo sixrayo, waxa aanu ku nidhaahnaa hawshu waa ay adkaatay, ee waa in aad lacagta kordhisaa. Kaddib, waxa aanu ka codsannaa in uu noo yimaaddo maalin caan ka ah dunida sixirka. Maalintaasi waa maalin aan bishan soo noqonayn illaa bisha danbe mooyaane. Xilli habeenimo ah oo mugdi ah, ayaa aan weel madow sixir ku qooshayaa. Weelkii sixirku ku jiray oo daboolan ayaa aan ku odhanayaa qofkii wax loo sixrayay, weelkan qaad, oo iftiinka ka ilaali. Marka aad aragto qofkii la sixrayay in uu gurigiisa galay, irridka gurigiisa ku saydh sixirka. Waxa aanu qofkii ku sallidnay jin iyo shayaaddiin.

Qofku hadduu yahay qof ducooyinka nabiga ka sugan akhrista wakhtigooda sixirku ma qabanayo. Dunida sixirka ayaa aan ku ogaaday taas, aniga oo aan diinta ku ogaan. Qofkii marka uu sixirku qaban waayo, waxa aanu u dirnaa shayaadiinta yar yar.

Shayaadiintu waa ay nagu soo noqonayaan. Waxa ay nagu odhanayaan qofkii cir iyo dhulba waa aanu ka waynay. Codkiisa waa aanu maqlaynaa marka uu hadlayo, se marka uu aamuso meel uu qabtay ma garanayno.
Marka ay shayaadiintu ka caalwaayaan qofka, waxa aanu u dirnaa shayaadiin Mariid la yidhaahdo. Mariidku waa mid shayaadiinta yaryar ka weyn. Mariidki waxa uu odhanayaa marka aan qofkii la ii diray u dhawaado, ee aan is yidhaahdo dhib, ayuu naqasku igu dhagayaa. Ama marka aan u dhawaado ayaa aan kulayl xad dhaaf ah dareemayaa, oo waa aan gubanayaa.

Mariidku marka uu waxba ka qaadi waayo, waxa aanu u diraynaa Cirfiid. Cirfiidku waa shayddaan mariidka ka weyn, oo kiristaan, muslim iyo mulxidiin ba leh. Cirfiidki waxa uu odhanayaa qofka aad ii dirteen malaa’ig ayaa ilaalinaysa oo uma dhawaan karo. Sheekh Xaamid waxa uu leeyahay Cirfiid ayaa aan ku idhi idinku miyaa aydaan malaa’ig ahayn? Ileyn sidaas ayaa ay hore iigu sheegteene. Cirfiidki waxa uu igu yidhi haa waa aanu nahay malaa’ig, balse , kuwan ilaalinayaa waa malaa’ig naga waaweyn oo waa aanu ixtiraamaynaa, in aanu deegaankooda qof ku dhibno. Bal eeg beenta! hadda waa shayddaan waxa ila shaqaynayaa.
Marka cirfiidku ku guuldarraysto in uu qofkaa dhibo, waxa aanu u dirnaa laba shayddaan oo qofka digriga ka mashquuliya, si shaydaamada kale ay u dhibaan. Labada shayddaan waxa la kala yidhaahdaa Walhaan iyo Khansab. Kuwaasi waa kuwa xataa xilliga salaadda qofka mashquuliya, oo qofka kama ag faaruqaan.

Haddii labadaasi xataa ku guuldaraystaan in ay qofkaa mashquuliyaan, waxa aan u yeedhnaa qofkii wax loo sixrayay. Waxa aanu ku nidhaahnaa arrintaadi faraha ayaa ay ka baxday, oo waa ay adkaatay ee lacagta waa in aad kordhisaa. Markaa waxa aan wacayaa Sahsahoobi. Sahsahoobi waxa uu wacayaa qareenka qofka la sixrayo boqorkiisa. Boqorka qareenka qofka la sixrayo waxa uu nagu xidhayaa shuruudo adag oo shirki iyo gaalnimo ah, waxa aanu siinaynaa qiimo aad u sarreeya oo gaalnimo ah, marka loo eego shayaadiinta kale. Sida lagu helo qareenka waa ay adag tahay.
Qofku haddii uu si kasta u wacan yahay, u dikri badan yahay, qareenkiisu wuu la socdaa oo kama badbaadayo, isaga ayaana noo dhibaya.

Astaamaha sixiroolaha.
——————————-

Sixirooluhu astaamo badan ayaa uu leeyahay. Ha sheegto qudub, fiqi, sheekh ama wadaade, astaamahan haddii aad ku aragto waa sixiroole, ee si fudud oo aanu ku dareensanayn uga fara baxso. Haddii aad isku soo taagto in uu ku dhibo ayaa ay u badan tahay, waayo, waa dad aan Ilaahay ka cabsanahayn.
1. Haddii uu ku weyddiiyo magacaaga iyo magaca hooyadaa, qofkaasi waa sixiroole.
2. Hadduu qofku ku yidhaahdo waa aan kuu kitaab furayaa, qofkaasi waa sixiroole.
3. Hadduu qofku ku yidhaahdo qardhaas ayaa aan kuu dhigayaa, qofkaasi waa sixiroole.
4. Qofka ku yidhaahda warqaddan (dikri aan sugnayn iyo khuraafaad ku qoran yahay) gurigaagsa sudho ama meheradaada, qofkaasi waa sixiroole.
5. Kuwa fooxiya, kuwa faaliya, kuwa koobka wax ka eega, kuwa beedka wax ka eega, kuwa qiiqa wax ka eega, kuwa aleelada roga, kuwa burjiyada fiiriya iyo kuwa ciidda xarxariiqaaba waa safiirada sixiroolaha. Waa ay ka darajo hooseeyaan sixiroolaha, balse, waa safiirada sixiroolaha, oo isaga ayaa ay u shaqeeyaan. Ka feejignow.

Xaamid Aadam Muuse -sixiroolihii toobbad keenay- waa sheekh soodaani ah, oo ka tirsanaan jirey dariiqooyinka suufiyada. Waxa uu ka gaadhay dariiqadiisa Tajaaniyada derajada ugu sarreysa ee ‘Qudub’. Qudub waa mid ka mid ah afarta nin ee afarta jiho ka wakiilka ah. Waxa uu bannaanka soo dhigayaa Xaamid been, sixir iyo khuraafaad badan oo ay ku shaqaystaan dadka sheegta awliyadu……………..DHAMMAAD.

Waxa la yidhi:
Nabi Saleebaan ayaa isaga oo da’a ah, waxa uu weyddiiyay malaga wedka goorta uu dhimanayo? Malagii wedku waxa uu ku yidhi Ilaahay ayaa og goorta aad dhimanayso. Waxa uu ku yidhi Saleebaan ii soo sheeg marka uu Illaahay kuu sheego. Muddo kaddib malagii wedka ayaa Saleebaan u sheegay goorta uu dhimanayo. Nabi Saleebaan si uu geerida ugu diyaar garoobo, waxa uu jinkii u shaqaynayay faray in ay u dhisaan qasri weyn oo quraarad ah, si uu ugu ictikaafo. Markii ay jinkii qasrigii quraaradda ahaa dhiseen, waxa uu nabi Saleebaan faray jinka in aanay u soo gelin, illaa uu isagu dibadda ugu soo baxo mooyaane.
Nabi Saleebaan qasrigii ayaa uu ku ictikaafi jiray. Maalintii danbe waxa uu nabi Saleebaan cifriidka guddoomiyaha jinka amray in uu dhiso guri weyn.

Subaxdii danbe waxa uu cirfiidki keenay nashqaddii guriga oo dhamaystiran. Waxa uu u sheegay nabi Saleebaan in gurigii dhamaystiran yahay. Nabi Saleebaan bannaanka ayaa uu u soo baxay, markii uu gurigii arkayna waa uu cadhooday, cadho aanu weligii cadhoon. Cirfiidkii waa uu baqday, waanu argagaxay. Waxa uu ku noqday jinkii waxa aanu ku yidhi Saleebaan waa uu cadhooday ee guriga dumiya, oo mid kale dhisa. Waa ay dumiyeen, mid kale ayaa aanay dhiseen. Markuu u keenay Saleebaan nashqaddii guriga, ee uu dibadda u soo baxay si uu guriga u arko, nabi Saleebaan inta uu xanaaqay isaga oo aan cidna la hadal ayaa uu iska noqday. Jinku gurigii waa ay dumiyeen, oo mid kale ayaa ay dhiseen. Kiina waa uu ka cadhooday Saleebaan. Waxa la sheegaa in jinku uu sanad gudihii ku dhisay 354 guri, halka ay ka dumiyeen 353 guri, kii u danbeeyay mooyaane. Saleebaan oo fadhiya gurigii quraarrada ahaa, ayaa waxa ushii uu ku tiirsanaa cunay aboor. Mid jinka ka mid ah ayaa arkay Saleebaan oo dhacay. Halkaa ayuu jinkii ugu sheegay in uu Saleebaan dhintay.

Iyaga oo ka cabanaya cadaabtii dhismaha, oo leh haddii aanu qaybka ognahay dhismaha ma aanu wadneen, ayuu Illaahay Quraanka inoogu sheegay:
‘’Markii aanu u qaddarnay -Saleebaan- Geerida, ma uu tusin dhimashadiisa illaa aboor cunay ushiisa mooyaane, markii uu dhacay waxa u caddaatay jinka haddii ay qaybka ogyihiin in aanay caddaabta adag ku waareen’’ Saba 14.

Jinki markii ay xaqiiqsadeen geerida Saleebaan waxa ay soo galeen qasrigii quraaradda ahaa. Waxa ay qaateen xog kasta iyo dhammaan kutubtii laamaha kala duwan ee cilmiga ee u kaydsanaa nabi Saleebaan. Waxa ay ka tageen dhawr kitaab oo ay wax badan ka qaldeen. Agabkii ay qaateen mooyaane, wixii kalena waa ay fasahaadiyeen. Mid jinka ka mid ah ayaa ay u direen insiga, si uu u ogaysiiyo geerida Saleebaan, kaddibna meeshii waa ay iskaga tageen.

Markii ay dadki yimaaddeen waxa ay arkeen is Saleebaan dhintay. Waxa ay dadkii meesha yimi u qaybsameen saddex qolo:

  1. Qolo tidhi Saleebaan waxa uu ahaa nabi dhab ah, waxa uu adduunka ku qabsadayna waa sixir. Sidaa darteed, sixirku waa wax bannaan oo lagu shaqaysan karo. Kuwaasi waa Yuhuudda iyo Hindida awowyaashood.

  2. Kuwo yidhi Saleebaan waa nabi dhab, sixirna muu adeegsan jirin. Waxa meesha fasahaadiyay, ee kutubtii qaatay, summadaha sixirkana meesha kaga tagay waa jin iyo shayaadiintii. Kutub badan oo hebel iyo hebel qoreen ayaa maqan. Kutub kale oo hebel qorayna wax baa lagu daray.

  3. Kuwo yidhi Saleebaan waa sixiroole, sixirkuna ma bannaana. Sidaa darteed, Saleebaan waxa uu ahaa gaal, waxa uu adduunka ku qabsadayna waxa uu ahaa sixir.

    Kuwan ugu danbeeya Illaahay ayaa Quraanka ugu jawaabay. Alle waxa uu yidhi:

    ‘’Waxa ay raaceen wixii ay shayaadiintu ku akhrin jireen boqortooyadii Saleebaan, muu gaaloobin Saleebaan, ee waxa gaaloobay shayaadiinta, waxa ay dadka barayaan sixirka…….” Al-Baqara 102.

Sheekh Xaamid waxa uu ka warramayaa sida ay sixiroolayaashu ku sheegtaan in qay qabka og yihiin, inaga oo soo xusnay in shayaadiinta la shaqaysaaba aanay qaybka ogayn.

Sidee ayaanu ku ogaannaa qaybka
———————————————-
Qaybka ama waxa maqani waxa uu u qaybsamaa saddex:
1. Wax tagay oo aanad ogayn. Dhacdooyinka mar hore dhacay ee aanad ogayn, adiga qayb ayaa ay kuu yihiin oo ma ogid.
2. Wax hadda dhacaya oo kaa fog. Haddii meel kaa fog ay hadda wax ka dhacayaan, adigu ma ogid oo waa kuu qayb.
3. Wax soo socda. Wax kasta oo soo socda Illaahay ayuun baa og, ee dadka iyo jinku toona ma oga.
Dadka sheegta in ay ogyihiin waxa soo socda ama mustaqbalku, waa kuwii uu nabi Maxamed sheegay. Waa dadka la shuraakooba jinka isku daya in uu dhagaysto wararka cirka. Marka ay hal weedh ah oo runa helaan, waxa ay ku daraan boqol been ah.

Labada qayb ee soo hadhay waa la ogaan karaa, waxa tagay iyo waxa hadda dhacaya. Aniga waxa ila shaqaysa koox jin ah oo uu Sahsahoobi madax u yahay. Goobta aan fadhiisto ee dadku iigu yimaaddaan, ayaa aan farayaa jinku in ay hareereheeda ku foofaan, oo wararka iyo dadka soo socda soo dhagadhageeyaan. Marka ay arkaan jinku qof xagga aan joogo ku soo socda, waxa ay waraysanayaan qareenka ku lammaan.
– Xageed ku socotaan?
– Safar baan meel heblaayo u nahay.
– Iska socda.
Kuwo kale ayaa soo maraya meeshii:

– Xageed ku socotaan?
– Magaalada ayaanu ku soconnaa
– Iska socda.
Kuwo kale ayaa meesha soo maraya:
– Xageed ku socotaan?
– Sheekh Xaamid ayaa aanu ku soconnaa.
Markaas ayaa uu jinkii aan dirnay, qareenka kale xogta qofka oo dhan weyddiinayaa.
Xagga ay ka yimaaddeen, magaca qofka, waxa ay u socdaan, waxa ay ka cabanayaan, waxa laga xaday, gaadhiga noociisa, dahabka xaddigiiisa iwm.

Xogtii oo dhamaystiran ayuu jinku ii keenaya, inta aanu qofkuba I soo gaadhin. Jin kale oo cirfiid ah ayaa aan u dirayaa goobtii dahabka ama gaadhiga lagu xaday. Xog buuxda ayuu ilbidhiqsiyo iigu keenayaa, cidda xadday iyo halka uu yaallo hadda.

Isaga oo aan qofkuba I soo gaadhin, waxa aan hayaa xogtiisa oo dhamaystiran iyo waxa uu doonayo xogtooda oo dhamaystiran. Marka aad ii soo gasho waxa aan ku salaamayaa magacaaga.
– Hebeloow soo dhawaw, waa aad soo daashay oo meel hebelaayo ayaa aad ka timi. Xaaskaagii heblaayo ka warran. Inankii dhoofay ma nabad qabaa. Xaaskii cusbaa wax ma kuu dhashay.

Qofkii wuu yaabaya. Sheekhu ma xogta qoyskaaga oo dhan ayuu hayaa ayuu is odhanayaa. Waaba weli kani.

– Gaadhi cad, oo lambarkiisu intaa yahay ayaa lagaa xaday saw maaha? Bil ayuu hadda kaa maqnaa.
Xogtii gaadhiga iyo hadda halka uu yaalo ayaa aan u sheegayaa, marka aanu lacagta ka heshiinno. Aniga jinka ayaa ii soo sheegay, isna in aan wali ahay oo aan qaybka ogahay ayaa uu moodayaa. Iska ogow, waa sidaa khiyaamada aanu samaynaa.

Sheekh Xaamid waxa uu muxaadarooyinkiisa ku soo gabagabaynayaa; in ay jiraan dad sheegta in ay dadka dhintay soo nooleeyaan, ama kuwo sheegta in ay biyaha dul socdaan, iyo kuwo sheegta in ay yixaas dhagax ka dhigeen. Waxaas oo dhami waa run, laakiin, shaydaamo ayaa ay la shaqaystaan. Marka ay rabaan in ay kuu sawiraan in ay qof dhintay soo nooleeyaan. Waxa ay dul tagayaan qabriga qofka dhintay. Hebeloow kac ayaa ay odhanayaan. Waxa qabriga ka soo baxaya jin ah qareenkii qofka dhintay. Wuu u eegyahay qofkii dhintay, codkiisiina waa uu leeyahay.
Haddaad aragto qof ku leh biyaan dul socday, jin ayaa gacmaha ku haya aanad arkay. Haddaad maqasho qof leh yixaas ayaa an dhagax u rogay, waa jin yixaas iska dhigay, oo haddana dhagax isu rogaya.

Shaydaanka iyo dadkuba karaamooyin beena waa ay sheegan karaan, balse, mucjisooyin ma samayn karaan. Qofka yidhaahda cadceeddaan jiiday ama wabigaan laacay waa been. Ma samayn karaan mucjiso Anbiyada mooyaane, cid kale.

Dhammaad.
Cali Ileeye

Cali Ileeye .