Sixir Bararka Iyo Sawaxanka Bulshada….W/Q Yuusuf Goodir Maxamed

Waa wax caadiya in dawladuhu la kulmaan dhibaatooyin, xalintooduna waa qayb ka mid ah sababta loo samaystay. Waxa run ah in dawladuhu u jiraan ilaalinta nolosha bulshadda. Labada dhibaato ee ugu waawayn xaga dhaqaaluhu waa shaqo la’aanta iyo sicir bararka. Sida lagu yaqaan xiliga dhow (short-run) waxay u kordhaan si isku lid ah, marka shaqo la’aantu korodho, sicirku hoos buu u dhacaa. Haddii ka danbe kordhana macneheedu waxaa weeye shaqo la’aantu aad bay u yaraataa. Si kale haddaan u idhaahdo shaqo la’aan baahsan sida Somaliland, waa in sicirka alaabooyinka iyo adeegyaduba aad hoos ugu dhacaan.

Maxaa dhacay haddaa? Hanaanka dhaqaaleheenu u abyan yahay waa mid aan hufnayn (unstructured.) sidii loo abaabulayay hanaankeena dhaqaale

tan iyo intii aynu la soo noqonay xornimadeenii waxay ahayd mid aan hawl kar (efficiency) ahayn.
Mar qudha ayaynu ku baraarugnay abaar baahsan, sicir barar iyo shaqo la’aan aynu hayin u noqonay, Abwaan Gaariye Allow u naxariiso, wuxuu yidhi,

Maalintay ildaran tahaybay Illaah leedahay Caynsha; waynu baryaynaa… amiiiiin

Sicir bararka marka laga hadlayo waa in la sheegaa:

Boqolkiiba inta uu kordhay

Sababta kordhisay

Iyo sida loo xalinayo

Si waydiimahaa looga war celiyo waa in la adeegsado cilmi baadhis (research), kana madax banaan cid kasta oo ay khusayso. Markaynu u soo noqono hanaankeena dhaqaale oo aan u aqaan shisheeye bile (an excellent foreign consumer), sicir bararkeena maxaa keenay? waxaa lagu sharxay:

lacagta doolarka oo wax lagu iibsaddo;

qaadka oo lagu qaadan jiray birta Itoobiya oo imika lagu qaato doolar;

lacagta hawada (mobile money);

Xoolihii oo la joojiyay;

lacagtii xawaaladaha oo yaraatay;

haddiiba cilmi baadhis lagu samayn lahaa waxay inoo iftiimin lahayd midkastaa inta uu kordhiyay. Aynu ku eegno aqoonta cilmiga dhaqaalaha. Ka buuxso, haddii shay aad loo doono qaalibuu noqdaa, haddii uu aad u batana wuu jabaa. Beri baan warsaday islaan riyo galay iyo hadhuudh midkood u daadinaysay. Ugu danbayntii waxan waydiiyay waxay qabato, waxay ii sheegtay in ay iibiso labadaa shay midkood. Suuqa ka waran baan idhi, waxay iigu war celisay in qiimeheedii hoos u dhacay; waayo? Hadalkeedii waxay ku soo gunaanaday in imika suuqa dad intii hore ka badani keenaan. Islaantu waxay fahamsanayd qaanuunka aynu kor ku xaradhnay ee loo yaqaan qaanuunkii doonista iyo keenista (the law of demand and supply.) Qodobka koowaad wuxuu hoos u dhigay doonistii lacagta Somaliland, wuxuuna kor u qaaday doonistii doolarka. labaduba qiimihii doolarka kor bay u qaadeen.

Qodobka labaad isna doonistii doolarka ayuu sii kordhiyay, markaa qiimihii doolarku korbuu u sii kacay. Qodobka sadexaad lacagta hawadu waxay hoos u dhigtay doonistii lacagteena, taas oo keenaysa qiimo dhac. Qodobka afraad haddii xoolihii aynu debedda u iib gayn jiray la joojiyo doolarkii aynu ka heli jiray ayaynu waayaynaa, doolarkii ayaa yaraaday (shortage) qiimihiisu kor buu u kacayaa.

Qodobka shanaad haddii lacagtii xawaaladuhu yaraatay keenistii doolarka ayaa yaraatay (shortage), dabadeed waxaa kor u kacaya qiimaha doolarka. Eeg shaxankan, dhinaca midig shantii qodob oo aan soo gaagaabiyay: