Silsiladdii Xaydha Qalinkii Shaafici Qaasim Nuur.

Soomaalidu waa ummad suugaanta quudata, gabayga iyo gabyaaguna waxay noloshooda kaga jireen meel sare.

 

Raggii ay Soomaalidii hore qaddarin jirteyna waxa ka mid ahaa wadaadka diinta yaqaan, gabyaaga aftahanka ah iyo isinka ama hoggaanka dhaqanka. Waa ummad odhaaheed oo waxay fac-ka-fac isu soo gudbinayeen maahmaaho, meerisyo gabay ah iyo sheekooyin murti leh, kuwaas oo aanay jirin kutub ay ku qoran yihiin oo laga soo min guuriyo balse afka uun lagu kala dhaxli jiray. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana waxa far qorid la’aanta kaga lumay suugaan badan iyo weliba kasmooyin idil oo madax bannaan sida xiddigiska, isku daaweynta dhirta iyo barashada degaanka.

Markii qoraalka farta Soomaaliga la hirgeliyey 1972 kii ayaa la isku deyey bal in la daba qabateeyo suugaan badan oo haddii aan markaa la qori lahayn aan maanta wax naf leh laga xasuusteen. Suugaantii xilligaa la aruurshay waxaa ka mid ahaa gabayadii xiisaha lahaa ee Silsiladdii Xaydha, taas oo ah sheekada iyo tixaha is huwan ee aan maanta idinku jalbeebin doono.

Hilaadda 1941 kii kolkii dagaalkii labaad ee adduunku socday ayaa socoto awri u shixman tahay ka ambabaxday ceelka Burco. Socotadaasi waxay ahayd rag usoo safray reerahoodii oo markaa yiillay bannaanada Xaguuga iyo Xalxalis. Raggaasi waxay ka koobnaayeen xidid iyo xigaalo aan la tarraxin. Markii Burco laga soo ambabaxay jicsinkiina badankiisii lasoo gatay ayaa nin la odhanayey Xirsi Cali Buraale oo Xirsi-Caamir loo yiqiin lagu yidhi, “Xirsiyow adiga ayaa awr caddaysimo ahi kuu xidhiidhsan yahaye, orod oo subag aynu kusii jid-marno inoo soo iibi.”

Xilligaas subagga rag shafeecsado ama jicsin u qaato waxa ugu mudnaa sixinka, haddii la waayana dhuuxa ama heenka hadba sida loo yaqaan. Xirsi-Caamir wuxuu soo iibiyey subag heen ah, balse markii danbe lagu ilaaqay, xaydhna laguba sheegay. Dhaliishaa waxa aloogay Weerar Cali Geelle oo raashin uu Burco kasoo miistay safarka ugu xidhiidhsanaa, socotadana ka mid ahaa.

Weerar Cali Geelle wuxuu Xirsi-Caamir ku haaraamay inuu wax usoo hadoodilay oo subag aan wanaagsaneyn uu ragga la hor yimid. Si gaar ah waxa uu uga hafeefanayaa inuu bisad ka yaraaday markii nimankii ay xididka ahaayeen soortii xilka lahayd lasoo hordhigay. Midhkaas oo haddiiba uu jiro Xirsi facshar iyo fadeexad ugu filnaa. Bal u fiirso sida raggii hore cidda ay hablaha kala qabaan uga sarriigan jireen, waa intii xishoodka la huwanaa ee xirribuhu dadka ku yiilleen e.

Markii reerihiiba lagu soo dhowaaday ee la maraayo meesha la yidhaahdo Ceeg, subaggiina lagu soo jid-maray ayaa Weerar af labadii yeedhay, wixii uu qoonsadayna diirka ka qaaday. Wuxuu Weerar halkaa ka mariyey tix markii danbe ka gar-naqeedii afarta geriyahan ba ku ekaaday, illaa ay gaadhay heer nin kasta oo wax is-taawiyey oo geyigaa joogeyba isku deyey bal inuu itaalkii ka gar-naqo. Waxaanse meesha ka madhnayn in markii uu Weerar gabayga bilaabay uu uga dan lahaa inuu abuuro kaftan jidaasha laysku dhaafiyo, jidkuna kusoo gaabto.

Sida aynu ka dhex bidhaansan karno tixaha inagu soo food leh, raggii hore si hufan ayuu u haasaawi jiray una kaftami jiray iyadoo aanu afku ka duulin arrinkuna ka dhooqoobin. Ayeyday Cambaro Faarax Bullaale, oo ah waayeel dhaqan yaqaan ah, mar aan u akhriyey labada gabay ee silsiladdan u horreeya, waxay la yaabtay sida farshaxannimada leh ee ay raggaasi isugu hal celinayeen, waxaanay igu tidhi, “Ayeeyo hadday kuwa maanta jooga yihiin markiiba huudh ayay isu qaadi lahaayeen.” Si kastaba ha ahaatee gabayada silsiladdii xaydhu, marka laga tago hadal haynta sheekadooda, waxay reebeen meerisyo badan oo halhays noqday kuwaas oo loogu maahmaaho kolba cidda loola gol leeyahay.

Iga hooya haddaba tixdii ugu horreysay ee uu Weerar Cali Geelle silsiladdaas ku ibo-furay. Isaga oo Xirsi ku darraabaya in aanu si wanaagsan ugu hagar bixin ee uu hafaryo uun usoo hadoodilay ayuu yidhi:

Xirsi-Caamirow layna hiif, laguna haaraanye

Allaylahe habaar baad qabtaa, waana la hubaaye

Rag hadduu hor fule kaa dhigtoo, hibo laguu yeelo

Waa loo hagaajaa anfaca, hadasho waa ceebe

Nimankaan hablaha kala qabniyo, hurinta reer Muuse

Inaad la hor martaa may ekayn, waxan habboonayne

Hor Ilaahay soor wacan adaan, noogu hawl geline

Hilibka iyo maakhirigaba waa, heli karayseene

Hareeraha kun miidaa jiroo, laga hiraabtaaye

Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey

Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso!!

Markii uu Weerar tixdaa la sara-kacay, faqiina fagaare u beddelay ayaa Xirsi Cali Buraale na is daafacay. Gacanta kamuu hadline afka ayuu ka hadlay. Farshaxan buu ahaaye, dhinacyo badan ayuu Weerar wax ka tusay. Marka hore waxa uu Weerar Xasuusinayaa inay labadooduba magaalada ku wada jireen, uuna haystey kansho uu isaguba ku iibsado subag iyo surbiyaan kolba kii uu jid-mar ahaan u janto.

Mar labaadka ayuu Xirsi ku gar-naqsanayaa in subaggii uu benderka kasoo gaday somal-haadkii socodka dheer la iska soo xigsiiyay, dhawr subaxna safraddii la iskaga biiyey, sidaa darteedna tixda uu Weerar ku alaladay ay tahay hadal meel waayay. Meel kale oo gabayga ka mid ah ayuu XirsiCaamir sidii wadaad xarafka diineed ku xeel dheer uu u wacdiyayaa Weerar. Wuxuu ku waaninayaa in wixii jidiinkiisa mara ee uu shafeecsado wax ka sheeggoodu aanu habboonayn. Gebo gebada ayuu Xirsi ku dacwiyayaa in haddii soortii uu isagu soo gaday Weerar la silloonaatay ay ahayd in uu dhinac isaga duwo, dheefteedana ka qado. Waxa uu yidhi XirsiCaamir isaga oo Weerar u hal celinaya:

Hadal kaad i tidhi Weerarow waa, huf iyo beene

Adiguba hortey waxaad fadhidey, hooska tuulada e

Habeennuu wax sii ururiyaa, Hawd ninkii qabanne

Haydaarada iyo waad ogeyd, hilinki dheeraaye

Hayin iyo markaad subag heshaan, Hawd kusoo mariyey

Ee aad laba gadiid ka hirqataad, honono’aysaaye

Hareeraha ka leefkii markay, gacantu haarowdey

Waatay fartii hilib dalqaha, sii harraatidaye

Nin wixii hungurigiisa maray, hiifay waa qadafe

Hareer baabu isaga weeciyaa, waxan habboonayne

Haddii uu hogseeg yahay, maxaad uga hakoon weydey?

Akhristeyaal aan idiin soo koobo, idinna xasuusiyo qaybtii hore ee qoraalkane, waatey ahayd afartameeyadii qarnigii tegey, waatey rag door ah, asii aan saa usii kala durugsanayni, ku ballameen inay isku sii lug-darsadaan iyagoo ka ambabaxaya ceelka Burco, una sii jeeda rugihii ay reerahoodu yiilleen oo ku beegnaa hawdka Togdheer. Saluuggii ka dhashay subaggii jicsinka loo qaatey awgii, waatuu Weerar Cali Geelle gabay ku warjeefay Xirsi Cali Buraale oo ahaa ninkii soo gaday sahaydii subagga iyo xaydha loo kala garan waayey. Xirsi Cali Buraale na waatuu iska deedafeeyey eeddii lagu soo dudduucay, isaga oo gabay garnaqsi ah kaga jawaabey.

Markii haddaba labadaa tixood la is weydaarsadey, reerihiina lasoo gaadhey ayaa arrintii hadal haynteedii la dhigi waayey. Kanaa gar leh iyo kanaa garowshiinyo mudan ayaa laysla dhex maray. Qofkii labadooda midkood u warramaaba, ka maqan ayuu eedda saaraa, kan gartiisa akhristeyna wuu u garaabaa. Wax badan baan maqli jirey laba garood oo iska garab dhasha waa la arkaa, laba bilood oo iska garab dhasha se lama arko!!!

Iyadoo xaajaddii la rogrogaayo, loona rag badsanaayo ayaa Weerar Cali Geelle wixii dhacay dhankiisa uga warramay nin la odhan jirey Maxamed Nuur Abokor oo “Huube” ku magac dheeraa. Waxa uu ugu war bixiyey in Xirsi-Caamir xurmadii ka tegey oo nimankii ay xididka ahaayeen xaydh madow faraha u geliyey.

Wadaad loo su’aal xumeeyaa isna waa jawaab xumeeyaaye, Huube wixii loo sheegay ayuu wax ku dhisay. Isaga oo aan gole iyo geed midna la tegin ayuu gartii keligii naqay. Eed oo dhan wuxuu dusha ka saaray ninkii maalintii socod, seediyaashii xaydha kala ufoon waayey. Balse gari Allay taqaannaaye, Weerar Cali Geelle oo gartiisa u akhristeyna iskamuu hor boodin e, waxa uu ku xidhay inuu marag iyo caddeymo waafi ah dooddiisa ku xoojiyo. Waxa uu Huube gartaa ku naqay, haddii ay sidaa u dhacdo oo Weerar warkiisa dhayda ka caddeeyo, in aanu Xirsi-Caamir sina ceeb uga fakaneynin.

Asalkeeda bannaanba, markii garta la furfurayo ee golaha laysugu yimaaddo, waxa ay ku bilaaban jireen, ‘Ilaahow aqoon darrana ha nagu cadaabin, eexna ha nagaga tegin’, taasna Maxamed Nuur Abokor, waa Huube e, ma uu ilduufin, saa ‘innagaa cashiiro ah haygu soo cabannin’ ayaabu Xirsi Caamir ugu quus gooyeyba e.

Gebogebada gabaygiisa ayuu Huube u ban-baxayaa sidii uu baduugaha uga dhigi lahaa doodda Xirsi ee biyo-dhaceedu yahay ‘hadduu dhuunigu silloonaa maxaa loo dharqanayey’.

Isagoo cuskanaya dulucda maahmaahdii ahayd ‘neef gawracani geedo kama baydho’, ayuu Huube arrintaa ku maakubay haddii geelu- waa xoolo dhaqashadiisa dhibi ku mataansan tahaye – meel dheer u kicitimo, kolkii niman dhawr ah loo diro ee ay dhengedda soo saaraan, waxay dhabbaha soo hayaanba markay dhanqalmaan, dhibicda biyo ah ee tulud tuldaha kamida caloosheeda ku jirta haddii ay dharruurtaan inaan lagu dhaleecayneynin. Isagoo ku halqabsanaya nin la odhan jirey Maxamed Xaashi (Buuri-hayste) ayuu yidhi Huube:

Ragbaa gabayga moorada ka daya, Maxamed Xaashow e

Malluugta iyo waa kala tagaan, minan qalloocdaaye

Markaanse anigu meel kaga dhacaa, murame joogaaye

Rag la madhay mageyno iyo xidid, mudane saad qaatey

Oo kala mijiray sahay intuu, maalki kala qaybshey

Maksabkii kasoo hadhay hadduu, midigta kuu saaray

Kol haddaaad magaalana fadhidey, manina dhiibeysey

Oo lacagtu waa madhan ogtee, midigtu kuu buuxdey

Miid dhuux ah baa laga helaa, maalin iyo leyle

Maakhiri lo’aad baa kun daas, lagaga miisaaye

Muraad noolba waa laga helaa, moodka kii culuse

Inuu subaggu kaa muunad dhacay, maqal islaamkiiye

Muslax, Caamirow kuma gar-naqo, maliyo been beene

Mudaahanadu waa waxa qarribey, madaxda reeraaye

Haddii xaajadii muran ka dhaco, laygu soo meersho

Milmilla haw dhashee inaan dulmiyo, maanka kuma hayne

Hadba moosinkey taagan taan, kaga majiiraaye

Gar haddaan melmeli, Xaajigaanan marag ku qaadeene

Inaan adiga kula meel ahaad, muhatay dhowr jeere

Abtirsiino meel uma hayee, hay miliilicine

Haddii geelu waa maal jinniye, meel fog naga aado

Uus miirka kama maarannoo, waa mitibinnaaye

Marbaa garowga naaguhu miraan, magas ahaadaaye

Waw macandis ruuxii dib jirey, madax ugaadheede

Haddii Weerar hadalkuu marsaday, marag usoo joojo

Oo uu wax lama miiciyee, maadha ka caddeeyo

Ninkastaa manfacadii ha cuno, murudki xaydhiiye

Waxba yaan ku madadaalinine, moosku kugu ciirye

Hagaag, Gabaygii Huube ayaa gees walba u duulay, falanqayn iyo faaqidaad badan ayaa lagu sameeyey. Gadhcaddaagii iyo guurtigii sebenkaas ayaa gorfeeyey. Waxa la is weydiiyey horta yaa garta qaaday, geedkee se lagu qaaday?!! Xam-xam iyo xanshaashaq badan ayaa abuurmay. Dad badan ayaa saluugey hannaanka gartaa loo naqay, hawgu horreeyo Diiriye Aw Guuleed Warsame oo ka mid ahaa waxgaradkii waqtigaas. Diiriye Aw Guuleed oo madmadow badani iskaga gedaamay gar-qaadistii Huube, ayaa iska kari waayey bal inuu qawl yar su’aalo ninkan hawsha aan la bisleynin keligii isku qaaday. Judhiiba waxa uu su’aaley haddii Weerar dhaliishaa uu aloogay markhaatiyo usoo fadhiisin waayo, Xirsi-Caamir na dhaar ku xagaf siiyo, markaa sow dhanka Weerar dhaliishii dib uguma ciirin. Isagoo tixraacaya tuducyadii Huube ayuu yidhi Diiriye:

Haddii Weerar hadalkuu marsaday, marag usoo waayo

Oo uu wax lama miiciyee, muujin kari waayo

Macal qabasho dhaareed Xirsina, yaw mudh soo tidhiye

Hadduu maro madaacaleyna yahay, meertay dabadeede

Kolkaa sow mudducigii handadey, moosku kuma ciirin?!

Midhkaasi weydiin deg deg ah oo maankiisa kusoo dhacdey ayay ahayde, immika ayuu Diiriye u hogbaday inuu gabay madax bannaan kaga fal-celiyo hannaankii uu Huube gartaa u naqay. Ugu horreynba wuxuu Diiriye Aw Guuleed ku canaantey Huube inuu xaajadii hororsaday, iyada oo aan laga wada shawrinna shanta la galay. Waxaa amakaag iyo af-kalaqaad ku noqotay, xaajo laba dhinac ka dhaxaysa oo weliba laysaga gabyey inuu Huube isaga oo aan sheekh iyo shaybe midna la kaashan keligii gartaa rido.

Waxaabad mooddaa iyaga oo geed gob ah isu doonyeystay inuu Diiriye weedhahan Huube hordhigey: Rag Allow xaggee baa lagu arkay xeerbeegti hal nin ka kooban!! Bal inaad Huubow xaajadii kirkirtay oo korandaalli ka tuurtay, afo iyo odeygeedii oo is qabtay kol ay ku tahay, sowkii sharcigu guurti laba dhinac ka kooban u saari jirey!!! Arrintaa aad sarka-xaadisey ee sahalka u gashay, rag aqoon leh, aw iyo haddii odayo loo geeyo, Alleylehe in aanay sida aad u dhigtey abidkeedna noqoneynin.

Kamuu tegin Diiriye inuu nalka ku ifiyo dabciga Weerar ee ah sasabashada iyo isu bihin-bihinta kolba cidda uu maalinkaa gacan ama garawshiinyo ka jeeqaaqayo. Wuxu yidhi:

Gartaad Maxamed-Huubow naqdee, uunka wada gaadhey

Gaashaamaday noogu timi, galab carrawtiine

Dayuuradaha guuraynayiyo, gaadhiyaa sidaye

Guddi nin ah shareecadaba waa, lagala giigaaye

Gug baa laysku yidhi xaajadaad, goysey keligaaye

Haddiise hadalka lama guud maree, odayo loo geeyo

Guntii waxa ah Huubow inaad, gawdhis leedahaye

Ninkii galaxsanaa baa ku heley, ee gedeyn jiraye

Geed buu ku saaraa markuu, kuu gol leeyahaye

Kolka se cirirku kugu geeddi yahay, layska garan waaye

Qunbii subagga laga soo gingimay, ee la kala goostay

Ninna soo gad kii kalana, waatuu guddoonsadaye

Waatii guntiga loo furtee, laysku gaabsadaye

Maxaad Caamir ugu geeddi tahay, sow ku guban meysid?!

Filo hormada 3aad dhowaan

Qalinkii: Shaafici Qaasim Nuur

Email: Shaaficiqaasim@gmail.com

Mahad-celin: Waxaan mahad gaar ah u celinayaa af yaqaanka weyn ee Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed (Carraale), kaas oo cajalad laga qabtay 1983 kii aan kasoo xigtey gabayada xooggooda. Cabdillaahi aabbihii, waa Diiriye Aw Guuleed e, waxa uu ka mid ahaa raggii ka qayb qaatey Silsiladdan Xaydha.

Waxaa xusid mudan in buugga Af-Soomaaliga ee fasalka 8aad ee manhajkii hore uu isna tixraac muhiim ah ii ahaa.