SIDEE SOMALILAND- ta DIMUQRAADIGA AH DAWLADNIMO ISKUGU XUKUMI KARTAA?

SIDEE UGU HABBOON EE SOMALILAND- ta DIMUQRAADIGA AH DHAQANNA KU QABIILKA AH EE MUSLIMKA AHI DAWLADNIMO ISKUGU XUKUMI KARTAA?

Qaybtii 1aad

Gogoldhig.

Waxa ay ahayd taariikh aan aad u sii fogayn markii axsaabta siyaasadda ee adduunku ka bilaabmeen qaaradda Yurub qarnigii 17aad. Nidaamkan Axsaabta badan (mult-party political system) waxa aad ula dawakhsan dalalka adduunyada intooda aan dhaqan siyaasadeedka kan dhaqan dawladnimo aannu u ahayn. Gaar ahaan dalalka la soo degay nidaamka dimuqraaddiyadda dawladnimadda casriga ah ku saleysan (modern state system). Kuwaas oo u badan dalalka Afrika, Eeshiya iyo Koonfurta Maraykanka.

Waxa ay axsaabta siyaasaddu ka bilaabmeen waddamada Galbeedka Yurub, gaar ahaan waddanka Giriiga. Nidaamka dimuqraaddiga ah ujeeddada ugu weyni waa in dadku doortaan hadba cidda xukunka u hayneysa muddo xilleed cayiman, waxa ay isku xukumayaan ee afkaar ah iyo sharciyadda loo raacayo habkaa is-xukunka ee dadku ay doorteen. Nasiib-daro-se taasi ma aysan dhicin wakhtigaa ee awooddu keliya waxa ay gacanta u gashay labo dhinac oo ahaa kuwii ugu xooga roonnaa bulshada.

Waxa bilaabmay nidaam aas aas kooda ay lahaayeen dadyowgii maal-qabeenka ahaa wakhtiyadaa oo dhinac ah (the Plebeians). Kuwaas oo rabey in ay awoodda is-maamul ku ilaashadaan danahooda ganacsi oo ay markaa lagama maarmaan u arkayeen. Dhinaca kale qolooyinkii awoodda boqortooyada haystey (the patricians). Kooxdani ujeeddada ugu weyn ee ay u sameeyeen dhismaha xisbiyada waxa ay ahayd in ay ku ilaashadaan awoodda xukunka ee gacantooda muddada dheer ku soo jirtay iyo weliba maalkooda oo ay u arkayeen in kaliya lagu ilaalin karo nidaam siyaasi ah oo qori isku dhiib ah. Waynu ognahay oo ma kala maarmaan tijaaradda iyo awooddu (power and wealth).

Waxa xusid mudan in nidaamkan axsaabta ay xilligaa keliya u coddeyn jireen dadka intiisa wax haysata sida ‘’Upper Class and Middle Class Communities’’. Laakiin kacdoono shacab ‘’Revolutions’’ oo ka hor yimi awgii ayey xaqoodii ku heleen dhamaan intii lab ahayd ee ku jirtay dabaqaadka hoose ee shaqaalaha ‘’proletariat’’. Markii danbe na dumarku ay xaqoodii soo dhacsadeen sida taariikhda ‘’Suffragettes’’ ay xusayso. Axsaabta dunidu muddo markii ay sidaa ahayd ayaa waxa dadkii danyarta ahaa iyaguna dhinacooda sameysteen axsaab dantooda ka turjunta oo u adeegta. Badi Axsaabtaa waxa loogu magac daray axsaabta shaqaalaha (labour parties) waxa ilaa iyo hadda ay ka jiraan dalalka Europe intooda badan.

Waa sidaa sida ay arragtiyaha ‘’Ideologies’’ amma afkaarta kala duwan ee Midig iyo Bidix ku abuurmeen. Dunida Saddexaad se sidaa waa ay ka duwan tahay oo waxa ay axsaabtu ku sameysmeen nidaam habkii ay dadku u yaaleen amma u dhaqnaayeen ah, taas oo aan dabaqaad dhaqaale marnaba shaqo ku lahayn ee dhaqan iyo caadooyin bulsho inta badan ka duulaya ‘’social structure’’ sida qabaa’il, qoomam kala duwan amma diimo.

Sababtuna waxa weeyi Afrika kama aysan jirin boqortooyooyin sida kuwa Yurub u xoog waaweyni. Marka la ga reebo is xukun hoose oo jeesjees ah oo ku dhisan hab qabiil amma qoomiyad hoose ah oo nidaam saldanadeed ah. Halkaa boqortooyada waxa ugu jiray nidaamkii gumeysiga ee Afrika yimi badi horraantii iyo kala badhkii qarnigii 19aad. Halka aaney jirin dabaqaad dhinaca bulshada oo ku saleysan tijaarad.

La soco qaybta labaad oo nuxurka u dhaadhac.

Mohamed Hagi Mohamoud
Hagi Facebook