Sidee Mawduuc Loo Falanqeeyaa? W/Q Kadim Ali

Maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa sidii aynu uga dhigi lahayn falanqaynta aynu falanqayno mawduucyada kala duwan ,ha ahaadaan kuwa ku saabsan Siyaasada Dalka sida waxbarashada ,dhaqaalaha , IWM. Falanqaynta arrimaha dalka oo ah waxa inta badan bar-kulanka bulshada lagaga hadlo.

Doodahaas iyo hadaladaas sidii looga dhigi lahaa qaar ku salaysan xog, aragti , khibrad , iyo fikrado , una noqon lahaayeen qaar is-fahan iyo ixtiraam ku jiro , kana soo baxaan fikrado kala duwan iyo aragtiyo midaysan oo ay ku ladhan yihiin xoog dhammaystirani ; waa mawduuca maqaalkan.

Marka aynu doonayno inaynu mawduuc ku falanqayno goob , ama bar- kulan waa in aynu afar shay ku salaynaa falanqaynteena:

Xog. Xogtu waa waxa ugu muhiimsan ee qofku u baahan yahay marka uu mawduuc ka hadlayo. Waxaana wanaagsan in qofku uu

diyaarsado xogtii uu u baahnaa , una diyaariyo si cilmiyaysan , baadhana wakhti ku filan. Xogtaas oo uu ka heli karo meelo kala duwan sida buug, internet , maqaal ,IWM. Balse haddii uu qofkaasi isaga oo aan xog haynin uu doono inuu mawduuc ka hadlo waxa dhici doona inay meesha timaado is-fahan la,aan iyo muran midho-dhalays ah.

Khibrad. Qofku marka uu doonayo inuu falanqeeyo ama aragtidiisa ka dhiibto mawduuc waa inuu ku soo daraa waayo- aragnimadii uu u lahaa mawduucan ,hadday tahay inuu yahay mid arrimahan ka shaqeeya , ama uu yaqaan cid arrintan khibrad u leh. Tusaale ahaan qofka ku takhasusay dhaqaalaha kuna shaqeeyay , wuxuu khibrad dheeraad ah u leeyahay sida looga hortagayo , loona xalinayo dhibaatooyinka ku saabsan dhaqaalaha. Taas oo ay dadka goobtaas la joogaana ay ka faaidaysanayaan aqoontiisa iyo rayigiisa ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa mawduucan laga hadlayay. Walibana sidoo kale ay dadka goobtaas joogaana ay ka faaidaysanayaan aqoon iyo talooyin ay isticmaali karaan markay u baahdaan. Ayna ku maarayn karaan noloshooda.

Waxayna faaidadu u badan tahay marka uu mawduucu yahay mid guud sida mid ah :

( Maxaa dhulka qaaliyaynaya maalinkasta?)

Tusaale kale ,waxa isna goobta fadhiyi kara qof ay saaxiibo yihiin qof khibrad u leh arrintan. Isaguna waxa uu soo bandhigayaa talooyinkii iyo khibradii saaxiibkii si looga baxo dhibaatooyinkan dhaqaale , waxayna aqoon iyo talooyin u noqon karta dadka goobtan fadhiya.

Fikrad. Marka mawduuc laga hadlayo ama waxa laga qorayo waa inuu la soo bandhigo fikrado kala duwan , fikradaaas oo la filayo inay xal u noqon doonaan sidii loo horumarin lahaa mawduucan ama loo yarayn lahaa dhibta ku jirta mawduucan la falanqaynayay.

Waxa jiri kara dad aan wax aqoon iyo khibrad u lahayn mawduucan aynu ka hadlayno.Laakinse waxa fiican in iyagana la dhagaysto rayigooda laba sababood awgeed.

Waa ta koowaade , suurtagalnimada inay keenaan fikrad aynaa hore uga fikirin , oo marka aynu daraasayno noqon karta mid loo aayo.

Marka labaadna ,waa fursad cidkasta oo bar-kulankan fadhida ay ra’yigooda ku dhiiban karaan. Taas oo astaan u ah tixgalinta iyo qadarinta u dhaxaysa dadka goobtaas wada fadhiya.

R’ayibixin . Waxa dhici doonta in inta la fadhiyo bar-kulankan la

is-weydaarsan doono ra’iyo , fikrado , iyo khibrado kala duwan.

Sidaa darteed marka uu qofkasta oo bar-kulankan fadhiyaa uu r’ayigiisa , fikirkiisa, iyo khibradiisaba ka dhiibto mawduucan laga hadlayo, waa in qofkasta oo goobtaas fadhiyaana uu isna fal–celin ka bixiyo fikrada, xogta ama khibrada uu saaxiibkood la wadaagay.

Waxaana haboon in qofkastaa uu si tixgalini ku jirto uu u qiimeeyo hadalka saaxiibkii , isaga oo u cadaynaya inta uu ku raacsan yahay iyo inta uu kaga soo horjeedo hadalka saaxiibkii , fal-celinta u bixinayana ku salaynaya Ra’yigisa , khibradiisa iyo fikradiisa.