Shirkii Lagu Soo Bandhigaayay Maalgashiga Somaliland Oo Bari London Ka Furmaaya Iyo Wajigii Labaad Ee Waftiga Ka Qaybgalaysa Oo Gaadhay Uk.

(SLT-London) Maalinta bari ah haddii alle idmo waxaa ka furmaaya caasimadda Boqortooyada Ingiriiska, shir heer caalami ah oo lagaga hadlaayo maalgashiga Somaliland, shirkan waxaa ka qayb galaaya wafti ballaadhan oo ka socda Somaliland, kuwaas oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo.

20141012_090824

 

Madaxweynaha oo isagu Sabtidii soo gaadhay Magaaladda London, waxa la socday xubno wasiiro ah oo safarka ku wehelinaayay, kuwaas oo ay kamid ahayeen, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka arrimaha debadda, Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha. Waxaa iyaguna xalay gaadhay Caasimadda Britain, wajigii labaad ee wafiga shirka ka qayb galaysa oo isugu jiray ganacsato, xubno xukuumadda ka socda iyo aqoonyahano madax banaan.

Mulkiilaha Huteelka weyn ee Maansoor, Cabdiqaadir Xaashi ayaa kamid ahaa xubnihii ganacsatada ahaa ee xalay London gaadhay, waxaa iyana qayb ka ahayd Marqo Adna Aadan, dhinaca Xukuumadda waxaa wajigan labaad kamid ahaa, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Macdanta iyo  Tamarta, Wasiiru dawlaha Maaliyada, Afhayeenka Madaxtooyadda. Waxaana xubnaha waftiga ku soo dhaweeyay garoonka Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Cali Aadan Cawaale.

Somalilandtoday/London/Office.

contact@somalilandtoday.com