Shirkadaha Ku Tartamaya Qodista Ceelasha Lagu Ballaadhinayo Biyaha Hargeysa Oo Bandhig Loo Sameeyey.

(SLT-Hargaysa)-Toban shirkadood oo ka qaybgalaya tartan lagu qodayo afar ceel-biyood qayb ka ah ballaadhinta biyaha caasimadda Hargeysa lagu isticmaalo, ayaa loo sameeyey bandhig ku saabsan  tartanka lagu kala reebayo iyo shaqada la qabanayo.

Kulan uu soo qabanqaabiyey xafiiska HUWSUP oo fulinta hawlaha biyo-ballaadhinta Hargeysa u qaabilsan hay’adda UN-HABITAT oo la soo mariyey kharashka mashaariicda lagu ballaadhinayo biyaha Geed-deeble oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Hargeysa maanta, kana qaybgaleen masuuliyiinta wakaaladda biyaha iyo hay’adaha UN-ta ee arrintu khusayso, ayaa masuuliyiinta shirkadahan oo dhammaantood muwaadiniin ah loogu faahfaahiyey tartanka qandaraas lagu qodayo saddex ceel-biyood oo ku yaal dooxa Hora-haadlay iyo hal ceel oo ku yaal degaanka Laas-dhuure, kuwaas oo qayb ka ah mashaariicda lacagtooda ay bixiyeen Midowga Yurub iyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF).

 526824_10200804991420936_1538221696_n

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo hadal kooban ka jeediyey furitaankii kulankaas, ayaa faahfaahin ujeeddada bandhigga shirkadaha loo qabtay, waxaannu yidhi, “Bandhiggan ujeeddadiisu waxa weeye in shirkadaha ka qaybgalaya qandaraaska afarta ceel ee laga qodayo degaanka Hora-haadlay iyo Laas-dhuure la siiyo wixii farsamo ah ee ku saabsan tartanka ay galayaan sida shuruudaha u yaal, qaabka loo buuxbuuxinayo waraaqaha, baaxadda hawsha la qabanayo iyo in la eego goobaha shaqada laga qabanayo.

Mr. Marco Van der plas oo ah Xidhiidhiyaha Mashruuca biyo-ballaadhinta ee hay’adda UN-HABITAT, ayaa si faahfaahsan ugu bandhigay shirkadaha hawlaha qodista ceelashan sida shuruucda la raacayo, qaabka ay waraaqaha u xaraynayaan, cabirrada ceelasha la qodayo iyo weliba qalabka looga baahan yahay cidda doonaysa inay ka qaybqaadato tartanka loo galayo.

Waxa kale oo uu sheegay in tartankan oo kala saaristiisa lagu qaban doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya hawlgalka shaqadiisa la bilaabi doono bisha December ee sannadkan, isla markaana la doono in muddo lix bilood ah lagu dhammaystiro ceelashaasi.

Sidoo kale, sarkaal ka socday hay’adda UNON oo Qaramada Midoobay u qaabilsan wax soo iibsiga, isla markaana kormeeraya mashruucan, ayaa isna sharraxaad ka siiyey shirkadaha hawlaha la xidhiidha mashruucan iyo fulintiisa.

Dhinaca kale, waxa isla maanta madaxda shirkadaha la geeyey degaanka ceelasha laga qodayo ee Hora-haadlay iyo Laas-dhuure, iyagoo la soo tusay goobaha la doonayo in ceel walba laga qado si ay fikrad buuxda uga qaataan baaxadda hawsha la qabanayo.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com