Shirka Dhalinyarada ee Burco, Ma Bushaaraa! W/Q: Sacad M. Aareeye

Shir ayay dhalinyar bariga Hargeysa degan ku dhawaaqeen inay ku qabanayaan degmadda Cadaadley,waxaanay ku casuumeen xafladii iclaaminta Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta,kaasi oo ay ku sheegeen in lagaga tashanayo aayaha Somaliland iyo arrimaha ku xeeran.Arrintaasi waxay soo jiidatay dhalinyaro kale oo degan isla Hargeysa kuwaasi oo ay ku martiqaadeen kana codsadeen inay kala soo qayb galaan Shirkaasi.Sheekadii way sii ballaadhatay waxaanay u gudubtay Gobolada Gabiley, Saaxil iyo Awdal,kuwaasi oo dhalinyartoodu u guuxeen fikradda shirka iyo in la is xaal waraysto.Sabab ay tahayba shirkii Cadaadley waxa loo raray Burco,waxaana ku soo biiray dhalinyaro ka mid ah degaanka gobolka Togdheer,gaar ahaan magaala madaxda gobolkaasi ee Burco.

Waxa intaa sii raacay inay dhalinyaro iskugu tageen gobolka Togdheer caasimadiisa Burco,kuwaasi oo u gogol

siciid timo

xaadhayay shirka iyo qaabka uu noqon doono,waa sida aan u fahmay hordhicii kulankooda ee ay ku qabteen magaalada Burco,saxaafaddana kula hadleen.

Waxa fiican in labada gobol ee hadhayna ay kasoo qayb galaan oo shirka lagu casuumo, waayo waxay ka mid yihiin dhalinyarada Somaliland,shirkuna waa inuu noqdaa mid ka turjumaya dareenka dhalinyarada Somaliland oo dhan,ee aanu noqon mid cid gaar ah wado oo dano gaar ah ku fushato.

Arrin xun ma aha in la yidhaahdo waynu tashanaynaa,waana mid ku habboon dhalinyarada Somaliland inay intay tashadaan mowqif cad oo toggan ka yeeshaan arrimaha khuseeya, waana ciddda iska leh mustaqbalka Somaliland oo hadday noqdaan kuwa talo iyo towfiiq leh uu waddanku hagaagi doono.Waxaase soo baxay su’aalo badan oo shirka kusaabsan.

Su’aalaha la is waydiinayo ee aan wali caddayn waxa ka mid ah:

Ø Maxaa shirka sababay in xilligan la qabto

Ø Waa maxay ujeedada shirku

Ø Yaa dabada ka riixaya ee fikraddu ka soo go’day

Ø Ma yahay mid ka madaxbanaan xisbiyada iyo xukuumadda

Ø Yaa bixinaya kharashka ku baxaya oo dabcan aad u fara badan

Ø Yaa intuu isku xilqaamo isku dubaridkiisa wakhti ku bixinaya?

Su’aalahaas iyo kuwa kalaba waa qaar u baahan isweydiintooda,waxaana looga fadhiyaa dhalinyaraduu kasoo go’ay shirkani inay caddeeyaan mawqufkooda iyo sababaha kalifay intaba.

Maqaalkan ugu maan talo galin inaan su’aalahaas raadiyo,war doonkoodana ma ihi oo warar way isoo gaadheen,waxaanse ugu talo galay inaan talooyin aniga shakhsiyan ila fiican usoo jeediyo dhalinyaradan is xilqaamay ee hawsha intaa le’eg u badheedhay inay dhabarka u ritaan,taageerana u muujiyo;waa haddii si sax ah loo hago.Taa micnaheedu se maaha inaan loo baahnayn dhalinyarada inta uu mugdi kaga jiro arrimaha shirkan in loo sharraxo oo si faah-faahsan loogu soo bandhigo ujeedada iyo hadafka laga leeyahay shirka lagu dhawaaqay.Taageero uunbay u soo kordhine,waxba ka nusqaamin mayso shirka.

Waxaan talooyin kusoo jeedin lahaa:

Ø In ajendaha shirka si fiican oo waadax ah loo lafa guro

Ø In laga fogaado inay majaraha qabtaan dhalinyarada caadifadaysan

Ø Inaan marna laga dareemin qabyaalad ujeedaduna aanay taasi noqon

Ø In aanu xisbina ku lug yeelan shirka iyo qaabka uu u soconayo toona

Ø In ergooyinka xulistooda cadaalad lagu salleeyo oo aanay sad-bursiimo ka muuqan

Ø In hablaha wax bartay laga qayb galiyo,waayo door aan la inkiri karin ayay ku leeyihiin bulshada,waana xoog loo baahan yahay

Ø In Sonyo laga ilaaliyo inay door ku yeelato,waayo iyada ayaa ka mid ah kuwa dhalinyarada la hadhay ee magacooda ku dawarsada malaayiinka dolar ee ay hellaana jeebka ku shubtay

Waxa xusid mudan inuu qoraaga Ibraahim Hawd u soo jeediyay dhalinyarada waxbaratay ee Somaliland inay siyaasadda galaan oo ay sameeyaan kacdoon siyaasadeed.Waxa uu sidaa ku sheegay qoraal oo soo dhigay degel oo ku leeyahay internet-ka.Mala hayga waa arrimaha shirkan ku dhiiri galiyay dhalinyaradda wadaan inay iclaamiyaan.

Shirku waxa fiican inaanu noqon kii u dambeeyey ee uu noqdo kii koowaad oo kuwa dambana loo ballamo la iskuguna yimaado haddiii alle idmo.Waxa kale oo habboon in loo sameeyo gudi ilaalisa inay fulleen qodobada kasoo baxa shirka.

Gabayga ma aqaane, afarrayda ayaan yar tuuraayee,intan ayaan ku soo afmeerayaa:

Ma nin wax u dambeeyaa

Isagoo digrii sita

Doonyaha la buufiyee

Dabayluhu ka xeeyaan

Dusha uga bixi lahaa!

W/Q: Sacad Maxamed Aareeye

Email: aareeye2020@gmail.com