Shir Lagaga Hadlayo Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Oo Maanta Ka Furmaya London & Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Ka Hadlay Muhiimaddiisa

(SLT-London)– Waxa Maanta Magaalada London ee caasimadda dalka boqortooyada Ingiriiska ka furmaya shirweyne lagaga hadlayo ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, kaasi oo ay ka qayb-galayaan ganacsato waaweyn oo adduunka Magac ku leh.
Shirkan oo ku kulmayaan dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo ay wehelinayaan ganacsato ka kala socota labada dal iyo weliba ganacsato ka socota dalalka Yurub qaarkood, ayaa waxa qaban-qaabisay shirkad caalamiya oo Magaceedu yahay DMA (Developing markets associates), waxaanu 14-ka bishan oo maanta ah ka furmayaa Magaalada London.

1939513_10152769956548535_1479503951337643542_n
Shirkan oo muhiimad gaar ah u leh Somaliland, ayaa waxa la filayaa in weftiga Madaxwaynaha Somaliland hoggaaminayo oo ay ku jiraan wasiirrada qorsheynta, Arrimaha dibadda, Madaxtooyada, Macdanta iyo weliba ganacsato door ah oo reer Somaliland ah, ay ku soo bandhigaan fursadaha Maalgashi ee ka jira Somaliland.
Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo Magaalada London u jooga ka qayb-galkaasi shirkaasi isla-markaana ka jeedin doona khudbad uu diirada ku saarayo halka Somaliland ka gaadhay ganacsiga iyo fursadaha Maalgashi ee dalka yaalla, ayaa shalay si kooban uga hadlay muhiimadda shirkani u leeyahay Somaliland “Shirka Maalgashiga Somaliland ee London, waa Shir aad muhiim ugu ah Somaliland” ayuu yidhi, Madaxwaynaha oo qoraal kooban ku baahiyey shabakadda xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka.
Madaxwaynaha ayaa intaasi ku daray inay Somaliland u furan tahay Ganacsiga iyo maalgashigaba “Somaliland way u furan tahay Maalgashiga iyo Ganacsiga” ayuu yidhi. Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Shirkan ayaa la filayaa inuu soo jiito indhaha Maalgashadayaasha adduunka ee daneynaya inay Somaliland ku sameeyaan Maalgashi.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday