Shil Baabur Oo Ka Dhacay Degmada Sheekh Oo Sababay Dhimashada Hal Ruux Iyo Dhaawaca Xildhibaan Baarlamaanka.

(SLT-Burco)- Xildhibaan Maxamed Jaamac oo kamida Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa dhaawac halis ahi ka soo gaadhay shil baabuur oo goor dhaweyd ka dhacay agagaarka Degmada Sheekh gaar ahaan dhinaca xigta magaalada Burco. Sidoo kalena waxa shilkaasi ku dhintay Marxuum lagu magaabi jiray Ibraahim Gacan oo aha darawalkii xildhibaanka uwaday gaadhiga.

war degdega
Waxaana la filayaa in goor dhaw dhaawaca iyo dhimashadaba la soo gaadhsiiyo Cisbitaalka weyn ee magaalada Burco. Wixii warar ka soo kordha shilkaas goor dhaw kala soco Shabakada wararka ee Somalilandtoday.com.

 

Somalilandtoday / Burco/Office