Shil Galaaftay Nolosha Dad Badan Oo Ka Dhacay Waddanka KENYA

(SLT-Nairobi) Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen shil labo baabuur oo bas iyo loodhi  ah oo si xun isugu dhacay.


Shilka labadan gawaadhi ayaa ka dhacay arroornimadii hore ee Axadii saakay waddo weyn oo ku taalla galbeedka Kenya oo isku xirta magaalooyinka Eldoret iyo Nakuru.
Sideed iyo toban qof oo ku dhaawacmay shilkan ayaa loo qaaday isbitaalada maxaliga ee kenya.

Waddooyinka kenya ayaa inta badan khatartu ay ku badan tahay xiliyadaan oo kale oo ah dhammaadka sanadka, maadaama inta badan dadku ay u safraan gobolada dalka taasi oo keenta in darawalada gawaarida ay si xowli ah u kaxeeyaan gawaarida sida la sheego.

Shil noocaan oo kale ah ayaa ka dhacay goob u jirto saddex kilo mitir halka shilkaan uu saakay ka dhacay, kaasi oo ay ku dhinteen 20 qof horaantii Deseember.

Xigasho: BBC