Sherkada Isgaadhsiinta Somtel Iyo Tv’ga Qaranka Somaliland Oo Si Toosa U Wada Tijaabiyay Munaasibad Live Ah Oo Loogu Diyaar Garoobayay Ciyaaraha Gobolada. Daawo Sawirada.

(SLT-Hargaysa) Telefeeshinka Qaranka Iyo Sherkada Isgaadhsiinta Ee Somtel oo kamid ah sherkadaha ugu waa weyn xagga is gaadhsiinta Geeska Afrika, ayaa si toosa u wada tijaabiyay qaabkii ay si Live ah usoo wada gubin lahayeen ciyaaraha gobolada dalka Somaliland oo la filaayo inay 15 bishan ka qabsoomaan Magaaladda Hargaysa.

Munaasibad si toosa adduunka oo dhan loogala socday ayay ku qabteen xarunta Sherkada Somtel oo ku taala badhtamaha Magaaladda Hargaysa, waxaana ka soo qayb galay Munasiibadaas oo ahayd mid dadweynaha adduunka ku sugani ay si live ah ugala socdeen Telefeeshinka Qaranka Somaliland, Mareeyaha Tv’ga Qaran Khadar Xasan Cali Gaas, Mareeyaha guud ee Sherkada Somtel Cawil Saalax, Madaxa iidbka iyo suuqgaynta sherkada Somtel Iid Muuse.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Mud: Iid Muuse  oo ku hadlaayay afka sherkada Somtel, wuxuuna sheegay inay caawa si wadajir ah u wada tijaabinayaan barnaamij Live ama toos ah iyagoo ah sherkada Somtel iyo Telefeeshinka Qaranka Somaliland, kaas oo ay hordhac ahaan ugu diyaar garoobayaan ciyaaraha gobolada ee maal muhu inaga xigaan. Waxaa isna madashii ka hadlay Mareeyaha Telefeeshinka Qarnka Somaliland Khadar Xasan Cali Gaas, wuxuuna sheegay in Tv’ga Qaranku yahay midka ugu sawirka wanaagsan Telefeeshinada afka Somaaliga ku baxa, waxaana hadaladiisi kamid ahaa.

“Waxaa noo farxad ah hadaanu nahay Tv’ga Qaranka in aanu caawa halkan si toosa hawada ugu wada tijaabinayno annaga iyo sherkada Somtel oo wada shaqayni naga dhaxayso barnaamij toos ah. Taas oo u jeedadeedu tahay sidii aanu ugu diyaar garoobi lahayn ciyaaraha gobolada Somaliland oo dhawaan qabsoomi doona, runtii waxaanu u ballaan qaadaynaa dadweynaha na daawada inay sawir ka muqaal fiican sannadkii hore ku daawan doonaan badi ciyaraaha gobolada iyagoo kala soconaaya Telefeeshinka Qaranka.”

Mareeyaha guud ee sherkada Somtel Mr. Cawil Saalax oo isna madashaas ka hadlay ayaa siweyn uga shekeeyay doorka ay sherkada Somtel kaga jirto adeega isgaadhsiinta casriga ah, sidoo kale wuxuu ammaanay wada shaqaynta ka dhaxaysa Telefeeshinka Qaranka Somaliland. Waxaana maruu arrimahaas ka hadlaayay kamid ahaa hadaladiisi

“Somtel oo ka shanaysa Telefeeshinka Qaranka waxaanu caawa halkan u wada fadhinaa tijaabada sida tooska ah loo dawanaayo, runtii Tv’ga Qaranka waxaa naga dhaxeeya wada shaqayn ballaadhan iyadoo caawa uu halkan nala fadhiyo Maareeyaha Tv’ga Khadar Xasan Cali Gaas, sidii sherkada looga bartay waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in aanu si toosa u soo gudbin doono ciyaaraha gobolada, oo runtii muhiimad weyn ugu fadhiya dalkeena, waayo haddii ciyaaraha la hormariyo   caruurteena ku dayasho wacan ayay u noqonaysa siday hadda ugu deydaan kuwa caalamka”.

Munaasibadan ayaa su’aalo lagu waydiiyay Mareeyaha Telefeeshinka Qaranka iyo Mareeyaha Sherkada Somtel iyagoo labadan masuul si hufan uga jawaabay dhammaan su’aalihii la waydiiyay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

Contact@somalilandtoday.com