Sheeko Xiiso Badan(Qaybtii 1 iyo Dr Daacad lle Yaqaan)!

Beri baa waxa jiray nin la yidhaaho magaciisa Mr Diiriye, waa madi firfir-coon, farxaan ah, marka uu hadlaayo majaa-jilo raaciaya, isaga oo ilko cadaynaaya, waa nin aad u qurux badan, jidh-kiisuna uu leeyahay hilib baxasan, xaga dhererka waa dhexdhe-xaad nin jooggii ah, wuu kaftan badan yahay oo wa nin aad u furfuran, dabeecad wacan, Diiriye waa ka caan aaga uu degan yahay, cid kastaana marka ay indhaha ku dhuftaan, bay sii qoslaan oo yidhaahaan alla waa wiilkii aanu jeclayn sheekadiisa, cariga uu ku nool yahay dhamaan hablaha joogaa, way daba-jebinayaan, oo mid kastaa waxay rabtaa in ay iyadu gacanta ku dhigto.

oo uu markaas noqdo kii ay la rafiiqi lahayd, inta ka hadhay maalmaha ay ifka jooto, waxa u qarsoon oo inan waliba hoosta ka xariiqday, waxa haysta oday iyo islaan aan cid kale lahayn, ka buuxa 5 maal aduun-yaale ( Waa geela, adhiga, lo’dda, fardaha iyo dameeraha’e), aan kuugu daro’e waa ciyaartooy, shubay dhamaan ciyaarha dhaqanka Somaliyeed, nooc yadeedda kala duwan sida Dhaantadda, Wilwiladda, Hoo-leben-ta, Sayla-caawidda, xataa haddii la ciyaaraayo Gebley-shimbirta, waa nin hal-keeda ugu tegay wixii noocaas ku saabsan, ee miyiga lagaga dhaqmo, wuxu bello ku dhigay, marka la isugu yimaado ciyaar soomaali, sidda uu isu raaciyo codka, sacabka, jaanta iyo luuq-diisaba, oo aan laga xiiso jabayn, iyo sidda uu marka uu galo isugu laba-rogo, ee aad arkaysid uun jeeniga wareegaaya , siddii dabayl-is-rogaysa, waa nin aad iyo aad u xaragoodda, oo guur u meer ah, sida ay tahay-na wuxu qaataa hubkii lagu aqoonsan jiray ninka caynkaas raba, oo indho-indhay-naaya bilicda hablaha gayaanka ah, beelaha ay jaarka yihiin, inta uu kabo maas ah, hoostana nacaal kaga yaalo gashado, macawis abu-sabarande ah, uu kiishad 4-jeeblay, laba kaansha-doodley ah ku xidho, oo uu fayto, go’ shaal ahna uu degta saaro iyo bakoorad si wacan loo xardhay, buu beesha tax-taxaa-shiyaa, isaga oo muujinaaya in ay quruxi u dhan tahay, oo ta uu amintaas la kulmaa, ay sidda hal godlatay, oo lisid u isu diyaarinaysa, dareenkiidu buuxo, way isu sheegeen hablaha beeshu, oo ishu xoog bay ugu mudan tahay, mid kastaa-na waxay is leedahay, muu kula hadlo mar uun aad ka bogatide. Marka ay u soo diyaar garooba-yaan hablahu, in ay sameeyaan “casar-tamashle” ama ay awrta galabtii doona-yaan, waxay xidhaan “Bedladii dharaka ahayd ay u haysteen ayaanta Carwadda” ee wakhtiga fiidkii la shubaali-naayo hooba-laydda, kuna talo gelaaya, bal in ay isku soo baxaan Mudane Diiriye, ilayn gabadh waliba way u rixinay-saaye, oo waxay ku ducaysa-naysaa, siddii aanu talaabo uga qaadeen, ee ay maraqiisa ugu subkan lahayd, inta kale ee ku daba jirtana ay ugu googooyn lahayd, waxba yaan ku raajina, wuxu hadal ku dhan yahay, in runtii tii heshaa Mr Diiriye ay ku diirsan doonto.

Diiriye isaga oo aan hore u soo aragnay sifaha uu leeyahay, baa waxa uu hawda isla maraba, baadi-doon uu ugu jiro-ba mid qancisa, oo uu ku dego ( Dejiya), baa maalin ka mid ah ayaamaha, buu goor barqo ah ku soo baxay, mid tidhi xasan jigin bikh, aduun baa is cajebi-yeye ee fadhiiso, anaka baa deris kuu dhigi doona’e, markii uu indhaha kaga bogtay, baa waxa ku dacay indho daraan-dar, ash-qaraar, uu rumaysan waayey, waxan oo qurux ah, wax uu ku sharaxo-na uu garan la’ yahay ama ku sheego, waa Miss Suleekha, oo ah inan aad qotan-keedda moodid “jaw-dheer jilicsan, oo sidda laama-lawshaha u baxday, dherer-kana lagu qiyaasay baxara-saaf qumaati cirka loogu shareeray, waa midabka ugu qurxoon haweenka ( hablaha), cududa-heedda xaadda leh, markaad dheeha-tidna ilmada baad qubaysaa, dhudhu-madda la kala dhilay, tima-heedda dhuxusha ah, ee dabayshu kolba si u saydhayso, cirdka dugulka ah, kubab-keedda dhamays tirian, indhaha macaan ee waaweyn, camamka doom-birta aa laga garan, dhexda madagta ah, kala shub-shub-naanta jidh-keeda, uu Eebbe isu cabariay ee is le’eg, qaabka socod-keedda iyo habka ay u jaan-qaadayso, luulka , laasimada, hilqada-ha lamaan ee ay ku laafyoo-nayso, degenida ay u talaab-sanayso, hub-qaadka Eebbe u abuuray, iyo codka ay kugu salaamayso, ee marka ay hadasho kuu deeqaaya sidda la yaabka leh, xishoodka la huwiyey, ee ay ku faanayso hida-heedda ay ku ababtay, iyo sida ay ugu fiirsa-nayso odhaah-dda ka soo baxaysa dibna-heeda, oo aad moodayso in aanay kala qaadayn-ba, asluubta ay kuula dhaqmayso, edaabta ay ku muujinayso inan-nimadda, indhaha-na hoos kaaga rogayso, marka ay damacdo eray ay tidhaah-do, waa gabdh lagu gardaad-shay anshax qoto dheer, kuna ababtay, kacday, kortay, ku taabo qaaday, is-qadarin, is-ixtiraam, kala dambayn, is-dhegaysi, waxa intaas u dheer, sida ay u baalo daymoo-nayso, ee ay u feejig-tahay, iyada oo iska eegaysa, in meel cidi ka khaawisto ama looga jeedo, oo ay ka kashi-fanto haasaawahan, ay Mr Diiriye wadaagayaan, fursadan ay u heshay soo xero gelin-tiisa, waxa la isu okho-leeya-ba lays uur baadho-ba, la isu xulo kelmada-ha la isu gudbinaayo-ba, kal-gacayl, farxadi ku milan tahay lays tuso-ba, la kala xiiso gooyn waayo-ba, la jeclaysto in wakhti badan la isu helo-ba, waxa meeshii ku dhaafay, wakhti badan oo aanay dhaadin inta uu le’eg yahay, laakiin aan u dhigmin, aanay filayna in uu sidaas kaga tago, waxay ka soo jeedaa suleekhi, reer iska ladan oo aad looga dambeeyo, xaga aduunyadda ay haystaan iyo xormo ahaan-ba, waa qoys lagu talamo, in dhanka guurka markay noqoto, ah inta yaree faro ku tiriska ee la yaqaano, laguna ducaysto in xididnimo dhex marto, han-weynidda loo qabo awgeed, waxay gorfeeyaan wixii uurka kaga maax-sanaaba ee lagu kala maagaayey-ba, goor la isla talax gabay baa waxa lagu soo gabaga-beeyey “is-af-garad” raali la kala noqday, hesiis-na lagu balamay ah, in la dhiso qoys ay laba-doodu yagleelaan ” Mr Diiriyana siddii la arki jirey uu badka is-geeyo”, oo uu soo hor fadhiisto Aabaheed Aw Sabriye, oo ah sheekh macaan, laakiin mararka qaar-kood haduu wax fahmi waayo aan la marin, hadal-kana lagu celcelin, la isla qaaday, gacnta-na la isi-saar, oo loo balan siddii lagu hesiiyey, iyo wakhtiga uu soo dadab-geli doono Mr Diiriye haddii Alle yidhaaho.

La Soco Qaybta 2aad.
Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan