Tuugti Ugu Casrisanayd Uguna Khatarta Badnayd Wax Ka Ogow.

(SLT-Hargaysa)-Waxaa jira tuug farabadan oo dunidan soo martay iyaga oo in badan oo ka mid ah magacyadoodu ay taariikhdu xusto, qaar badan oo ka mid waxaa weli muuqda raadadkii ay ka tageen iyada oo dhaqan ahaan loo adeegsado wakhtiyada qaar in caruurta lugu cabsigeliyo iyada oo siyaabo farabadan oo kale loo xuso magacyadooda.

Waxaa ka mid ah :

Dismas iyo Gestas, waxaa laga yaabaa in in badan oo idinka mid ah aydaan aqoonin labadan nin ee tuugta ah, waa labada tuug ee ugu caansan taariikhda nolosha biniaadamka : sida ay aaminsanyihiin in badan oo ka mid ah dadka kiristaanku labadan nin waxaa la jaray lug iyo gacan isdhaaf ah xiligii nebi ciise iyada oo Dismas uu dalbaday in laga cafiyo denbigii uu galay halka ninka kale uu isagu diiday oo sida Kiristaanku aaminsanyihiin ugu danbeyntii uu cadaabta galay.

Prmotheus sidoo kale waxa uu ka mid ahaa tuugta sida weyn caanka u ah, sida ay kiristaanku aaminsanyihiin waxay xusaan in ninkani uu ilaahyadooda ka xaday dabka oo uu gacanta ka geliyay biniaadamka, taasina sida ay aaminsanyihiin waxay sababtay in biniaadamku aaney cunin cuno qaydhiin oo ay cunadooda bisleystaan si kasta oo ay ku bisleyn karaan.

Waxaana ay kiristaanku aaminsanyihiin in ay tahay ninkan tuuga ah in biniaadamku ay u mahad celiyaan, camalkan xun ee uu sameeyay waxay kiristaanku aaminsanyihiin in lugu cadaabay iyada oo dusha laga saaray dhagax weyn , beerkiisina ay qay qayb u cuntay guumeys.

Robin Hood, waxa uu sidoo kale ka mid yahay tuugta sida weyn dunida caanka kaga ah maanta, sheekada ninkan oo la sheegay in uu Ingiriis ahaa ayaa weli in badan oo ka mid ah qoraayada dunidu ay ku soo qaataan buugtooda inkasta oo aan si dhab ah loo xaqiijinin jiritaankiisa, hadana sheekooyinkan khuraafaadka ah ee ay qoraan waxay ku helaan lacago aad u farabadan.

 Blackbeard, waxa uu noolaa intii u dhexeysay 1680kii-1718kii, tuugan ayaa sheekadiisu ay tahay mid run ah isaga oo ka mid ahaa tuugta dunida ugu caansan magiciisa waxaa la odhan jiray budhcad badeedka adag waxaana uu ahaa tuug dadku ay si weyn uga baqaan, waxa uu ku dhintay dagaal uu la galay ciidan uu u soo diray badhasaabkii gobolka Virginia oo amray in la dilo.

 

tt

Ninkan ayaa isagu hore cafis loogu fidiyay , laakiin nasiib darro waxa uu ku soo noqday in uu dadka uu galo bada iyo sidoo kale falalka tuugnimada ah ee xun taas oo ugu danbeyntii noloshiisa meel xun ka riday.

Jesse James, waxa uu isaguna ka mid ahaa tuugta sida weyn dunida caanka kaga ahayd , waxa uu xadijiray dhamaan bangiyada, tareenada,gawaadhida iyo guryaha meel ka bad qabta mey jirinin, waxa uu ahaa dagaalyahan hore oo ka soo qaybgalay dagaalkii sokeeye ee Maraykanka , isaga iyo walaakii Frank oo ay weheliyaan dhalinyaro kale oo ay walaalo ahaayeen waxay sameeyeen koox budhcad ah kuwaas oo si weyn looga baqi jiray dhulka koonfureed ee dalka Maraykanka.

Si kasta oo ay ahaataba,waxaa loo aqoonsanyahay tuug geesi ah , waxyaabihii uu taariikh ahaan ka tegeyna waa kuwo weli ka taagan dunida maanta.

“Babyface” Nelson oo noolaa intii u dhexeysay 1908-1934kii ma uu sugin in uu qaangaadho waxa uu tuugnimida ku bartay yaraantiisii isaga oo ah 14 jir, waxa uu xariif ku ahaa xatooyada , da’diisa iyo hawlaha tuugnimada ah ee uu ku jiray aaney ahayd kuwo isbar bardhig lugu sameyn karayo , isaga oo ah muwaadinka Maraykanka ah ee dilay tirada ugu badan ee ciidanka FBI-da ee Maraykanka.

La soco.

Maxamed Aadan

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday