Sheeko Gaaban: MAXAAN KU NOOLAHAY!!! W/Q Xuseen Xasan Xuseen

Waxaan ahay Hooyo Shan Ciyaal le ah, aabahood waa duruuf ku kor, nolashiisii hore waxa uu la qabay waalidkiisa, wuxuu la dhalandhool ahaa nolasha adag ee duruufuhu keensadeen, shaqo wax wayn ku taransan karo taariikhdiisa ma helin, mar baalashle ayuu isku dayey, waa qadar allee waa ka waynaaday markii la gu caayey, “waar ma Oramaad tahay maxaa baalashka kugu qabtay”!! cay iyo aflagaado iyo yasid darteed u tuur, kamana war hayaan waxa ku kalifay iyo inay shaqo tahay uu ka ga kaga maarmi karo qayrkaa shaxaad, in waxbarasho lagu ababiyo hadalkeedda daa, sadexda wakhti laba kamid ah ayaan dab loo shidi jirin, ciyaalnimaddiisii waxa uu ii sheegay inuuna xusuusan maalin Iid ah uu qayrkii la qaybsaday farxadda, aniguna yaraantayddii

wax ma nolal dhaamin, waxaanu ku noolayn meel baadiye ah, Ishin aan badnayn ayaanu lahayn, Reer guuraa ayey nolashayaddu ahayd, wixii allah noo qoro ayaa noo quud ah, maalin oo dhan xoolaha ayaan la joogga, waa Adhi oo waa cad bisil kama foggaan kartid, laba neef oo sayladda la geeyo ayaa waxoogga Sonkor iyo Qamaddi la soo siiyaa, habeenkii markaan soo hoydo qamaddi aan la tumin ayaa inyar oo caano riyaad ah la ii gu iidaamaa, jaangari kayga ayaa ii barkin ah, waagu markuu galac yidhaahdana riyahaan soo maalaa dabkana waan shiddaa oo kildhi ayaan dabka saaraa Sonkorta waxaanu ku madoobaynaa Assal, koob shaah ah iyo qarmaji xalay baariday markaan isla helo ayaan Adhigga foofiyaa, jiilaal howshii dhafooradayda ayey ka muuqataa, waxa ii maryo ah shiid yar oo meel walba ka karkaran, xili Ramadan iyo xiliyo Iideed midna ma aqaan, waxa ii wakhti ah, Gu’ Karan, Dayr, Jiilaal iyo Kaliil, taarikhdayda meel wax lagu baranayo ma joogsan, bani’aadam duur joog ah kama dhaco, labadayaduba waxaanu soo marnay nolal noocaas ah maanu arag aqoonna uma lihin nolal kale, maalin maalmaha ka mid ah ayaan soo raacay hooyadday oo laba riyaad salaydda keentay waxaanu ku kulanay odeyga ciyaalka dhalay oo maalinkaa sayladda ku cusbaa oo is leh tallow dilaal sayladeed ma noqotaa, oo nolasha ma ku kabtaa, cid wax ku soo haggaajisaba ma yaqaan, waa nin duleedyada magaalada ku koray oon magaalana si fiican u galin mar uu baalash le noqday mooyee, asxaab iyo dad la sheegana ku lahayn, wax miyi ah oo dad ku yaqaanana ma hayo oo xoolaha ayaaba lagu soo hagaajisan lahaa, waxaanu gaadhiga dusha kuwada saarnayn Adhi, Caano iyo dad, duruuf ayaa keensatay oo markayga horaba dhiriqda adhiga iyo siiftiisuba waa ii cadar oo wax kale la igama urriyo, aniga waxaan baal-daymoonayaa muuqaalka daaraha iyo gawaadhida, kuwaas ayaa wax kale ila ah, haddii la igu sii dhex dayn lahaa sida Adhi duur joog ah ayaan marba meel u boodi lahaa dad na u jiidh jiidhi lahaa, badowtinimo xumaa!!, markaanu sayladda sidaa u soo gaadh nay ayaa niman yaacayaa hareeraha qabsadeen gaadhiga, waxa iyana yaab igu noqotay islaamo xadhko la rooraya una soo guclo kala dheeraynayaan gaadhiga, yaabay oo lafahayga u yaabay, waan baqoo is idhi waa siddee dadkani may idin la dagaalamayaan, may idin dhacayaan, markiiba adhigii ayaa la dajiyey, anaga oo daginba ayaanu aragnay nin labaddii neef dhagta qabsaday, Yaab!! Oo in ay wada socdaan muxuu ku gartay alle qaadkani ayaan is idhi, haddna waan xusuustay inay laba farood iyo dacal ku taalo, Hooyaa ku qayliday waar noo sii daa adhiga, kaligii maahee nin kale ayeyba isku haystaan, waar Adhigu aniga ayuu ii socday, halkuu uga socday waa ku qabsee, waa nin aan baryahaa shaahayn oo baalashkii lagu caayey ugu dambaysee dhaar ayuu xalaf kaga siiyey “xilahay furan nin aan aniga ahayni shaah ka cabi maayo”!!, anigu waxa ii daawasho ah waxa sayladda ka socda, dhanna hooyaan uga baqayaa inay dad dagaalamaan, dhanna sidda neef fiigsan ayaan didsanahay, Ninkii odeyga ahaa hooyo ayuu ku dul- manuusooday, “heblaayow duco kugu dhacdee anigu aan iibiyo, ajar ayaa kuugu jira inta aan ka qaadanayo, wax kale ma arag waan cusubahay”!! Wuu waayo sheegtay, hooyaa naxday “waa yahee gees qaraaca ayaan ku siin”, halkaas ayuu muddo kooban bacadka la joogay, farsamaddii sayladda ma yaqaan ee farro isku dhiibka ahayd, waxba ka garan maayo, cumaamad ma soo qaadan, haddii gacanta loo dhiibo wuxuu is odhanayaaba malaha waa lagaa dhufanayaa, “Waryaa anigu gacan iyo waxaa ma aqaan ee intaa maad iga siisan”, dad badan isla beer caddaade! waanu u jeednaa anigu waxba ma fahamsani oo daawashaan ku jiraaye hooyo ayey is toydeen, waxayba garatay aabbihii iyo reerkooga oo dhan, meel ayey wax uga noqotayba, niyad samaan qaad, wallee lagu garay!!, “Eeyaa Eddo Alle Ku barakee oo Alle ku barakee, wanaagsaniddaa, Allah ha ku sharfo Allah oo ha ku sharfo,waabad I garatay”, duco iyo amaan ayuuba miciinsadday, way kuu gashay maasha allah, waaba meel fiican halkani, kuye “Eddo inantanna ma adiggaa dhalay?!! haaye annaa dhalay, maasha allah wallee way kugu banaantahay waatan quruxdii reer abtigeed raacdaye, waxan da’diisa ku qiyasay in afar shan da’ood noo dhaxeeyan, anigana halkaa iga la qaad, inaabti badatay, afka ii soo yuub, tashkiilin ayuuba igu qabtay, anna yar farxoo howshii xoolaha ayaaban is idhi walee waad ka raysan ninkani waxan uu kugu daldalayo hadday dhab ka tahay, Inaabti ma adiga ayaa u wayn reerka? haa aniga ayaa u wayn, imisa ciyaal ah ayaa inaabti kaa yar?, inaabti lix ayaa iga yar, maasha allah, oo maxay kala yihiin?, afar wiil iyo laba gabdhood, tabaarakallah, walee waad ku banaantahay in oori xalaal ah laggaa dhigto, yaa dhudiyeey inaabti, heedhe dhudiyeey wa inagaa wax isku noqonaye, isku fiicanaa laba dadkooga la garanayo, walee tani yaa!! Inaabti, wuxuu dulxaadis wadaba, “dee inaabti labadeena ayaaba fiican inaynu guri yagleelno kol hadday eddaday ku dhashay”, reer fiicanna waad ka dhalatee, anoo dhoola caddaynaya ayaan hoos u idhi “xishood maxaad ku hadlaysaa? oo inaabti tani ma wax laga xishooddaa waa iska caadiye, “Aroos ayeynu yagleelan oo magaaladaynu iska daggiye” meel aan rabay roob ma I gu helay, halkii ayaa labadii neef lagu iibiyey isna yidhi “Eddo halkeed ku soo dagteen? Guri gii Reer hebel? oo halkuu ku yiil? biriijka qarqarkiisa waana guriga albaabka madow leh… haa tilmaam ayuuba si fiican u qaatay, anagu naqad ayaanu kuba helnay labaddii riyaad is na 8 kun calfay, fiidkii goor ay tahay ayuuba gurigii yimiday, Heblaayo ma joogtaa? haaye soo soco, codkiisii ayaaban halkaa ku gartay, “Eddo so ma fiicnid waan idin soo bariidiyee? hadmaad tagaysaan? barri maahee saadambe insha allah Eddo, oo halkuu reerku yaal ? meel heblaayo ayuu yaalaa, Haa haye Eddo, inaabti adna sow ma fiicnid? haa, eshcalaa inan, Eddo caruur fiican ayaad dhashay maasha allah, waan sii socone isaga oo ii il jabinaya dhanna iska eegaya Hooyo…

 

xuseen xuseen

Laba habeen ayaanu magaaladdii joognay, anigu daawashada waa wax wali ii cusub, xattaa bariiska cas ayaa ii cusub wax kale daayoo, aniga oo jeclaysanaya magaaladdii, miyigii ayaanu ku laabanay, muddo laba bilood ah kadib ayuu toyasho reerka ku soo gaadhay ninkii, Hooyo garowsatay ujeedka uu u socdo, bariido ka dib ardaagii la la fadhiisay Aabo, la wada sheegaysay, kadibna shaaca uga qaad inuu gabadhiisa rabo, odeygiina uma laba labayne waa u yeelayba, maxaad haysaa? waynu isku soo noqon ducana waxaan siddaa intan shilimaadka ah, la ii yeedh aniga iyo Hooyaba, Aabo wiilkan ayaan kugu daray, ma hadlin oo dhaqanka inanta waxa lagu yiqiin inayna hadlin lakin aamusnantu ayaaba hadal ah, Hooyo tidhi waanu kaasoo daba diraynaa inanta, markii uu noqday sadex bilood dabadeed la isoo dir iyaddo Hooyo ila socoto, guri sandaqad ah ayuu sii goglay wax uu shaxaad ku helo, wax dadkoogu u soo ururiyaan, halkii ayaan nolal kale ku bilaabay cilaal yimaadde, nolashuna waa siddii, xaajiku mar kuuli ayuu doontaa marna sayladdii ayuu ku noqdaa, jiif iyo joogba diid, waxa suggaya ciyaal aan aqoon waxba lama hayo, wax waliba isa soo xidhe, shalay dhaamtay mooyee way ka soo rayn wayday, qurraac ayaan dubaa, waxa aan ka helaa waa dhanaanis, maalin oo dhan ayaan dugsi yada iyo suuqba la taaganahay, wakhtiyadda qaar ayaan waxba la iga gadan, caano haba jooggaan ciyaalka siiyo, dherri anagu hal mar ayaanu karsannaa, waliba yaryarka ayaanu ka fuudh yeelnaa, waxa noogu daran biyo iyo dhuxul joogta ah, mararka qaar meelaha lagu iibiyo ayaanu xashiishka dhuxusha kasoo guranaa, mar xaabo ayaanu raadinaaba, kiraddii waa lanaga suggayaa, odeygu wakhtiyadda qaar sariirta ayuu hoos galaa marka la yidhaah kiraddii laba bilood la idinkama hayee keena ama ka baxa, wajigii ayaa naga gubtay, maalin kasta balan ayaanu bixinaa, balan iyo beeni ma dhamaadaan, markaanu sheedda ka aragno qofkaanu guriga ka ijaaranay waanu naxnaa, wax aanu samayno ayaanu garan waynaa, waxaanu haysanaa waa ugxaan, duruuftu ka muuqato, bishii laba jeer ayaan u awoodaa inaan u maydho, waxa ugu badan ee xidhanyihiin waa garamo wasakhoobay oo biyo iyo saabuun u heli waayey, laydh maba shidano, waxa nal noo ah waa faynuus, gaasta waanu soo fidhiqo miisanaa,waanuna bakhtiisannaa markay ciyaalku seexdaan si gaasta iyo dubaaladdu nooga dhamaan, cid naga war haysaa ma jirto, naxariistii waa yaraatay, jaarku nagama war hayaan, cidi nama bariidiso, mararka qaar ayey naftu na tidhaah cuntooyinkan jaararku dibadda ku soo qubayaan ma iska gurataan amase ma dawarsataan, sidan jaarku ma ahaan jirin, waa la isku dulbakhtiyayaa, Magaaladda ciddi war iskuma hayso, Diintii meeday? naxariistii yaa dadka ka qaaday, sowtii la lahaa qof waliba jaarkiisa ha ka warhayo, oo afartan guri ha oggaado, waxa naga sii jeedda Nin taajir ah, waxa nagu soo jeedda Guri Ganjeel ah oo reer ladan dagan yihiin, waxa dhanka qorax u dhaca naga xigga Wasiir, dhanka qorax u soo baxana waxa naga xigga nin Siyaasi Mucaarid ah oo ladan, Waxay nagu dhaafaan baabuur cad cad oo muraayaddo madow, xiliyadda doorasho la galayo ayaa durbaan iyo noo coddeeya la nagu wareeriyaa, odeyga haddii uu is yidhaah meel tag wax walba waa waji iyo reer, waashmaan ayaan nooga dareen lakin yaa tol noo ah yaase noo cid ah, waxaanu nahay dad ilaahay u maqanyahay bilow ilaa iminka siddaas ayey noo tahay …….