Sheekh Maxamed Cali Geeddi: Laf-dhabarkii Diiwaanka SAMO-TALIS!

Markii u horreysay waxa aan magaciisa maqlay hilaad ku siman 1999 oo la dhisay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Baxrayn. “Yaa tolow iskuulkaa dhisay?” ayaan toyday aabbahay Marxuum Maxamuud Gahayr Warfaa, waxa iigu jawaabay “Nin la yidhaahdo Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ay waddamada Carabta isku xidhan yihiin”. Intaasi waxa uu aabbo ii raaciyay faahfaahin ku saabsan xagga haybta.

Sheekh Maxamed Cali Geeddi waxa uu aqoonta ganacsiga ku bartay waddanka Maraykanka, xilliyadii uu socday halganka SNM waxa uu ka mid ahaa bulshadii qurbe-joogga ee qaadhaanka ka ururin jirtay meelo ay ka mid yihiin Sucuudigu sida uu ii sheegay Xasan Maxamed Cismaan oo aanu

Baakistaan wada joognay 2008du. Goorahaasi waxa uu ahaa nin sameeya mashaariic iyo shaqo uu iskii u alkumo oo ay ka faa’iidaystaan dadku, sida iibinta gawaadhida lagu qaybiyo saxaafadda.

Sanadkii 1998kii ayuu aasaasay haayadda Geeska Afrika oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, waxa ay dhistay in ka badan boqol masjid oo ku yaalla Somaliland, dugsiyo, xarumo caafimaad iyo meelo kale. Sannadkii 2011ka waxa uu ii sheegay in ay gacanta ku hayaan in ka badan 21,000 arday (kow iyo labaatan kun). Haayaddani waxa ay gacanta ku haysaa dugsiyo u badan kuwa lagu barto Culuumta Diinta Islaamka oo ku kala yaalla Gobollada Somaliland. Waxa hoos yimaadda Dallada Waxbarashada ee Al-Manaar oo ay ka tirsan yihiin inta badan macaahidda Hargeysa sida Cismaan Binu Cafaan (Axmed-dhagax), Cumar Binu Khaddaab (Gacan-libaax), Baxrayn (Maxamuud Haybe), Imaaraadka (Gacan-libaax), Furqaan (26 June) iyo kuwo kale.

g

Markii kowaad waxa aanu xidhiidh la yeelannay sannadkii 2008da oo aan ka mid ahaa Urur-ardaydeed la yidhaahdo Guryosamo Students Association oo u badnaa qurbe-joog dibadda wax ku barta, waa markii aan ka soo noqday Dalka Baakistaan oo aan u tegay waxbarasho dhinaca Culuumta Caafimaadka ah (Medical Science) oo aan ii suurtogelin. Inkasta oo aanu rabnay in aanu la yeelanno kulan iyo guddoonsiinta abaal-marin aanu u diyaarinnay, hawshii aanu wadnay waxa baajiyay safar ay dib laabteen guddoonkii ururku.

Markii kowaad waxa aanu kulannay badhtamihii 2010ka oo aanu la gorfaynnay arrimo ay ka mid yihiin in uu erey ka yidhaahdo Diiwaanka Quraanka iyo Sayniska oo aan qoray, in aanu caawinno ardayda macaahidda ee wax ku barta luqadda Carabiga, maadaama oo aanay qaar badani helin waxbarasho oo ay galaan Jaamacadaha dalka oo Ingiriisi ku baxa iyo shahaado-sharaf ay u diyaariyeen Ururka ERA (Education and Research Academy).

Waxa aanan marnaba illaawi karin doorkii uu isku-xidhka hawsha ka qaadan jiray Engineer Xamse Faarax Geeddi oo ay Ilmaadeer ruma yihiin, ka mid ah ardayda wax ku baratay dalka Yemen oo dhigtay Civil Engineering. Markaasi waxa uu Engineer Xamse ka shaqayn jiray Shirkaddii Dhismaha ee Amaano oo la midowday Kaah, maantana waxa la yidhaahdaa AmmaanaKaah, waxaana saami ku leh Sheekh Maxamed Cali Geeddi iyo Ganacsade Cismaan Kaahin.

“Waxa aan idinkula dardaarmayaa in aad ka fogaataan qabyaaladda, ummadda cidda isku dan ah ayaa is ah. Dhallinyarada Somaliland waxa loo baahan yahay in ay midoobaan oo ay ka shaqeeyaan horumarka ummadda. Sida aad maanta u tihiin Akadami bilaw ah ayaan u bilaabay haayaddan Geeska Afrika sannadkii 1998kii. Maanta waxa aanu dhisnay in ka badan boqol masaajid, waxa aanu gacanta ku haynaa in ka badan 21,000 arday. Waan farxaa marka aan arko arday wax ku baratay dugsi aan bilaabay oo maraya heer qalin-jebineed, wax lagu tabco dadka ayaa u wanaagsan”

Waxyaabaha kale ee ay haayaddani ka shaqayso waxa ka mid ah

Lacag loo qaybiyo dadka agoonta ah ee Somaliland

Biyo gurmad ah oo la gaadhsiiyo deegaannada ay abaaruhu halakeeyaan

Hirgelinta goobaha caafimaadka ee bulshada

Waxbarasho dibadda ah oo loo raadiyo ardayda ku guulaysata kaalmaha sare

Tabaruc la xidhiidha dhinaca waddooyinka

Isaga oo aan ogeyn in aan gacanta ku hayo qoraalka Sooyaalka Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf iyo taariikhaha uu goob-joogga u ahaa, wax aan hawsha xawaare kala geddisan ku wado, bishii kowaad ee sanadka 2011-ka ayaanu Sheekh Maxamed Cali Geeddi ka wada hadalnay muhiimadda qoraalka taariikhda, gaar ahaan ta Xaaji Cabdi-Waraabe oo uu weliba doonayay cid hawshan wakhti u heli karta laguna garab-istaago, waxaan uga warramay inaan ku gudo-jiray qorista sooyaalka Xaajiga muddaba iyo caqabadaha iga hortaagan in aan dhammeeyo, sida shaqada aan hayo.

Alle ha ka abaal-mariyee waxa uu Sheekhu yidhi “Shaqada ka fasax qaado, taariikhdaasna dhammee waanu ku taageeraynaa’e”. Hadalkaas waxa aan ka helay tamar aan la qiyaasi karin muggeeda. Sidii ayaan shaqada kaga fasax qaatay oo aan buuggan SAMO-TALIS ku gunaanaday, weliba fasaxa waxa kale oo aan uga faa’iidaystay in aan qabyo-tiro Waxbarashada Shahaadada Kowaad ee First Degree oo iiga socotay Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan Kulliyadda Maamulka iyo Xisaabaadka oo aan dhammaystiray 27/Sep/2011.

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

Hargeysa