Sheekh Aaden Siiro Oo U Mahad Celiyey Maayarka Hargeysa

(SLT-Dubai) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), oo xaalad caafimaad ugu safray dalka Dibaddiisa, ayaa u Mahad Celiyey Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo uu sheegay inuu door weyn ka qaatey tallaabadii koowaad ee hawshiisa caafimaad.

Maayarka Hargeysa, ayaa culays badan saaray isla-markaana ka shaqeeyay sidii hawlaha caafimaad ee uu Sheekhu u baxay si habsami ah ugu socon lahaayeen, taasi oo uu Sheekh Aaden Siiro ku farxay, aadna uga mahad celiyey.

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, oo la soo xidhiidhay saxaafada, isaga oo ku sugan Magaalada Dubai, ayaa sheegay in qof aan dadka u mahad celin aanu ILAAHAY u Mahad celin, sidaa daraadeedna uu Maayarka Hargeysa ku ammaanayo doorka fiican ee uu ka qaatey hawsha caafimaad ee ugu baxay dalka dibaddiisa “Qofka aan Dadka U Mahad-naqin, ILAAHAY-na uma mahad-naqo’e, waxaan mahad celinayaa Maayarka Hargeysa oo hawl weyn ka qabtay tallaabadii koowaad ee Caafimaadkayga” ayuu yidhi, Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, oo intaasi ku daray in Maayar Soltelko uu dhabarka u ritay isla-markaana ka furtay hawl culus.

Sheekh Aaden Iyo Maayarka

Sheekh Aaden Siiro, oo la waydiiyey sida xaaladdiisa caafimaad wakhtigan tahay ayaa sheegay “ILAAHAY Mahaddii caafimaadkeygu waa boqolkiiba boqol, laakiin Dubai waan ka baxayaa oo waan dhaafayaa” ayuu yidhi Sheekhu.

Somalilandtoday.com/Hargeysa Office

Contact@Somalilandtoday.com