SLT SPORTS: Shaxda Rasmiga Ah Kulanka Ee Real Madrid VS Barcelona Oo Daqiiqado Inaga Xigaan.

(SLT-Madrid)-Sida la filayay Isco ayaa buuxinaya booska uu dhaawac ahaan kaga maqan yahay Gareth Bale, iyadoo James Rodriguez uu ku soo bilowday khadka dhexe isagoo ka garab ciyaaraya Modric iyo Toni Kroos.

Ramos ayaa wadnaha daafaca ka garab ciyaaraya Pepe halka Carvajal uu ku soo laabtay daafaca midig isagoo bedelay Arbeloa oo ciyaaray kulankii Liverpool.

Dhanka Barcelona waxaa kulankiisii ugu horeysay ee tartan rasmi ah ciyaaraya Luis Suarez kaasoo ku soo bilowday kulankaan waxaana uu ka garab ciyaarayaa Messi iyo Neymar.

 

78407887_elclasico

Halka Xavi, Busquets iyo Iniesta ay khadka dhexe uga ciyaarayaan Barca.

Real Madrid: Casillas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; James, Modric, Kroos, Isco; Ronaldo, Benzema

Barcelona: Bravo; Alves, Mascherano, Pique, Mathieu; Busquets, Iniesta, Xavi; Suarez, Messi, Neymar

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com