Shaxda Ay Iskala Hor Imanan Doonaan Tababarayaasha Talyaaniga Iyo Ingiriisku

(SLT-Roma) – Xulka qaranka Talyaaniga ayaa soo dhawaynaya kooxda xulka qaranka England ee ay sida wayn u xifiltamaan. Inkasta oo aanu kulankani ahayn mid tartan ah, haddana kulamada dhex maray xulalka qaramada Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaan la lagu sheegi karin mid saaxiibtinimo, waxaana labada wadan ka dhexaysa cadaawad iyo xifiltan dhinaca kubbda cagta ah.

Kadib markii ay koobkii aduunka ee Brazil lagu qabtay si xun uga soo hadheen ayuu xulka saddexda libaax muujiyay qaab ciyaareed layaableh, laakiin England ayaa laba kulan oo kaliya ka guulaysatay Italy 12 kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay iska horyimaadaan.England ayaana caawa doonaysa inay qaab ciyaareedkeeda ugu faa’iidaysato oo ay guul ka gaadho xulka qaranka Talyaaniga.

323

Harry Kane ayaa kulankiisii kowaad weerarka England kala ciyaari doona Theo Walcott iyada oo wayne Rooney uu khadka dhexe ka ciyaari doono.

Italy:Buffon; Ranocchia, Bonucci, Chiellini; Florenzi, Parolo, Valdifiori, Soriano, Darmian; Pelle, Eder

England:Hart, Clyne, Smalling, Jagielka, Gibbs, Jones, Henderson, Delph, Rooney, Walcott, Kane.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office