Sharaabka casiirka Ahi Waxa Uu Sababi Karaa Xanuunka Dhiigkarka(Cilmi-baadhis).

(SLT-Hargaysa)-Dadka sida joogtada ah u caba sharaabka casiirka ah ayaa aad halis ugu sugan in ay qaadaan xanuunka dhiig karka ama uu aad u kordho cadaadiska dhiiga ee jidhkooda.

Koob sharaabka casiirka midhaha laga tuujiyo ah oo qofku uu cabo ayaa lagu sheegay diraasad dhawaan la soo saaray in ay sababi karto korodh weyn oo ku yimaada cadaadiska dhiiga ee qofka , taas oo sidoo kale sababi karta wadna xanuun ama angina – sida ay sheegeen Saynisyahano ka tirsan Jaamacada Swinburne ee Teknoolojiyada oo ku taala Hawthorne,Australia ayaa cadaadiska dhiiga mara aorta waxaa laga qiyaasaa aorta,kaas oo ah halbawlaha ugu weyn ee wadnuhu uu ku soo daayo dhiiga ay weheliso oxygenta si dhamaan qaybaha kale ee jidhka uu u gaadho.

index

Sharaabka juuska ee midhaha laga tuujiyo waxaa si weyn loo aaminsanyahay in uu kor uu qaado buurnida xadkeeda dhaafta ee dadka ku dhacda iyo sidoo kale xanuunka macaanka , maadaama ugu yaraan sharaabka 250ml ee la cabo uu ka koobanyahay 115 calories ah taas u dhiganta 7 malqacadood oo buuxa oo sonkor ah. Daasada sharaabka koolaha waxaa ku jira 139 calories ah.

Sidoo kale sharaabka ay sonkortu aadka ugu badantahay waxa kale oo uu keenaa in uu jeermis galo ilkaha caruurta , iyada oo midkasta oo ka mid ah 8dii caruur ah uu la ildaranyahay dhibaato dhinaca ilkaha ah marka ay yihiin da’aada 3 jirka, iyada oo meelaha qaar ay tiradu intaa aad uga badantahay.

Khubarada ku takhasustay xanuunada ilkaha ku dhaca ayaa sheegeysa in dhibaatada inta badan ay sababaan waalidiinta oo caruurtooda siiya sharaabka ay aadka ugu badantahay sonkortu sida sharaabada laga sameeyo liinta iyo canbaha ee quraaradaha ku jira.

Khubaradu waxay ku talisay in qoysasku ay caruurtooda siiyaan caanaha iyo biyaha oo keliya inta ay aadka u yaryihiin, iyada oo sidoo kale hay’ada caafimaadka ee dunidu ay ku talisay in qofku aaney wanaagsaneyn in in ka badan 6 malqacadood oo sonkor ah uu maalintii qaato.

 Xigasho: WArgayska Somalilandtoday

Maxamed Aadan