Shan Dhallinyaro Rag Ah Oo Faro-xumeeyay Gabadh Yar Oo 14 Jir Ah, Siday U Shirqooleen Oo Laga Warramay Iyo Xaaladdeeda Caafimaad

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Ammaanka ee Gobolka Mudug ee Dalka Soomaaliya, ayaa Gacanta ku dhigay Shan Dhallinyaro ah oo si wadar ah kufsi ugu geystay Gabadh yar oo 14 jir ah.

s

Dhallinyaradan oo dhammaantood la xidh-xidhay, ayaa Gabadhan oo yar Da’deedu tahay 14 jir si khiyaamo ah uga soo kaxeeyay deegaan ku dhow Degmada Dagaare oo ka mid ah Gobolka Mudug ee Soomaaliya, waxayna geysteen Guri Cidlo ah oo ku yaalla Degmada Dagaare, halkaasi oo ay ku kufsadeen.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maamulka Gal-mudug ee Soomaaliya Xasan Cilmi, ayaa sheegay in Gabadhan yar oo aanu Magaceeda sheegin ay shanta Dhallinyarada ah ee kufsaday ay khiyaameeyeen isla-markaana gaadhi kaga soo qaadeen halkii Qoyskoodu deganaa, markaasi ka dibna ay geeyeen Guri Cidlo ah, toorreyna kaga dhufteen Xubinta Tartanka oo ay soo gaadhsiiyeen dhaawac culus.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in Gabadha yar oo lagu daweynayo Cisbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacayo, gaar ahaan dhinaca uu Maamulka Gal-mudug xukunto ay Xaaladdeedu culus tahay, waxaanu yidhi “14-kii bishan Abriil, ayaa Niman dhallinyaro ahi waxay Gabadh yar oo 14 jir ah ugu sheekeeyeen inay meel nolol dhaanta (Halkii ay ku noolayd oo ahayd Tuulooyinka Dagaari (hoos yimaadda) ay geynayaan, Gaadhi bay ku soo qaadeen. Magaalada markay geeyeen waxay geeyeen Guri Cidlo ah, waxayna ku sameeyeen Kufsi aad u xun.”

Xeer-ilaaliyuhu wuxuu sheegay in Ragga Dhallinyarada ahi ay Gabadha yar Toorrey kala dhaceen Xubinta Taranka, “Gabdhaha Soomaaliyeed markay yaryar yihiin ee la gudo, Fircooni ayaa lagu sameeyaa, markaa markay waxba ka waayeen ayay laba jeer ku dhufteen Toorrey, waxaana soo gaadhay Dhaawacyo culus, markaa Cisbitaalka ayay taallaa (Gaalkacayo ku yaalla). Wiilashii falkaa ku eedaysnaa waxay ahaayeen Shan, Shantiiba waanu soo qabanay, waana xukun sugayaal. Gabadha waxa dhaqdhaqaaq ugu horeysay Xalay Fiidkii (Habeen hore), waxaanuna ku jirnaa baxnaaninteeda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Gabadha uu dhalay Nin ka mid ahaan jiray Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya, “Gabadha waxa dhalay Nin ka mid ahaa Askartii Soomaaliya, waxaanu qoysku deganaa Agagaarka Dagaari, dabadeedna dhallinyaradani waxay ku yidhaahdeen Gabadha yar oo ay ku soo kaxeeyeen waanu ku guursanaynaa, laakiin way shirqooleen oo iyagoo Shan Nin ah ayay Guri Cidlo ah geeyeen, wayna kufsadeen, baadhitaankiina weli wuu socdaa, dhallinyaradana Maxkamad ayaa la saarayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo sharraxaya Da’da Dhallinyarada Kufsi-wadareedka lagula kacay Gabadha yar, “Dhallinyaradu waa laba Min Labaatan jir ah, laba da’doodu tahay 19 Jir iyo mid 17 jir ah.”

Maaha markii koowaad ee kufsi ka dhaco deegaannada Gal-mudug, laakiin sidan oo kale ayaa Saddex dhallinyaro ah degmada Gol-dogob ugu  kufsadeen Gabadh yar,.

Saddexda Dhallinyarada ah, ayaa wakhtigaa Internet-ka soo geliyey Muuqaallo ah ka duubeen Gabadha yar oo aan Astureyn isla-markaana ka baryaysa inay iska fasaxaan.

Kufsiga Saddexda dhallinyarada ahi ka geysteen Gal-dogob, ayaa waxa ka dambeeyay kufsi kale oo Nin Askari ahi kula kacay Gabadh yar oo Lix jir ah.

Ninka Askariga ah iyo Gabadha yar ee la sheegay inuu kufsaday ayaa Booliisku Gaalkacayo ugu soo bandhigeen Warbaahinta.

Labada kufsi ee hore oo Maxkamadi Go’aamo ka soo saartay, ayaa waxa kas oo wareegay Muddo  Bilood ah.

Somaliladtoday/Hargeysa/Office