“Shalay Way Dhimatey, Berrina ILAAHAY-baa Og, Ee Maanta Ku Noolow Cibaado, Farxad Iyo Rejo” Wasiirka Madaxtooyada S/land

(SLT-Hargeysa) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka mahad-celiyey shahaado sharaf ay ku maamuuseen ardayda Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan ardaydii dhamaysatay culuumta dhaqaalaha.

Ardayda ayaa Wasiirka u hibeeyay shahaado sharaftan isaga oo ku maqan dalka Ingiriiska oo uu ilaa hadda ku sugan yihiin, hasa-yeeshee qoraal kooban oo uu caawa baahiyey ayuu ka dareen celiyey shahaado sharaftaa lagu maamusay.

984209_1660956677463391_9085679726724845142_n

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Abaalmarintan Waxay Iigu Hibeeyeen In Aan Marxaladii Kala Guurka Noloshooda Duco   Iyo Dardaaran-ba Wadaagnay.

Waan uga Mahadcelinayaa Ardayda Jaamacadda Hargeysa Sida ay Milgahan iigu Maamuseen. 10/10/2014.. Munaasbad qiimo badan oo ay soo agaasimeen Ardayda Jaamacadda Hargeysa qaybtooda Culuumta Dhaqaalaha ayaa qabsoontay

Ujeeddada Munaasibaddan ayaa ahayd sidii ay ugu diyaar garoobi lahayeen mustaqabalka cusub ee ay bilaabi doonaan sidoo kalena abaalmarino u guddoonsiiyaan cid walba oo Gacan iyo Garab noloshooda ku lahayd

Waan ka cudur daaranayaa in aan hawlo shaqo oo dalka dibediisa ah kaga soo maqnaa in aan farxaddooda la qaybsado balse niyada ayaan ka wada joognay. Waxay abaalmarintan iigu hibeeyeen inaan Marxaladdii kala guurka noloshooda duco iyo dardaaran-ba wadaagnay.

Aniga ayey farxad ii tahay in aan la dareen iyo farxad qaybsado boqollaal aqoonyahan oo dalkan beri wax weyn ka noqon doona Insha Allahu

Tani waxay albaab u furi doontaa in cid walba agtiina ka muuqato maalmaha farxadiina maadaama aad qiimayn doontaan cid walba oo agtiina abaal dhigatay.

Award

Ogow shalay way dhamaatay, berina Alle ayaa og, waxaad keliya haystaa maanta ee maalin walba ku noolow Cibaado, Farxad, Rejo iyo hadaf.

Wa Bilaahi Tawfiiq.