Shacbiga Magaalada Balicalanle Oo Baacsaday Xildhibaan Bidhi Oo Olole KULMIYE Ah Ugu Tagay.

(SLT-Burco) Shacbiga magaalada Balicalanle oo ka tirsan degaanada Gobolka Togdheer ayaa baacsaday Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha Degaanka Burco.

Xildhibaankan ayaa olole u tagay magaladaas isagoo sida calamo Xisbiga KULMIYE leeyahay, Markii uu gaadhay gudaha magaalada Balicalanle ayuu kala kulmay wax aanu filayn kadib markay shacbiga ku dhaqan magaaladaasi eryadeen Mr. Bidhi.

Siday ugu warameen dad goob joog u aha dhacdadaas oo la soo xidhiidhay shabakada wararka ee Somalilandtoday, dadweyne gadoodsan ayaa baacsaday Xildhibaan Bidhi, isagoo naflacaarigii ula cararay dhinaca magaalada Coodanle.

Dadwaynahan gadoodsan ayaa ka xanaaqay ololaha Xildhibaanka oo mashruuc ku soo qaatay dadweynaha Magaalada Balicalanle oo aha Kuwii suurto galiyay inuu kamid noqdo Golaha degaanka Burco, balse aanu dib ugu noqon, sidoo kale waxay wararku sheegayaan in dadku ka cadhoodeen siyaasadda dabaysha ah ee Xildhibaanku u soo waarido magaaladaas isagoo maalmo ka hor u sheegaayay in aanay dooranin Muuse Biixi, halka uu hadana u soo waariday Muuse Biixi Murashaxa KULMIYE ee uu shalay caayaayay..

Somalilandtoday/Burco/Office