“Shacabka Somaliland Ayaan Waydiinaya Halka Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Doorashada Ku Habsamiyeen, Maha In Layska Hadlo”. Muuse Biixi Cabdi

(SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland, haya ee KULMIYE Muj: Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga jawaabay hadalo soo noq-noqday oo Xisbiyada Mucaaridku ku sheegeen in Xukuumaddu doorashada habsaaminayso, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku gar naqsaday talabooyinka asaasiga u aha in doorasho dalka ka qabsoonto ee Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE diyaariyeen, isagoo tusaale u soo qaatay inay Misaaniyada Qaranka ku dareen lacagtii doorashada lagu galaayay, sidoo kale lasoo magacaabay Koomiishankii qaban laha, iyadoo  Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE, ogoladeen qodobadii Xisbiyada Mucaaridku ka cawdeen ee laga heshiiyay  xeerki Diwaan galinta. Garnaqsigii Guddoomiyaha KULMIYE iyo ka warbixinriisi safarkii saddexda Guddoomiye Hoos Ka Daawo.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.