shacabka reer soomaaland guud ahaan haboonaan lahayddaa inagoo hadba cida aan hogaaminteena u doorano inaan taageerno oo dala u deynaa kana deyna dacal ka haysiga iyo muranka joogtada ah.

Illaahay baa mahad dhamaanteed u sugnaatay , mudanaantuna waa mid keligii u ahaatay adoomehiisa uu ku uumay aduunkana waxaa waajib ku ah inay isaga u sujuudaan kana mahad celiyaan waxkasta oo uu isagu u garto.

sidaasina waxay marqaati u tahay iimaanka wanaagsan ee aaminsan ilaahiisa abuurtay, taas oo ku garan siinaysa wax kasta oo aad doonaysaa inay ka horayso waxa ilaahay kuu qadero inaad ku xamdi naqdo adigoo barbar dhigaya kuna kalsoon xukunka eebbe.

Intaa haddii aan ka gudbo gaar ahaan shacabka soomaaliland waxaan aamin san ahay inuu ilaahay inoo nimceeyey laakiin aanaynu sida uu inoogu nimceeyey ahayn kuwo uga jawaaba ee aynu had iyo jeeraale markaad dhegeysato shacabka qaarkiis sida ay u hadlayaan taas oo ka fog sida ilaahay Inoogu nimceeyey iyo garab marid waajibkii inaga aadana cimcadaas ka jawaabkeedi waana nasiib daro haysa bulshada reer soomaaliland qaar badan oo ka mid ah inkastoo ay jiraan markaad eegto qaar badan oo dhigooda kale ah oo siday tahay ugu hamdi naqa nim cadan eebe inasiiyey waana muhiim iyo alla ku dhowaansh markaad dariiqaa wanaagsan qaado waxna waad qabsan kartaa illaahayna awoodiisii badnay buu kuugu barakeeyaa dabadeed nimcadaas bad kala gurataa. illaahayse hayna wada garansiiyo. aaaamiiin.

haddii aan intaa hordhaca ah ku dhaafo bartaa iyada ah.

waxaan hoos u sii taaban lahaa waxaa jirta ilaa 70,000 oo jaamacadaha inooga soo baxay waana aqoon balaadhan oo inagu soo biirtay maansha allaah waa mid loo baahan yahay waanan soo dhoweynayaa.

Aqoontu maa mida keliya ee laga boxo nadaam xumada, faqriga,qabyaalada,aqoondarada,musuqmaasuqa,gobolaysiga, kala qoqobnaanta, iyo dhamaan wixii dibsocod ah oo dhan ama madmadoow ah.taas oo lagu gaadho wanaag balaadhan,horumarka,shaqa abuurka, iwm.
Hadaba miyaanay haboonayn inaan is weydiino teenu meeshay kasii deynayso ama ka daloosho iyadoon lagu meeraysan ama lagu gaban kelmed ber yahay danbe dhalinyada ku badan oo o dhanaysa shaqaan jirin iwm.

Dhanka kale haddii aan run u taabto waxaan u malaynayaa ama ay aniga ila tahay maanta madaxweynaha dalka xukuma nin uga lexejeclo badan oo kursigan ku fadhiiisanayaa inaanu jirin markaan si fiiro gaar ah uga ilbogto waaweeynka ama big vigers ka maanta jooga ee aynu hore u niqiin
kuma darin mid ku dhex jira dhalinyarada cusub, sidaa awgeed keliya waxaa meesha ka baxday sidaan filayo doorashadii la doortay oo aan sideedii loogu doortay loodeyn dabada lala qabsaday sidaa ay tahayna umuu joojin kuwii dhaliilayee taargidkiisii uu lahaa buu haystaa taasina waxay kuucadaynaysaa inuu yahay mid wadaninimadu si weyn ugu dheehan tahay.

waxaan keliaya oo odhan lahaa laba qodob oo maan anigu u arko inay muhiim u yihiin jiritaanka qarankan iyo huru markeenaba.
1- dhalinyaradu inay ka fogaadaan waxa layidhaahdo qabyaalada iwm una jeestaan siday shaqa abuur u samayn lahaayeen iyagoo iyagu iskaashanaya oo aan cid kale ku tashanayn garabna siiyaan hogaaminta dalka ka iminka jooga iyo mid kaleba .

2-dawladu waa inay wacyi gelin balaadhan u furtaa bulshada sidii loo yarayn lahaa waxa layidhaahdo qabyaalada iwm dedaalka ay wadona waa inay sii labanlabtaa.

Gudoomiyaha xusbiga kulmiye ee dalka holland
mr xasancade