“Shacabka Waxan U Soo Jeedinaya Inay Xukuumadda Kala Shaqeeyan Diwaan Galinta Madaniga Ah”. Wasiirka Duulista

(SLT-Hargeysa) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu baaqey inay is diwaangeliyaan, maadaama oo ay diwaangelintu horsedayso doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu Wasiirku soo dhigay ku leeyahay shabakadda bulshada ee Facebook-ga, qoraalkaas oo dhammaystiran ayaa u dhigna.

 “Shacabka reer Somaliand waxaan ku dhiirigalinayaa inay ka qayb qaataan diiwaangalinta madaniga ah, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa dhalinyaradu inay is diiwaangaliyaan.

Wasiirka Duulista JSL

Diwaangalintu waa teennii, inagaa samaysanayna, waana waxqabad weyn inaynu inagu wax samaysannaa oo beesha caalamka iyo wadamada derisku ay arkaan inaynu inagu is diiwaangalinayno, oo aynu inagu kharashkeena la baxayno, waxaynu in badan aragnay inagoo cid baryeyna, waxaan leeyahay arrintaas ka Xukuumad ahaan nagala shaqeeya, dadkana aynu wacyi galino, Doorashooyin xor iyo Xalaal ah Diiwaangalinahaas ayaan muftaax ah”

ALAA MAHAD LEH.

GUUL SOMALILAND. GUUL SOMALILAND.