Shabakadda Caalamiga Ah Ee Daroogada Oo Isticmaalay Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Si ay Ula Socdaan Dhaq-dhaqaaqa Booliska.

(SLT-Austaralia)-Shabakad daroogada ka ganacsata oo caalami ah ayaa adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu suuragasho in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa booliiska.
Waxay diyaaradahaas adeegsadeen mar ay ka dhicisawday isku day ay Australia ku galin rabeen 78 xidhmo oo daroogada cocaine-ta ah, sida ay xukuumaddu sheegtay.

Daroogadan oo suuqyada madaw ka joogta 23 milyan oo doolarka Maraykan ah ayaa la qabtay iyada oo saaran markab ku xidhay magaalada Melbourne kaas oo ku yimid Panama, sida uu booliisku sheegay.
Taliyaha booliiska Faderaalka ah ee Australia John Beveridge ayaa sheegay in ay sii casriyoobayaan hawlgallada lagu eedeeyay tuugada.
“Diyaarado cirka heehaabaya ayay adeegsadeen si marka ay kulmayaan ay isaga ilaaliyaan booliiska,” ayuu yiri Jimcahan.
Wuxuu ammaanay dadaallada ay baadheyaashu kaga baaqsadeen in hawada lagala socdo.