Sarkaal Ka Tirsan Dambi Baahista Kenya Oo La Dilay

(SLT-Libooy)-Sarkaal ka tirsanaa Laanta Dembi Baadhista ee Booliska Kenya ayaa xalay lagu diley Liboi oo ka tirsan degaanka Gaarisa.

Taliyaha Dembi Baadhista ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Musa Yego ayaa sheegey in dabley aan haybtooda la garaneyn ay Mohamed Siraj Adan Yarow toogteen xilli uu ka soo baxayey masjid ku yaalla Liboi oo ku taalla xadka Kenya iyo Somalia.

 

43ACCC14-38CB-43A7-8952-9219FF81CBD2_w640_r1_s

Lama garanayo sababta loo dilay masuulkan waxaase loo malaynayaa inay dilkaasi ku lug leyihiin kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com