Samirku waa wada horumarka iyo hiigsiga wadooyin dhaadheer : W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Samirku wuxuu ka mid yahay wadooyinka lagu gaadho guul kasta oo la hiigsanayo……………………….

Marka hore ILAAHAY BAA MAHAD LEH isagoo inoo suuro galiyay in aynu soo gudbino wixii aqoonteena  iyo aragtideena ah intaa ka dib waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha

download (6)

Samirku wuxuu ka mid yahay wadooyinka lagu gaadho guul kasta oo la hiigsanayo, waxqabadkasta oo la doonayo , samirku wuxuu ka mid yahay aasaaska guusha oo aan samir la,aantii meelna la gaadhayn.

Bulshada sideedaba waxay jeceshay inay helaan guul aan dhib lahayn , sida aynu wada ognahayna guushaadu waa mid ku xidhan samirkaaga,waxqabadkaaga,iyo kalsoonidaada.

Waxa tusaale inoogu  filan waxaad ahayd arday in badan waxad xooga saartay inaad dhamaysatid waxbarasho ilaa heer jaamacadeed ah waanad dhamaysay marka hore waxaad gaadhay hiigsigaagii ka dibna waxad guran doontaa midhihii aad u samirtay ee aad beeratay,  inta badan  taasina waxay ku tusaysaa heerkaaga samir inta uu leeg yahay , waxaana run ah in qofba qofkuu ka samir badan yahay uu ka guul badan yahay .

 tusaale ku saabsan kuwa aan samirka lahayn,

Waxaad ahayd arday waxaad ka soo bilawday dugsi hoose waxaad sugi kari wayday intii wax la dhiganayay waxaad samaysay inaad is boodsiisid oo aad aadid fasal  sare oo aanad aqoontiisa lahayba  ka dibna waad aaday waxaad dhigatay xoogaa ka dibna waad ka baxday iskuulkiiba adoo sabab ka dhiganaya wuu adkaaday iyo macalimiin ma joogto, hadana  xoogaa ka dibna adoon dhamaysan ayaad gashay jaamacadaha dalka mid ka mida oo aad  foojari ku gashay dabadeedna waxaad ku dawakhday wixii aad qaadan lahayd ileen ma tihid qof dhisane oo soo maray form four dabadeedna markaad xoogaa jaamacdii ku jirtayna waad ka carartay oo waad kaba baxdayba hadaad dib u xisaabisid wakhti intee leeg ayaa kaa lumay hadaad dib u xisaabisid dhaqaale intee leeg ayaa kaa lumay adoon gaadhin halkii aad hiigsanaysay markasta oo aad aragtid arday qalinjabinaya farta ayaad dhexda ka qaniintaa  , hadaba muhiimada aynu ka faaideyno maqaalkan waxa weeye in la yeesho samirka  badan in la yeesho kalsooni iyo waxqabad muuqda oo aan lahayn hagrasho.

Samir hadaanad lahayn waxba kuu hagaagi maayaan oo hawlkasta oo la idhaa qabta waxay qaadataa wakhti hadaanad wakhtiga ay ku dhamaanayso sugi Karin ha sugin guul, maxaa yeelay guushu waxay timaada marka in badan la kufo oo la kaco oo hadana la kufo ,hadana la kaco ilaa intaad ka gaadhaysid intaad soo taabanaysid adoo kaashanaya ALLAH inuu kuu fudaydiyo.

Runtii cidkasta oo haysa hawl gaara shaqo gaara waxa muhiima in waxkasta loo samro  inkasta oo ay hawlkastaa qaadato wakhti  waayo maanta dunidan aynu ku nool nahay waxaad arkaysaa cilmi baadhayaal waday cilmi baadhis mudo dhan 10 sano iyo wax ka badanba dabadeedna helay xal iyo xaqiiq waaqica.

In waxbarashada la dhamaysto waxa kaw ka ah samirka oo la badiyo dadaalka iyo kalsoonida oo la baro.

In ganacsi la abuuro lana helo dakhli waxa kaw ka ah samirka

In la arko isbadal siyaadeed waxa kaw ka ah samirka  Oo madaxweyne  A.M.M  siilaanyo in ka badan sideed sano ayuu wadada iyo masraxa siyaasada  taagnaa maanta wakaa hogaanka dalka haysta.

Si kasta oo ay tahay Waxkasta oo aynu qabano haddii aynu siino wakhti ,dadaal iyo samir waxa aynu helaynaa natiijada saxda ah ee aynu doonaynay, hadaanay khaldanayn sida wax loo bilaabay marka hore.

Samirku wuxuu keenaa guul  guud iyo guul gaara oo maanta somaliland waxay u samraysaa oo ay gooni isku taagtay mudo dhan 23 sano inay hesho citiraaf caalamiyo oo haddii la siiwado samirka intaa leeg marka dambe waxa loo soo gali doonaa tartan ah anagaa aqoonsanayna  S/LAND iyo anagaa aqoonsanayna.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa   oo aan kula talinayaa dhamaan guud ahaan bulshada somaliland :–

In loo samro dalka

 in aan dalka laga tahriibin  oo loo samro arday iyo cidkastaba.

In arday kastaa oo jaamacad dhamaystay  ama ku jiraa uu u samro aqoontiisa iyo wadankiisa inta wax is badalayaan ama qofkastaa keeno is badal nololeed oo ka wanaagsan kan maanta .

In waxkasta oo la qabanayo loo samro loona qabto sida ugu saxsan.

F.G: samirkaagu wuxuu ku xidhan yahay guushaada .

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319

 Berbera

 Skype: Farxaan.mxd

 Social activist

 Post number: 125