“Saddexda Nin ee Tartamay Waa Inamadeenii, Waa Rageenii Waa Hogaamiyeyaal Laakiin Mid Ayuunbaa Soo Baxaya”

Dr Edna Aadan oo Talo U Soo Jeedisay Bulshada Somaliland iyo Murashixiinta Xisbiyada
Hargeysa (Somalilandtoday)-Dr Edna Adan Ismaaciil, wakiilka Somaliland u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Somalia ayaa ka hadashay doorashadii ka dhacday dalka Somaliland.
Edna Aadan oo warbaahinta kula hadashay xarunta guddida doorashooyinka ayaa ka war bixisay aragtida laga dheehan karo qaabkii ay doorashadu u dhacday, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Waa maalin aan aad ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo dadkii nasiibka u helay inay ka qayb galaan doorashooyinkan taariikhiga ah ee ka dhacay dalkayga somaliland, waxa farxad weyn ii ah inaan ka markhaati furo nidaamkii wanaagsanaa, nidaamkii quruxda badnaa, nidaamkii la arkayey inuu ku dheehnaa u diyaar garaw badan ee suura galiyey in doorashooyinku u dhacaan sidii quruxda badnayd ee inteena joogtay dalka somaliland ee codaynaysay, kuwii dalka joogay ee markhaatiyaasha ahaa iyo kuwii inaga daawanayey shaashahadaha dibadu ay dhamaantood iskugu marag fureen inay ahayd doorashadii ugu quruxda badnayd ee ugu nidaamka wanaagsanayd ee ugu nabad galyo badnayd ee abidkeed ka dhacda qaarada Afrika.”
Dr Edna Aadan ayaa fariin gaar ah u dirtay waalidiinta dhalay ubadka somaliland, waxaanay u soo jeedisay talo la xidhiidha amaanka “Waxaan maanta ku dardaarmayaa caruurta yaryar ee toban jirada ah ee koobyo toban jirada ah ee aan garanayn waxan inaga lumaya in waalid walba ilmihiisa haddii ay gabadh tahay iyo hadii uu wiil yahayba uu xakameeyo oo uu ka ilaaliyo inay dhagax meel ku tuuraan ama gaadhi ku tuuraan oo ay muraayada jabiyaan waayo waxa inaga lumaya wixii aynu u soo halganay, wixii mujaahidiintu u dhintay, kumanaankii qof ee xoraynta somaliland u dhintay ayey meel ka dhac ku noqonaysaa.”
Ugu dambayn Dr Edna Aadan ayaa sheegtay in murashaxiintu isku mid yihiin isla markaana ay muhiim tahay in la hambalyeeyo murashaxa guulaysta, waxaanay tidhi “Natiijada waxay noqonaysaa qaybtii ilaahay sameeyey, sadexda nin ee tartamayey may ahayn sadex meel kale ka yimid balse waxay ahaayeen sadex nin oo mudakar ah oo loogu codbixiyey doorasho xor iyo xalaal ah, mid aynu neceb nahay iyo mid aynu si gaar ah u jecelnahay ma jiro, waa inamadeenii, waa rageenii, waa hogaamiyeyaal, waa madaxdii somaliland u qalmaysay inay dalkan hogaamiyaan laakiin tartan walba mid ayuunbaa soo baxa, kii ilaahay soo saarana waynu u hambalyeynaynaa, labada kalana waxaynu ka codsanaynaa inay u hambalyeeyaan.”