Saddex aan isla jaan qaadayn (qabyaalad, qaad iyo siyaasad) Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

Qodob la ridey qudhaanjada gashaa, qoob dad wow halise
Hadduu geed qallalo roobku wow, qamac kaliileede
Dixriga qudhunku uma soo uro ee, waabu quudsadaaye
Qasaaraha dhexdana haaddaan, layska qabanaynnin
Qabaa’il iyo jeeroo la naco, qaadkan lagu waashay
Qasdi jeerey wada yeelatoo, qawlka ku heshiiso
Qabyo weeye Soomaalidaay, qiiradaadaniye.     (Qabyo)
| Cabdillaahi Suldaan Timacadde |
Dunida wax aan laga aqoon ayaa dalkeena laga yaqaan, dunida wax aan lagaga dhaqmin ayaa dalkeena lagaga dhaqmaa, dunida wax aan laga isticmaalin ayaa dalkeena laga isticmaalaa.
Waa arrin layaab leh! waa mid aynu ka dhaxalnay khasaare dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin tahriibta iyo tacab la’aantu taas oo ragaadisay dhallinyarada ku nool waddankeenna.

sadex
Dunidu ma inna la mid baa?
xaasha ha hawaysan taas.
oo waayo?
wax aad qabto ayayna kula qabin dunidu.
Oo waa maxay waxa aan qabo ee aanay dunidu ila qabin?
waa saddex mugdi oo aan mustaqbal lahayn.
oo saddexdaa mugdiga ahina?
waa saddex aynu ka qaadnay Goblan iyo Gaajo oo ina baday indho la’aan iyo daciif maskaxeed waana halka aynu maanta ka dhaqaaqi la’ nahay,.
saddexdan ii sheeg waxba hay shareerine?
kuu sheegaye waa saddex loo yaqaan dan iyo duruuf waajib inagu noqotay oo keennii aqoonyahanka ahaa iyo kii madaxa inoo ahaa sanka laynagaga tolay, waa saddex saancaddaale oo laynoogu dawgalay kuwaas oo kala ah: Qabyaalad qudhmis ah oo dadkii madax iyo minjo u kala saartay, taas oo kala qoqobtay madaxdii iyo dadkii ay maamulayeen kii siyaasiga ahaana ka dhigtay qabiili iyo mid ku dhaqma eex iyo nin jeclaysi. Qaad oo cid kasta oo isticmaasha ka dhigay ma shaqayste quud yar oo ku nool shaxaad iyo halacsi jeeb qof kale kaas oo dhallinyar badan ka lumiyay hiigsigii iyo himiladii ay lahaayeen markii ay shaqo la’aan baahsani saamaysay waxa kale oo uu ku riday dhallinyaradii caajis iyo culays ay ka daalaan hawl kasta oo ay qaban lahaayeen.
Ta kale waa Siyaasad si qaldan loo fahmay oo lagu mashquulay saxsanaanteeda iyo qaldanaanteeda, taasi oo sababtay in wakhti badan lagu lumiyo waxa kale oo iyana ay dhalisay in siyaasigii wax bartay aanu ku hamiyin dad iyo dal uu maamulo, dad iyo dal uu wax ku taro isla markaasna hami iyo hiigsi ka dhigto.
In qabyaalad ay qalad tahay quusna laga joogo
ooy qarankii soomaaliyeed qarribtay oo liidday
oo qasaare mooyee waxkale lagaba qaadeynin
isla qiratay soomaalidu waana qaateene
| xagaleey |
saddex aan soconayn, saddex aan saaxiibayn, saddex aan si na ba isugu wanaagsanayn oo dib u dhac iyo nolol maddow inoo horseedaya. Kuwaas ayaa inoo ah hami iyo hiigsi waxa ayna ina dhaxalsiiyeen dhibaatooyin badan oo ay hagardaamo inaga soo gaadhay sida tahriibta iyo shaqo la’aanta. Iyaguna waxa ay noqdeen aafo aafo dhashay oo dhalin badani inagaga hoobatay badaha fog ee badhtamaha Afrika iyo Yurub siiba Talyaaniga iyo Liibiya kuwaas oo iyaguna sababay in ay galaaftaan waalid badan oo xanuun taxli la’aa ama ku ridday xanuun ayna lahayn, dhanka kale dhaqaalo la’aan jirtay oo baahsanayd dhalinyaraduna ka tahriibaysay oo ay waalidka ugu beddeleen caydhnimo iyo ceeb aan yarayn.
Waxyaabaha iyaguna inoogu lammaan dhibkan ayaa ah in siyaasiga iyo suuqlayda subaxa soo kacdaa ay xog wadaag noqdaan, taasi oo islaanta xabuubta suuqa ku iibisa iyo siyaasaga saxaafada hortaagan habeen iyo maalin walaalaysay oo ay warkii uu ka yidhi xalay ama saaka warbaahinta ku iibiso xabuubteeda. Waxa iyaguna la mida dhammaan ganacsatada, ardayda iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshada oo sidan si lamid ah ugu mashquulay dacaayadaha iyo hadallada ay siyaasiyiintu warbaahinta isu marinayso, taasi oo horusocodkii ay bulshadu lahayd ragaadinaysa natiijadeediina aynu aragno.
Hadaba bulshada aduunku ma leedahay bulsho sidan oo kale ugu mashquulsan hadallada siyaasi danayste ah iyo qabyaalad qudhun ah oo keenta kala qoqobsanaan iyo qaybsanaan bulsheed? ma laha. oo sabab ma? bulshada caalamku waxa ay leedahay mabda iyo midaysnaan dhanka muhindiska ah kaas oo u sababay in qof kastaaba uu ku mashquulo hawsha uu gacanta ku hayo sida midka injineerka ahi ugu mashquulsan yahay muhindisnimadiisa, dhakhtarkuna ugu mashquulsan yahay daawaynta dadkiisa, aqoonyahankuna ugu mashquulsan yahay soo saarista ubax u biqla ummadiisa anfacna ku soo kordhiya.
Waxyaabaha ummadaha innaga duway ayaa ay ugu wayn tahay saddexdan aynu kor ku xusnay, hadaba haddii uu aqoonyahanku dhallinyarada ku maaweeliyo wax aan shaqaynayn isla wakhtiganna aanay u baahnayn miyaanu ka mid ahayn sababaha tahriibta ama tacab la’aanta dhaliya?
Lasoco………………………………
Cabdicasiis Ibraahin Ciise { Daacad }
abdiasisdaacad@gmail.com
Hargeysa Somaliland

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..