Saami Qaybinta Muuse Biixi Somaliland Way Kala Diraysa.
Rerkaygu Xukunka Ha Hayo, Hadana Ha Badsado Oo Waliba Anigu Aan U Badiyo Bal Adba!
Shalay Siilaanyo waxaad kula yaabanayd inuu magacaabay Wiil uu Sodog u yahay oo inan ka qaba. Waxaad magacawday adigu adoo aan laba bilood joogin Inabtigaa eedada rumi dhashay, Mustafe Maxamuud Xaji Cabsiiye Xoghayaha Dawladda Hoose ee Gabilay. Labaduba waa muwadiniin lakiin adaa Shalay la yaabana ta Baashe Cawil .
Waxaad madaxtooyada ku xeertay dhammaan qoyskaaga oo kaliya .
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
Xoghayaha Madaxweyanaha
Madaxa Maaliyada
Darawalka Gaadhiga kuwada ilaa ka kaafura, kuwa kula taliya, Taliyayaasha ku ilaaliya. Adna waxaad ka qaylin jirtay Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Maxamuud Xaashi .
Labada bilood waxaan gaadhin waxaad magacawday oo beeshada siisay xilalkii ugu badnaa wixii aad soo saartay, waliba adigoo geeyay meel kasta oo dakhli ka soo bixi karo.
Habar Awal =
1- Wasiirka Arrimaha Dibada
2- wasiirka gaadiidka iyo waddoyinka
3- Wasiirka isgaadhsiinta
4- Wasiirka warfaafinta
5- wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha
6- Maareeyaha hay’adaha duulista
7- Agaasimaha Madaxtooyada
8- Hantidhawaraha Guud
9- Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka
10- Agaasimaha Guud ee wasaarada maalgashiga
11- Maareeyaha hay’ada WFO iyo kaydka qaranka iyo Hay’ada Ka hortaga aafooyinka dabiiciga
12-Badhasaabka Gobolka Saraar
13- Badhasaabka Gobolka Gabiley.
14-Badhasaabka Gobolka Salal.
Sidaana waxay beeshadu ku noqotay ta ugu magacaabista badan wixii waraaqo ka soo baxay ,adigoo uga buriyay dhammaan Beelihii kale ee Somaliland, waxay waliba hore u haysteen intaas in kabadan oo ay kamid yihiin .