Roobab Dabaylo Xoogan Wata Oo Khasaare Gaadhsiiyay Waddanka Britain.

(SLT-London)Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, ilaa shan kalena waxa gaadhay dhaawacyo kala duwan, kadib markii duufaan xooggan ku dhufatay dalka Ingiriiska shalay, iyadoo khasaaraha ugu xun ka dhacay magaalada xarunta ah ee London.

duufaanta-ingiriiska2

Sida lagu baahiyey saxaafadda Ingiriiska , duufaanta oo wadatay roob iyo dabaylo saacaddii ku socday xawaare aad u sarreeya, ayaa saamayn xun ku yeeshay magaalada London iyo degaanno kala duwan oo dalka Ingiriiska ka tirsan.

Illaa hadda waxa la xaqiijiyey dhimashada saddex qof oo siyaabo kala duwan ugu geeriyooday duufaankaas – haweenay ku dhimatay badhtahama magaalada London, kadib markii geed dusha kaga dhacay, nin uu dusha kaga fadhiistay baabuur uu ka shaqaynayey oo dabaysha duufaanku ku dul-ridday, iyo nin kale oo dhintay markii baabuur uu watay kala dhacay biriish – iyadoo la filayo in khasaaruhu intaas ka sii bato.

Waxa kaloo jira dad isugu jira carruur iyo waayeel oo ju dhaawacmay duufaanka ku dhuftay Ingiriiska oo watay roobka iyo dabaylo sababay khasaare kala duwan oo ka dhaca magaalooyinka ka tirsan Boqortooyada UK.

Duufaanka ayaa sidoo kale keenay in la xidho Madaarka Heathrow oo ah ka ugu weyn ee ku yaal magaalada London, lana baajiyo, dibna loo dhigo ilaa 110 duullimaad oo isticmaali lahaa shalay, taasoo saamayn ku yeelatay rakaab dhan 10 kun oo qof, kadib markii xaaladaha hawadu saamixi wayday in madaarku shaqeeyo.

Jidad waaweyn iyo waddooyin halbawle ah oo ku yaal London, ayaa iyaguna hakad galay, kuwaasoo ay ka dhaceen shilal gaadiid, isla markaana dabaylaha duufaanku ku jareen dhir ay soo rideen, iyadoo sidoo kale la xidhay qaybo ka mid ah jidadka tareennada ee magaalada London iyo kuwa kale ee isku xidha qaar ka mid ah magaalooyinka Ingiriiska.

Duufaanka watay roobka iyo dabaylaha xooggan, ayaa saamayn qalafsan ku yeeshay nolosha magaalada London iyo qaybo badan oo ka mid ah magaalooyinka Ingiriiska, iyadoo sidoo kale khasaare dhaqaale ka soo gaadhay dawladda UK.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.