Real Madrid Oo Caawa Cashar U Dhigtay Kooxdi Barcelona Iyo Xidigii Messi Oo Nuurigisa La Waayay.+Sawiro

(SLT-Madrid) Real Madrid ayaa awood aan la loodin karin ku jiidhay kooxda Barcelona oo ay ku marti gallisay garoonka Santiago Benabeu , kagana badisay 3 gool iyo hal gool, ciyaartii ugu horeysay xili ciyaareedkan ee El Clasico ah caawa fiidnimadii.

article-2807812-228E49F100000578-487_964x386.jpg

Kooxda Tababare Luis Enrique ayaa soo qadintay goolka madiga ah ee ay garoonka kala dareertay wacdaruhuna ka raaceen , kaas oo uu daqiiqadii 3 aad ee ciyaartaba shabaqa dhigay xidiga reer Brazil ee Neymar, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa goolkaas ku barbareeyey kubad rigoodhe ah oo loogu qabtay difaacyahan Pique gacan uu sida goolwadaha diilinta 18 aad isugu duubay kubada daqiiqadii 34 aad ee ciyaarta.

1414257336975_Image_galleryImage_Barcelona_s_Neymar_centre1414257382359_wps_35_Real_Madrid_s_Portuguese_1414257365913_Image_galleryImage_Real_Madrid_s_Portuguese_1414257433161_wps_41_Real_Madrid_s_Portuguese_1414257521928_Image_galleryImage_MADRID_SPAIN_OCTOBER_25_I1414257675582_wps_53_EFE_Spain_via_Press_Assoc1414258286273_wps_55_Real_Madrid_s_Cristiano_R1414258373915_Image_galleryImage_Real_Madrid_s_French_forw1414258470872_Image_galleryImage_MADRID_SPAIN_OCTOBER_25_C1414257675582_wps_53_EFE_Spain_via_Press_Assoc

Barcelona oo tabcaan dhaaf ahayd isla markaana si kasta looga gacan sareeyey , waxa u raacay koornihii uu Pepe shabaqa ku ruxay oo uu u xigay Kubaddii Kareem Bazema sida quruxda badan u dhamaystiray ee ciyaarta 3-1 ka lagu kala calaf qaaday gunaanad u noqotay.

Ciyaartii El Clasico ee sida weyn loo sugayay sanadkan waxay daaha ka fayday baylahda difaaca Barcelona  iyo awooda kooxda Real Madrid.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.