Ra’yulcaamku Garsoor Manoqon Karo, Inuu Markii Hore Cabdiraxmaan Talyanle Hanbalyeeyay Saxiibkiisi La Tartamayay Markhaati Uma Noqon Karto In Cadaaladi Dhacday

RA’YULCAAMKU GARSOOR MA NOQON KARO
________________________________________________

In qofku mansab doonaa inta aanay dan xisbi iyo mid qaran ama qabiil noqon ka hor, waa dan shakhsi. Haddii ay dhacdo in qofkaa mansab doonka ahaa gar eexo ku dhacdana, inta aanay noqon denbi shakhsi ama xisbi waa dembi laga galay qaranka iyo shuruucdiisa oo haddii la sixi waayo yeelata saamayn aan weligeed hadhin oo boog ku noqota dawladnimada. Waana sababta dawladda Maraykan iyada oo doorashadii lagu kala hagaagay oo murashaxii laga badiyey inta uu qancay suuqa galay, ‘haddana weli looga hadhi la’ yahay in la ogaado bal in uu qalad farogelin doorasho ahi dhacay’.

Cabashada xildhibaan Talyanle gar iyo gardarro labadaba way noqon kartaa, haddiiba ay run noqoto in qalad dhacayna mar kasta macnaheedu ma’ noqonayo in Guddoomiye Baashe ama xisbigiisu qaldan yihiin, waxa uu noqon karaa qalad farsamoyaqaannadu ku kaceen oo badheedh iyo kama’ ba ku iman kara. In markii hore uu qancay oo hambalyeeyey saaxiibkiisa la tartamayna marag uma noqon karto in caddaaladi dhacday.

Haddii ra’yulcaamka iyo waxa dadku aaminsan yihiin garsoor noqon lahaayeen waxyaabo badan oo diinta Islaamka iyo dawladnimada dunida ka jirtaba ah ayaa bar-kuma-taal noqon lahaa.

Aniga aragtidayda, qarannimada iyo sugidda cadaaladda ee mustaqbalka fog waxaa maanta u dan ah in cabashada Talyanle shuruucda dalka la waafajiyo oo haddii uu gar leeyahay sida wax loo sixi karo sharciga loo maro, haddii uu gardaran yahayna la baadho sababta ku kalliftay si haddii tallaabo loo baahdo looga qaado, oo ay noqoto dersi aan dabadii cidi ku dhiirran.

Waxa qoray. Kamaal A. Ali