Raysal-wasaaraha Soomaaliya Oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa

(SLT-Muqdisho) – Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa Isku-shaandhayn ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada, waxaanu isku beddelay qaar ka tirsan Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumaddiisa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa Warbaahinta dawladda ka akhriyay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Raysal-wasaaraha oo lagu kala beddelay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda, waxaana isku shaandheyntaasi ay tahay sidan hoos ku qoran:-

 1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

 2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir

 3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa

4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur

 5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/raxmaan Cabdi Cismaan

 6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow

Golaha Wasiirrada

7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad

 8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur.”