USA: Garoomada Dalka Maraykanka Oo Dadka Xoog Looga Badhaayo Xanuunka Ebola.

(SLT-Washington) – Inta Badan Garoomada ay kasoo degaan Diyaaradaha sida Rakaabka dalka Maraykanka soo gelaya, ayaa lagu soo rogay Qaanuun cusub oo dadka soo gelaya lagaga baadhayo cudurka xawaaraha sare ku socda ee Ebola.Baastoolad akhriyeysa Viruska Ebola ayaa qofka lagu eegayaa iyadoo la baadhayo in dadka Maraykanku ka badqabaan xanuunkaasi, oo aanay kusii faafin bulshada kale.

epola

Cabsi ayaa dad badan kasoo foodsaartay in ay u dhoofaan dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan dalalka Afrika iyadoo Ebola kusii fidayo caalamka dadka u geeriyoodayna lagu sheegay tiradoodu in ay gaadheyso 4000 oo qof.

Safaf dhaadheer ayaa ay gelayaan dhammaanba rakaabka soo gelay dalka Maraykanku, waxana la mamnuucay inuu dalka soo galo qof aan dhiigiisa laga baadhin xanuunkan dunida cabsida badan ka muujisay.

Somalilandtoday Hargeysa Office

Contact@somalilandtoday.com