Ciyaar Yahanka Raheem Sterling Oo Kooxda Liverpool U Saxeexay Heshiis Cusub Iskana Diiday Dalabkii Real Madrid

(SLT-Sports)-Real Madrid ayaa si dhow u daawan doonta Raheem Sterling todobaadkan, ka dibna waxa ay arki doonaan in rajadoodii xiddiga England ay daaqada ka baxday marka uu heshiis qandaraas waqti dheer ah u saxiixo Liverpool, sidaasi waxaa qortay jariirada Sunday Mirror.

Reds ayaa diyaar u aheyd inay da’ yarkan ku abaalmariso mushahar qaali ah madaama uu si heer sarre ah horumar u sameeyay, waxaana ay doonayeen inay ka saxiixaan heshiis cusub oo uu todobaadkii ku qaadanayo 100 kun ginni.

Liverpool-v-Everton-Premier-League

Sterling ayaa waxaa qandaraaskiisa haatan kaga hadhay seddex sanno laakiin qorshaha Anfield ayaa ah inay heshiis shan sanno ah ka saxiixaan, islamarkaana heshiiskaas la soo gabagabeeyo bisha danbe.

Madrid ayaa qiimeyneysay horumarka uu sameynayo 19 jirkaan, waxaana ay ka warqabeen in 30ka kun ginni ee uu haatam mushaharka u qaato inaysan u dhigmin tayadiiisa.

Ilo ka tirsan Liverpool ayaa u sheegay Sunday Mirror: “Wadahadalo Raheem horumar ayaa laga gaadhay, mana aragno wax dhibaato ah oo soo bixi kara wakhtigan.

“Wax degdeg ah looguma jiro in qandaraaska la saxiixo, laakiin waxaan ka hadleynaa in heshiiska la saxiixayo todobaadyo gudaheed halkii ay ka ahaan laheyd bilo gudaheeda.”

Kooxda reer Spain ayaa diyaar u aheyd inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka xaga danbe ka ciyaara si weerarkooda uu u noqdo, Sterling, Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo James Rodriguez.

Somalilandtoday\Hargeisa Office

Contact@Somalilandtoday.com