Raga Kursiga Madax Waynaha Doonayow Sharciga Ha Baal Marina :waa qalinkii Garyaqaan Amed C/laahi jaamac

Soamaliland waxa lagu tilmaamaa dimuqraadiyadeedu in ay hada ku dhawdahay qaangaadh maadaama la qabtay doorashooyin farabadan oo xadigoodu gaadhayo ilaa iyo shan jeer , waxayna kala ahaayeen sidan ;

Labajeer waxaa la qabtay doorasho Madax wayne, laba jeerna waxa loo qabtay Golayaasha dagaanka , halka hal mar oo kali ah loo qabtay golaha Baarlamaanka. Inkasta oo dimuqraadiyadu ay iska ahayd mid curdin ah hadana waxa nasiib wanaag ahayd hogaa miyayaashii xisbiyada mucaaradka wakhtigaas tartamayey sida mudane Axmed Maxamed Maxamud ( silaanyo) oo ahaa hogaamiyaha iyo musharaxa kursiga madaxwaynaha ee xisbiga kulmiye iyo Mudane Faysal Cali waraabe oo ahaa isna ahaa hogaamiyaha iyo musharaxa madaxwayne ee xisbiga Ucid waxay marwalba ku dadaali jireen inay la shaqeeyaan oo ay u

hogaan sanaadaan shuruucda wadanka iyo qaraarada ay xukuumadii markaa wadanka ka talinaysay ee uu madax waynaha ka ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin soo saaraan si ay doorasho u dhacdo.

Hada waxa inoo muuqda ifafaale aanay dhaqanka dimuqraadiyada somaaliland aan lagu arki jirin ama waxaan odhan karnaa mid ka duwan dhaqankii hore ee siyaasadda ayaa dhacday waxaan aragney musharaxiinta kazoo jeeda xisbiyada mucaaradku in ayna umuuqan in ay wadankan hanan karaan taladiisa Sababtuna waxa weeyi waxay ugu horaynba isku dayayaan in ay carqaladeeyaan habsami u socodka ama tubta lagu gaadhayo doorasho xalaal ah hadii aan sicad aan u iftiimiyo ama u xaqiijiyo arimaha aan kutaageerayo doodayda aan kor kuxusay waxay tahay sidan hoos hoos ku qoran..

1. Waxay is hortaageen kaadh kii aqoonsiga Somaliland oo ahaa xalka kali ah ee aan uhayno doorasho madaxbanaan oo xor iyo xalaal ah.

2. Musharaxa xisbiga wadani mudane C/raxman Cirro oo ah musharaxa kursiga madaxwaynaha ee xisbiga wadani wuxuu ilaa hada ku ad kaysanaa in soo celiyo xubin kamid ah komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ee la kala diray sababta loo kala dirayna ay ahayd qaskii iyo musuqmaasuqii baah sanaa ee ay wadanka ka abuureen isla markaana beelo farabadan oo wadanka dhexdiisa wada dagani ay ku kala irdhoobeen dhamaan shacabka Somalilandna ay mar qudha ku wada dhawaaqeen cod dheenar ku muujiyeen in shaqsiyaadkaa komishinka doorashooyinka qaranka la kala diro sabab tuna ay tahay in dadka noocaas oo kale ah aan lagu aamini Karin doorasho dambe, madaama ay wadanka sumcadiisii ku ciyaareen. Hadaba ma waxan odhan karnaa Ciro wuxuu iloobay wixii ka dhacay Zaylac, Boorama , Hargaysa ,Gabilay ,Berbera, , Burco , Las-caanood iyo Ceerigaabo. Ma waxan odhan karnaa xataa wuxuu ilawsanyahay komishankaasi in wakhtigii ka dhamaaday oo aanu qofna xaq ulahan in uu kalidii soo noqdo arintan oo dhaqan iyo xeerba ka ah Somaliland. Waxaan xusuustaa Madaxwaynihii hore ee Rayaale arintan mid la mid ah ay qabsatey lagana codsadey ama lagula taliyey in uu la hadho ama reebo laba xubnood oo uu xitaa midi ka mid ahi ka soo jeedo beeshiisa laakiin wuu diiday in xubnaha komishinka qaranaka lakala reebo oo qaarna la eryo. Ma waxan odhan karnaa mudane Ciro oo ay ka muuqato shaqsi jacayl oo aan og nahay in xisbiga wadani rag ka caqli iyo aqoonba badani ku jiraan shaqsiyadan uu hada is horwado, miyaanay waji gabax ku ahayn Ciro xisbigiisa dhexdiisa in uu shaqsi ka caashaqo , hadaba waxa is waydiin mudane Ciro ma cid uu aamino ayuu ka waayay shacabka Somaliland oo dhan maxaanse aan ka fili karnaa qofka hada sidan udhaqmaya hadii uu noqdo madaxwayne maxaa kasoo bixi kara waxan umalaynayaa uun in aan ka fili karno qodobadan hoos kuqoran

 m

A) Musuq iyo boob

B) Dhiiri galin qabyaaladeed

C) Ku tumasho sharci

D) Shaqsi jacayl iyo diidmo go, aanka komishinka qaranka

Hadaba waxa iska cad Qofka hada uu wato in uu rabo in uu carqaladeeyo xubnaha komishinka ee hada la soo xulay oo uu kadhigo kuwo sidii foosha xumayd een soo aragnay u dhaqma ama u kharibma sidii kuwii hore u kharibmeen kana dhigo komishanka qaranka ee doorashooyinka mid ku guul dareysta in uu doorasho xalaal ah wadanka kaqabto.

3. Musharaxa ucid isagana waxa ka muuqata in aanu diyaarba u ahayn in ay wadanka ka dhacdo doorasho xalaal ahi isaga oo la moodo in uu kaba dhacsanyahay dhaqanka siyaasadeed iyo dimuqraadiyada ka hana qaadey soomaaliland..

Saa xiibayaal waxaan hadaba idinkula talinayaa

1. In aad u hogaansanaataan shuruucda dalka

2. Ka foogaataan wax alaale iyo wixii keeni kara muhmal ama mad- madaw galinkara qaranimada iyo jiritaanka dalka iyo guud ahaan nabad ku wada noolaanshaha beelaha Somaliland.

3. La shaqaysaan xukuumada una fudu daysaan sikasta oo ay doorasho xalaal ahi wadanka uga qabsoomayso

4. Una diyaar galwdaan in aad guulaystaan iyo in la iniga guulaysto labadaba

5. Ogaadana hadii la idinka guulaysto in aad hambalyaysaan qofkii ku guuleysta hogaaminta dalka waayo somaaliland dhaqan uma laha tolaayeey la igama badin ee waa la idhacay, waxayse dhaqan uleedahay hanbalyo iyo waa lanaga guulaystay.

6. Wixii mad madaw ee aad dareenteen haloo dhigto in lagu saxo doorashooyinka danbes sababtuna waxa weeyi wadanka ayaa koraya oo dhismaya dhinac walba .

jama cabdile <cabdile3@gmail.com