Radio SLT: Somalilandtoday Oo Taliyaha Ciidamada Qaranka Ee Badhan Ka Wareysatay Dagaallada Galgala Ee Al-shabaab & Puntland

(SLT-Hargeysa) – Deegaannada Buuralayda Galgala ayaa waxa ka soo cusboonaaday dagaallo u dhexeeya Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland iyo dagaal-yahanno Al-shabaab ka tirsan oo fadhiisin ku leh buuralayda Galgala ee bariga gobolka Sanaag.

Dagaallo toddobaadkii u dambeeyay ka dhacay Galgala ayaa Maamulka Puntland ku sheegtay inay Al-shabaab ka qabsadeen fadhiisimihii ay ku lahaayeen Galgala, laakiin Al-shabaab ayaa taasi bedalkeeda sheegtay inay khasaare u geysatay Ciidamada Puntland ee ay dagaalyahannadoodu dagaalka la galeen.

Gaashaanle SaalaxHaddaba, si aanu arrintaasi wax uga ogaanno waxa aanu la xidhiidhnay Taliyaha saldhigga Ciidamada qaranka Somaliland ee gobolka Badhan, Gaashaanle Yaasiin Cismaan Saalax, waxaanu sheegay inay dagaalladaasi ka war qabaan isla-markaana ay feejigan yihiin.

Halkan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha Ciidamada Qaranka Ee G. Badhan

 

Cabdiqaadir A. Carab

Email: Horseed001@gmail.com