Qorshihii 120-ka Casho Ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Lagu Bilaabay Xiirista Timaha Dhalinyaradda +SAWIRRO

(SLT-Hargaysa) Qorshihii 120-ka casho ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi laga filaayay ayaa lagu bilaabay xiirista timaha dhalinyaradda. Suuqyada magaalada Hargaysa ayaa la arkaayay maanta iyadoo si khasaba inta la qabto timaha looga xiiraayo dhalinyaradda timahooda kala saraysiiya amma ay dhaadheer yihiin.

Arrintan oo siweyn looga qaada dhigaayay baraha bulshada, ilaa hadda Xukuumaddu kamay hadal lamana garanaayo cidda amarkan soo bixisay, balse dadku waxay u qaateen inay kamid tahay qorshaha 120-ka casho ee Xukuumadda. Talabadan xiirista timaha dhalinyaradda ayaa ah mid aan muhiim ahayn marka loo eego talabooyinkii laga sugaayay Xukuumadda ee ay ugu waynayeen wax ka qabashada sicir-bararka aafeeyay bulshada Somaliland iyo shaqo la’aanta rajo beelka ka dhigay dhalinyaradda.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office