War Xiiso U Leh Dadka Internet-ka Isticmaala: Lacagtaada Ku Tala Baanka Waxad Kala Bixi Karta Twitter.

(SLT-Paris)-Mid ka mid ah bangiyada lacagta ee ugu waaweyn dalka Faransiiska, ayaa daboolka ka qaaday inuu qorshaynaayo nidaam cusub oo uu macaamiishiisa amma dadka isticmaala ugu ogolaanaayo in ay lacagtooda kala bixi karaan, kuna soo diri karaan bogaga internetka ee bulshadu ka wada xidhiidho, gaar ahaan Twitterka.

t
Bangigan oo la ydihaa Groupe BPCE, waxa uu noqon doona bangigiig ugu horreeyey ee soo jeediya in is waydaarsiga lacagahiisu ka dhici karaan Twitterka amma bogaga bulshadu ku kulanto sida uu caddeeyey Madaxa (CEO) bangigaas Mr. Jean-Yves Forel.

Waxa nidaamkan noqon doona mid uu kala kaashado Twitterka, isla markaana bangigu dadka u ogolaan karo in moobiladooda farriin ahaan lacag ugu heli karaan.

“Waxaannu si diiran u soo dhawaynayana ikhtiraacan uu horumariyey bangiga Groupe BBPCE iyo adeegan Twitter dadka isticmaala lacagtooda bangiga u taala ka isticmaali karana booggooda amma barnaamijkan cusub oo la yidhaa S-Money,” ayuu yidhi Olivier Gonzalez oo ah Hormoodka shirkadda Twitter.

Hore shirkadda Twitter waxay u sheegtay in ay doonayso nidaam bangigayada macaamiisheedu lacagtooda kagala bixi karaan oo ay u bixiyeen Twitter Buy, kaasoo dadka isticmaala Twitterka wax kaga iibsan karaan, waxna ku iibin karaan.