Qiimaha Waqtigaagu Waa Qiimaha Noloshaada,ENG: Ahmed Ismail Ahmed “gashanle

Waqtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu qofka ibnu aadamka ahi Haysto inta  uu nool yahay.

 Waana raasamaalka ugu faa’iddada badan hadii si wacan looga faa’idaysto oo loo qorsheeyo sida ay xikmadani leedahay (( Waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo).

wakhti

Noloshana qiimaheedu waxa ay ku xidhan tahay qiimaha waqtiga iyo ka faaidaysigiisa, Hadaba adigu akhriste mays weydiisey qiimaha waqtigaaga?

Waa su’aal muhiim ah waana su’aasha  ugu qaalisan su’aalaha loo baahan yahay inuu qofka caqliga iyo caafimaadka alle (SWT) siiyey is weydiiyo oo uu garto jawaabta saxda ah ama kuhaboon in lagu qeexo

Su’aashan jawaabteeda waxaa si sax ah u helay in yar oo fara ku tiris ah oo dadkeena ka mida intaas heshayna waa inta yar ee waqtigoodaka faa’iidaystey ee gartay qiimaha uu leeyahay kuwaas oo wax badan oo faa’iido u leh naftooda if iyo aakhirana anfacaya, hawgu horeeyaan khayrka iyo cibaadada suuban’e qabsaday,

Hadaba nolosha qiimaheedu waa waqtiga dadkana waxay noloshoodu u kala qiimo badantahay sida waqtigoodu u kala qiimo badan yahay.

Waxaa’se is weydiin leh waqtigu miyuu kala qiimo duwanyahay?

Jawaabtu waa maya, waqtigu ma kala duwana waxa makhluuqa oo dhan ka simanyihiin waa hal waqti oo isku mid ah se waxa qiimihiisa kala duwaa waa insaanka iyo duruufaha noloshiisa.

Qof walbana isaga ayaa waqtigiisa qiimo gaar ah u yeela , Sidaan ka warqabno qof wal oo koonka saaran waxa uu haystaa  ama ku xisaabtamaa (( sanad 12 bilood ah, bil 30 cidho ah, todobaad 7 maalmood ah, maalin 24 saacadood ah,  saacad 60 daqiiqadood ah))  sidaasuu waqtigu weligiina aanu iska bedelin  oo waa ta qur’aanka kaarimka ahba noogu cad in sanadku alle (SWT) agtiisa ka yahay 12 bilood.

Taasi waxay kuu cadaynaysaa in insaanku mar walba waqti isku mid ah haysto se uu isagu qiimihiisa mid gaar ah oon lala wadaagin ama lagala sinayn ka dhigan karo .

Waxa kala duwayaana waa siday u kala qiimeeyaan iyo faa’iidooyinka ay ka gaadhaan. Marar badan ayaad arkaysaa qof yar oo 20 sano jiray oo nolshiisu ka qiimo iyo faa’iido badantahay mid 60 sano jiray, waxaad markiiba is weydiinaysaa sidee qofkan 20-ka sano jiray kan 60-ka jiray uga faa’iido badnaan karaa isaga oo kan 60-ka soo noolaa saddex laab inta uu noolyahay kan kale !!?

Waxa uu uga faa’iido badanyahay  kan yar waxa uu si  wacan uga faa’iidaystey 20-kan sano ee uu haystey lagaba yaabaa in aan daqiiqad keliya oo bilaa faa’iido ah ama maalaayacni ah  laga helin waqtiga uu noolaa,

Halka kan kalena waqtigiisa intii badnayd uu ku dhaafay faa’iido la’aan iyo waxaan dani ugu jirin kaas oo mooganaa qiimaha waqtigiisu leeyahay kadibna is arkay uun isaga oo 60-jir ah oo aan wax faa’iido ahna ka hayn waqtigiisii.

Halkaasaanu ka bilaabaa calaa-cal iyo murugo isaga oo iska qoomamaynaya khasaaraha uu naftiisa baday ee uu ka taagan yahay waqtigii iyo caqligii uu Rabi ugu deeqay iyo noloshiisan bilaa qiimaha ah taasina waa halkay Soomaalidu kaga maahmaahdo (( nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raacdee)).

Halka kii yaraa haduu 60 gaadho uu ku gaadhayo farxad iyo guul  iyo nolol qiima leh illeen markii uu waqtiga haystey buu waqtigiisii qiimo u yeelee.

Waxaa mar walba inagu waajib ah inaan waqtigeena uga faa’idaysano sida ugu haboon kagana faa’iidaysana waxa Alle (SWT) raali gelinaya si aad adiguna ugu noolaato nolol aad raali ku tahay.

Waxyaabaha aan kaga faa’idaysan karno waqtigeena maxaa kamida ?

1.   Cibaado suuban oo aan allihii ina abuurtay ( SWT) ku caabudno oo aynu si wacan u garano sababta laynoo abuuray inay tahay in aan alle keligiis (SWT) u caabudno waa ku alle inaagu sheegay qur’aanka (( Jinaka iyo insiga umaanaan abuurin inay na caabudaan mooyane )).

2.   Inaga oo kaga faa’iidaysana cilmi  aan barano kaas oo noqonaya ka ina anfacaya nolosha aduunka iyo ta aakhira labadaba cilmigaas oo uu ugu horeeyo barashada kitaabka alle ee kariimka ah.

3.    Ina aan nafaheena ku waajibino samaynta wanaaga , wanaagaas oo aynu usamaynayno nafeheena iyo walaalheena kaleba  inaga oo  ku caawinayna walaalheen wax kasta oo wanaag ah sida ( inaga oo wax wanaagsan farna, sadaqo siina, dhib haysatey uga gargaarna, ka bukaanka ah soo booqana  iwm).

Waa in aan muhiimda koowaad ka dhignaa saan waqtigeena wax anfac inoo yeelanaya if iyo aakhraba ugaga faaidaysano, Ma ogtahay in imaamkii weynaa ee bukhaari uu cilmigiisu ka badnaa cimrigiisa?!!

Taasna uu ku mutaystay dadaalkii badnaa iyo sidii wacnayd ee uu qiimaha waqtigiisa u bartay.

Qofka bani’aadamka ahi waa maalma yar inta uu noolyahay iyo waqtiga uu haysto haduu ka faa’iidaysto wuu guulaysan hadii u garan waayana wuu khasaari xikmadba tidhaahda (ogoow ibnu aadam waxa tahay maalmo is daba socda  markasta oo maalmahaa mid kamidii tagtana waxaa tegey badhkaa)

Nolosha oo dhani waa 3 maalmood:-

1.  Shalay:- waa maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn  waxii ay  guul lahayd iyo khasaareba way tageen mana soo ceshan kartid waxase laga yaaba hadii aad tahy qof dhugsho leh inaad ka hadana sidadban uga faa’iidaysto maalintaa ku dhaaftay een soo noqosho lahayn waxa su’aala siday suurto gal u tahay inaad tidhaa waqti tagay ayaan ka faa’iidaysanyaa ? !!

Way fududahay waxaana garan kara kaliya qof caqli usaaxiiaba, ugu horayn waa inaad dareento wixii ku seegay shalay kuna dadaasho in aanay dib udhicin si ay dawo ugu noqoto soonoqnoshada marxalada caynkaas ah.

2.  Maanta:- waa maalinta ugu qaalisan cimrigaaga waana raasamaalka ugu weyn ee aad haysato  waana maalinta ugu qaaalisan noloshaada qiimaha noloshaada oo dhamina waxay ku xidhanyihiin saacadaha yare ee ku jira  noloshaada qiimaheeduna waxa ay noqonaysaa sida aad hadba ugu faaidaysato oo keliya  waayo manta markaad ka faaidaysato berrina waad ka faaidaysankartaa iyo cimrigaaga oo dhanba  laakiinse hadaad maanta lumiso beritana waad lumin  sidaasaanad ku lumisay  noloshaadii oo dhan  waxaa la yidhi (( qofka waxa jooga aan garani waxa soosocda magarto)).

3.  Berri:- berriyeey maxaa tahay? waa maalin maqan mana garan kartid waxa ay kuu sido waxay noqon inaad gaadhi iyo in kale  alle (SWT) ayaa keligii og berri iyo waaayaheeda  mana aha inaad ku xisaabtanto waxanad garanayn wax ay noqon  (( haddaad waa bariisato ha sugin in aad galabaysato hadii aad galabaysatana hasugin in aad waa bariisato)) Waayo ma ogid inaad subax leedahay iyo inkale,   laakiin  manta ka dhig maalinta guushaada camalkaaga iyo hawlahaagana u samee sida ugu wacan ee ugu quruxda badan  hammigaaga iyo dadaalkaagana isugu gee saad manta u guulaysan lahayd)) taasina waa sirta nolasha saraynta iyo farxada   waxa aa la yidhaahdaa ((qaamuuska waqtiga kelmed keliya ayaa ku jita  kelmedaasina waa { immika ama hadda} macnihii waa daqiiqadaa aad hadda joogto oo keliya)).

Taasina waxa aya kuu cadaynaysaa in waxa aad haysataaba yahay daqiiqadaa aad joogto oo keliya   qiimaha noloshaaduna waa hadba inta kusoo marta sidaad uga faa’iidaysato.

Waqtiga qiimihiisa in badanbaa diinteenu inagu boorisay  ka faa’iidaysigiisa  kaas oo aan ka soo qaadan karno  xadiiskii shariifka ahaa (shan ka faa’idayso shan ka hor) waxaa ka mid ahaa shanta

(ka faa’idayso firaaqadaada mashquukaga  ka hor)

Carabtuna waxa ay ku maahmaahaan (( qof waliba waa ina maalintii in ka badan inta uu yahay ina aabihii))

Xikmado iyo  meelo badan oo diinteena ka  mid ahba waxaa kaaga muuqanaya oo ay ina farayaan waa qiimaha waqtigu leeyahay  inagana sida inagu waajibka ahi waa in aan ka faa’iidaysanaa maalmaha nolosheena si aan ifka sharaf iyo cisi ugu noolaano aakhirana camal wanaagsan oo ina anfaca aynu u kasbano, waa in aad noqotaa qof noloshiisa iyo naftiisa toona aan faa’iido la’aanta iyo maalaaa yacnigu boos ka lahayn oo aanay uga banaanayn.

Si hadaba aad u xaqiijiso arrintan waa  in aad  habeen kasta intaa aanad seexan xisaabtantaa oo xisaab xidh ku samaysaa waqtigii aad maanta soo qaadatay iyo waxa aad kaga faa’iidaysatay, waa in aad ogaataa saacad walba iyo halka ay kaaga baxday iyo waxa aad ku qabatay, adigoo iskale mid dhigaya sidii nin meherad leh oo kale oo habeenkii xisaabinaya meheradiisa si uu u ogaado waxa uu faa’iiday iyo waxuu khasaaray iyo weliba waxa uu berri la shaqa tagayo intaba.

Taasi waxay kuu fududaynaysaa inaaad ogaato waqtigaagii iyo sida aad manta ku qaadatay hadii  maxsuulku kuu sooboxo guul aad baan kuugu hanbalyaynayaa waxaanad tahay qof noloshiisa guul ka jooga, hadii kalena waad khasaartay ee nafta ku dhiiri geli in aanad dib u khasaarin oo aad khasaarahaga guul ku bedesho sida ugu dhaqsaha badan allena ( SWT) talo saaro keligii ayaa awooda inuu wax hagaajiyo’e

Maskaxdaadana ku hay xikmada odhanaysa ((maalintaadu yaanay kugu dhaafin faa’iido la’aan  maalkaagana ha dhigin wax ku qabad la’aan  waayo cimrigu wuu ka gaabanyahay in  dhamaado faa’iido la’aan ,maalkuna wuu ka yaryahay in la dhigo wax qabad la’aan))

ogow oo ogow qofka caqliga badani  suura gal kama aha inuu waqtigiiisu maala yacni iyo faa’iido la’aan ku dhaafo, maalkiisana ku lumiyo wax aan faa’iido lahayn iyo khayr toona ,,

 Ugu danbayntii waa in aad uga faaidaysataa waqtigaaga sidii qof berri dhimanaya oo kale  adiga oo fulinaya wax kasta oo waajib ku saran ah ugana soo baxaya habka ugu haboon  una dhamaystiraya haday cibaado tahay iyo haday  camal aduunyo oo wacan tahayba  kuna xisaabtan in marka aad xasilo oo siday tahay aad uga soo baxdo meelaysana arritaada  aakhiro  uu ka  aduunkuna isaga oo khasban kuu imanayo

Waxa cirka lagu gaadhay waa waqti laga faa’iidaystay  iyo buuraha figtooda, badda gunteeda waxaas oo dhana waxaa kasii saraysa janada fardaywasa ee ku dadaal saad if iyo aakhiraba ugu guulaysan lahayd kana faaidayso daqiiqada aad haysato.

…………… lasoco qormada 2aad maanta maalinteeda.

ENG: Ahmed Ismail Ahmed “gashanle”

Haashim2050@hotmail.com